{"id":96956,"date":"2025-04-03T10:46:43","date_gmt":"2025-04-03T09:46:43","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=96956"},"modified":"2025-04-03T10:46:43","modified_gmt":"2025-04-03T09:46:43","slug":"raiisul-wasaare-xamsa-oo-golaha-wasiirrada-faray-in-la-joogteeyo-taakuleynta-ciidanka-dowladda","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/raiisul-wasaare-xamsa-oo-golaha-wasiirrada-faray-in-la-joogteeyo-taakuleynta-ciidanka-dowladda\/","title":{"rendered":"Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa oo Golaha Wasiirrada faray in la joogteeyo taakuleynta ciidanka dowladda"},"content":{"rendered":"<p>Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa looga hadlay dagaalka ka dhank ah Al-Shabaab ee ka socda qeybo ka mid ah gobollada dalka.<\/p>\n<p>Kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixin faah-faahsan oo ku aaddan dagaallada socda dalka, iyada oo goluhu bogaadiyey geesinimada iyo naf-huridda ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaannada ee dagaalka kula jira Al-Shabaab, isla markaana caddeeyey muhiimadda ay leedahay in la joogteeyo booqashada furimaha dagaalka, si loo dhiirageliyo geesiyaasha Qaranka u halgamaya. sida lagu yiri qoraal ka soo baxay shirka.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, oo kulanka guddoominayey, ayaa golaha warbixin ka siiyey booqashadii uu ku tagey furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Hoose maalintii ciidda, isaga oo golaha faray in la joogteeyo taakuleynta iyo garab-istaagga ciidanka Qaranka.<\/p>\n<p>Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, ayaa golaha la wadaagtay halka ay marayaan howlaha shidaal baarista ee socda iyo caqabadaha jira, iyada oo Wasaaraddu caddeysay in ka hor dhammaadka sanadkan la soo gabagabeyn doono shaqada baarista ee loo yaqaan (3D Seismic Survey), si loo cayimo goobaha shidaalku ceegaago, looguna gudbo heerka xiga ee qodaalka ceelasha shidaalka.<\/p>\n<p>Shirka Golaha ayaa lagu ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Qorshaynta iyo Dhiiragelinta Maalgashiga ee ku aaddan Agaasime ku-xigeenka Hey\u2019adda Istaatistikada Qaranka, Cabdiraxmaan Cumar Daahir oo loo cusbooneysiiyay muddo xilleedka.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa looga hadlay dagaalka ka dhank ah Al-Shabaab ee ka socda qeybo ka mid ah gobollada dalka. Kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixin faah-faahsan oo ku aaddan dagaallada socda dalka, iyada oo goluhu bogaadiyey geesinimada iyo naf-huridda ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaannada ee dagaalka&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":96957,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/96956"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=96956"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/96956\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":96958,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/96956\/revisions\/96958"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/96957"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=96956"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=96956"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=96956"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}