{"id":97532,"date":"2025-04-21T09:42:51","date_gmt":"2025-04-21T08:42:51","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=97532"},"modified":"2025-04-21T09:54:20","modified_gmt":"2025-04-21T08:54:20","slug":"xildhibaano-ka-tirsan-bfs-oo-wada-mooshin-ka-dhan-ah-guddoomiye-aadan-madoobe","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/xildhibaano-ka-tirsan-bfs-oo-wada-mooshin-ka-dhan-ah-guddoomiye-aadan-madoobe\/","title":{"rendered":"Xildhibaano ka tirsan BFS oo wada Mooshin ka dhan ah Guddoomiye \u00a0Aadan Madoobe"},"content":{"rendered":"<p>Waxaa maanta baaqday kulankii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaas oo laa balansanaa in uu ka dhaco xarunta Golaha ee Villa Hargeysa, xilli mudanayaasha Golaha ay ka soo laabteen fasax ay ku maqnaayeen ku dhawaad bil.<\/p>\n<p>Kulanka Golaha Shacabka ayaa dib u furmay maalintii Sabtida ee todobaadkaan, waxaana shirguddoominayey Guddoomiye Aadan Madoobe iyo ku xigeenkiisa labaad Abshirow. Furitaanka kulankii todobaadkaan waxaa ka dhashay buuq kaas oo ugu dambeyn sababay in uu kulanka soo xirmo natiijo la\u2019aan.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa ku dhawaaqay in fadhiga uu si rasmi ah u xirmay, maadaama aan la sii wadi karin kulanka sababo la xiriira buuqa iyo muranka hareeyay kulanka.<\/p>\n<p>Muuqaallo ka soo baxay kulankii Sabtida ayaa la arkayey qaar kamid ah xildhibaannada ku qeylinayay ereyo ka dhan ah Guddoonka Golaha, kuwaas oo ka gadoodsanaa go\u2019aankii Guddoomiye Aadan Madoobe ka qaatay Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib.<\/p>\n<p>Qaar ka mid ah Xildhibaannada oo warbaahinta la hadlay isla maalintaas ayaa sheegay in Guddoomiye Aadan Madoobe uusan awood u lahayn in uu ka qaado Xildhibaanka Xasaanaddiisa, iyaga oo ku dooday in ay cod loo qaado Xildhibaanka.<\/p>\n<p>Muraankaas ayaa sababay in qaar ka mid ah Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay abaabuleyn mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka, kaas oo ay sheegeen in ay ka wadaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe.<\/p>\n<p>Lama oga natiijada rasmiga ee ka soo bixi doonta Mooshinkaan balse Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ka caraysan go\u2019aankii uu qaatay Sheekh Aadan Madoobe, qaar kood ayaa dhaliilo u jeediyey habka hoggaamineed ee Guddoomiyaha<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal <\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Waxaa maanta baaqday kulankii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaas oo laa balansanaa in uu ka dhaco xarunta Golaha ee Villa Hargeysa, xilli mudanayaasha Golaha ay ka soo laabteen fasax ay ku maqnaayeen ku dhawaad bil. Kulanka Golaha Shacabka ayaa dib u furmay maalintii Sabtida ee todobaadkaan, waxaana shirguddoominayey Guddoomiye Aadan Madoobe iyo ku&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":84083,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/97532"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=97532"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/97532\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":97536,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/97532\/revisions\/97536"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/84083"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=97532"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=97532"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=97532"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}