{"id":97607,"date":"2025-04-23T12:50:07","date_gmt":"2025-04-23T11:50:07","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=97607"},"modified":"2025-04-23T12:50:07","modified_gmt":"2025-04-23T11:50:07","slug":"goddoonka-labada-aqal-ee-bfs-oo-faray-dardargelinta-dhameystirka-dastuurka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/goddoonka-labada-aqal-ee-bfs-oo-faray-dardargelinta-dhameystirka-dastuurka\/","title":{"rendered":"Goddoonka labada Aqal ee BFS oo faray dardargelinta dhameystirka dastuurka"},"content":{"rendered":"<p>Guddoomiyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeennada labaad ee Golayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan la qaatay Guddiga Lasocodka iyo Dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka labadiisa Aqal.<\/p>\n<p>Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa Guddiga Madaxabanaan ee Dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, iyaga oo halkaas looga dhageystay warbixin ku saabsan marxaladaha ay marayaan howlaha la xiriira dib u eegista dastuurka iyo qorshayaasha uga degsan xiliga ay Baarlamaanka horgeeynayaan cutubyada harsan.<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"\" src=\"https:\/\/scontent.fmgq1-2.fna.fbcdn.net\/v\/t39.30808-6\/492778776_1004620278515274_5738661100990876720_n.jpg?_nc_cat=109&amp;ccb=1-7&amp;_nc_sid=833d8c&amp;_nc_ohc=e966y9Xn44EQ7kNvwENkWrW&amp;_nc_oc=AdmW0Yt0nAdw2R-l8fNdUL8Qys_W_7r1xoxlPjfPV-55m2WkyLC0tL8ypgAsgCn7uFk&amp;_nc_zt=23&amp;_nc_ht=scontent.fmgq1-2.fna&amp;_nc_gid=iUkCRtTsNE0boQIq3k_whA&amp;oh=00_AfHki8G5dMOe5hf8ZaZh6VLR9d5VpOoaNiKp0u-jEAkcFw&amp;oe=680E9B4F\" alt=\"May be an image of 6 people, dais and text\" width=\"1317\" height=\"878\" \/><\/p>\n<p>Sidoo kale, Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Guddiga Lasocodka, dib u eegista Dastuurka ee BFS iyo guddiga Madaxabanaan ee Dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa isku raacay dardargelinta howlaha la xiriira dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka.<\/p>\n<p>Horay labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyeen 4ta cutub ee ugu horraysa Dastuurka Kumeeel gaarka ah.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal <\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Guddoomiyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeennada labaad ee Golayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan la qaatay Guddiga Lasocodka iyo Dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka labadiisa Aqal. Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa Guddiga Madaxabanaan ee Dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, iyaga oo halkaas looga dhageystay warbixin ku&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":97608,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/97607"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=97607"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/97607\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":97609,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/97607\/revisions\/97609"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/97608"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=97607"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=97607"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=97607"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}