{"id":97436,"date":"2025-04-18T14:04:49","date_gmt":"2025-04-18T13:04:49","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=97436"},"modified":"2025-04-18T14:04:49","modified_gmt":"2025-04-18T13:04:49","slug":"dagaal-iyo-duqeymo-ka-dhacay-buuraha-gobolka-bari","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/dagaal-iyo-duqeymo-ka-dhacay-buuraha-gobolka-bari\/","title":{"rendered":"Dagaal iyo duqeymo ka dhacay buuraha gobolka Bari"},"content":{"rendered":"<p>Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo Daacish oo ka socda deegaanka Togga Miraale ee gobolka Bari.<\/p>\n<p>Ciidamada Difaaca Puntland ayaa xaqiijiyay in ay weerar ku qaadeen Saldhigyo ay kooxaha Daacish kaga sugnaayeen Togga Miraale.<\/p>\n<p>Sidoo kale, dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in duqeymo laga maqlay deegaankaasi, kuwaasi oo lala beegsanayay xubnaha Daacish.<\/p>\n<p>Weli lama oga khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalka iyo duqeymaha ka dhacayd deegaanka Togga Miraale ee gobolka Bari.<\/p>\n<p>Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Amniga Puntland oo la xiriira dagaalka.<\/p>\n<p>Maalmihii la soo dhaafay Ciidanka Amniga Puntland ayaa kordhiyay howlgallada ay ka sameynayaan buuraha Gobolka Bari, halkaasi oo ay ku sugan yihiin xubno Daacish ah.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo Daacish oo ka socda deegaanka Togga Miraale ee gobolka Bari. Ciidamada Difaaca Puntland ayaa xaqiijiyay in ay weerar ku qaadeen Saldhigyo ay kooxaha Daacish kaga sugnaayeen Togga Miraale. Sidoo kale, dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in duqeymo laga maqlay deegaankaasi,&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":14,"featured_media":97442,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,77],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/97436"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/14"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=97436"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/97436\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":97443,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/97436\/revisions\/97443"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/97442"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=97436"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=97436"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=97436"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}