{"id":96781,"date":"2025-03-27T14:04:33","date_gmt":"2025-03-27T14:04:33","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=96781"},"modified":"2025-03-27T14:04:33","modified_gmt":"2025-03-27T14:04:33","slug":"haweeney-jarmal-ah-oo-muddo-7-sano-ku-afduuban-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/haweeney-jarmal-ah-oo-muddo-7-sano-ku-afduuban-soomaaliya\/","title":{"rendered":"Haweeney Jarmal ah oo muddo 7 sano ku afduuban Soomaaliya"},"content":{"rendered":"<p>Haweeney u dhalatay Jarmalka oo lagu magacaabo Sonja Nientiet, una shaqeynaysay hay\u2019adda Laanqayrta Cas (ICRC) oo lagu afduubtay magaalada Muqdisho 2-dii May 2018, ayaa markii u horreysay kooxda Afduubka u heysata baahiyeen Muuqaalkeeda.<\/p>\n<p>Muuqaalka, oo lagu faafiyay barta YouTube, ayaa muujinaya duruufo adag oo ay wajahayso Sonja, iyadoo codsanaysa in si degdeg ah loo badbaadiyo.<\/p>\n<p>Waxay fariimo u dirtay dowladda Jarmalka, hay\u2019adda Laanqayrta Cas, iyo muwaadiniinta Jarmalka, iyada oo ka codsanaysa in loo fududeeyo sidii ay ugu laaban lahayd dalkeeda oo ay dib ula midoobi lahayd qoyskeeda.<\/p>\n<p>Sonja Nientiet, oo muddo saddex sano ah u shaqaynaysay ICRC, ayaa sheegtay in ay nafteeda u hurtay caawinta dadka danyarta ah ee aan is difaaci karin, balse la iska hilmaamay.<\/p>\n<p>Waxay intaa ku dartay in xaaladdeeda caafimaad iyo badqabkeeduba aad u liitaan, ayna u baahan tahay gargaar degdeg ah.<\/p>\n<p><strong>\u201cWaxaan u dhaxeeya nolol iyo geeri, waxaan ka codsanaya Dowladda Soomaaliya, sida Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Dowladda Jarmalka in la iga caawiyo sidii la ii sii deyn lahaa\u201d<\/strong> ayay tiri Sonja Nientiet.<\/p>\n<p>Weli ma cadda ilaa hadda goobta Afduubayaasha ku hayaan haweeneydan u dhalatay dalka Jarmalka.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Haweeney u dhalatay Jarmalka oo lagu magacaabo Sonja Nientiet, una shaqeynaysay hay\u2019adda Laanqayrta Cas (ICRC) oo lagu afduubtay magaalada Muqdisho 2-dii May 2018, ayaa markii u horreysay kooxda Afduubka u heysata baahiyeen Muuqaalkeeda. Muuqaalka, oo lagu faafiyay barta YouTube, ayaa muujinaya duruufo adag oo ay wajahayso Sonja, iyadoo codsanaysa in si degdeg ah loo badbaadiyo&#8230;.<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":96782,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/96781"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=96781"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/96781\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":96783,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/96781\/revisions\/96783"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/96782"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=96781"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=96781"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=96781"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}