{"id":96912,"date":"2025-04-02T06:23:16","date_gmt":"2025-04-02T05:23:16","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=96912"},"modified":"2025-04-02T06:52:28","modified_gmt":"2025-04-02T05:52:28","slug":"raiisul-wasaare-xamse-iyo-wafdi-uu-hoggaaminayo-oo-la-filayo-in-ay-gaaraan-magaalada-laascaanood","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/raiisul-wasaare-xamse-iyo-wafdi-uu-hoggaaminayo-oo-la-filayo-in-ay-gaaraan-magaalada-laascaanood\/","title":{"rendered":"Ra&#8217;iisul wasaare Xamse iyo wafdi uu hoggaaminayo oo la filayo in ay gaaraan magaalada Laascaanood"},"content":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa lagu wadaa in ay safar ku tagaan magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka SSC-Khaatumo.<\/p>\n<p>Booqashadan oo la filayo in ay dhacdo maalmaha soo socda ayaa ujeedadeedu tahay xoojinta xiriirka DFS iyo maamulka SSC-Khaatumo. Ra\u2019iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa la kulmi doona madaxda maamulka SSC-Khaatumo iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.<\/p>\n<p>Intii uu socdo socdaalka, waxa la filayaa in Ra\u2019iisul Wasaaruhu dhagax-dhigo mashaariic horumarineed oo lagu taageerayo dib-u-dhiska iyo horumarka deegaannada SSC-Khaatumo. Dad badan ayaa socdaalkan u arka mid sare u qaadaya maqaamka maamulka SSC-Khaatumo oo weli Dowladda Federaalka u aqoonsan tahay mid ku meelgaar ah.<\/p>\n<p>Magaalada Laascaanood ee Ra\u2019iisul wasaare Xamse tagayo ayaa waxaa ka dhacay dagaallo u dhaxeeyay maamulada Somaliland iyo SSC Khaatumo, kuwaasi oo ay dad badan ku geeriyoodeen.<\/p>\n<p>Si kastaba ha ahaatee, socdaalkan ayaa la filayaa inuu caddeeyo mowqifka dowladda ee ku aaddan taageerada maamulkaasi iyo horumarinta gobollada SSC.<\/p>\n<p>Waa markii ugu horreysey taariikhda muddo 56 sano ah Mas\u2019uul xil sare ka haya dowladda Federaalka tago magaalada Laascaanood, tan iyo sannadkii 1969, markaasi oo Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharma&#8217;arke, isaga oo booqasho halkaasi ku jooga lagu dilay.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa lagu wadaa in ay safar ku tagaan magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka SSC-Khaatumo. Booqashadan oo la filayo in ay dhacdo maalmaha soo socda ayaa ujeedadeedu tahay xoojinta xiriirka DFS iyo maamulka SSC-Khaatumo. Ra\u2019iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa la&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":96913,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/96912"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=96912"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/96912\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":96915,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/96912\/revisions\/96915"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/96913"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=96912"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=96912"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=96912"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}