{"id":96778,"date":"2025-03-27T10:49:11","date_gmt":"2025-03-27T10:49:11","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=96778"},"modified":"2025-03-27T10:49:11","modified_gmt":"2025-03-27T10:49:11","slug":"madaxweyne-xasan-shiikh-oo-u-safray-dalka-turkiga","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/madaxweyne-xasan-shiikh-oo-u-safray-dalka-turkiga\/","title":{"rendered":"Madaxweyne Xasan Shiikh oo u safray dalka Turkiga"},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogaan.<\/p>\n<p>Madaxwaynaha ayaa la kulmi doona dhiggiisa Turkiga, iyaga oo ka wada hadli doona sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhanka militariga, amniga, xoojinta dagaalka AS.<\/p>\n<p><strong>\u201cBooqashadani ayaa muhiim u ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga Soomaaliya iyo T\u00fcrkiye ee lagu ciribtirayo argagixisada, iyadoo dowladda Soomaaliya ay ka go\u2019antahay dagaalka adag ee lagula jirto Khawaarijta si loo xaqiijiyo xasilloonida, nabadda, iyo dib u dhiska dalka\u201d<\/strong> ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya.<\/p>\n<p>Madaxweynaha ayaa maalmihii la soo dhaafay waday dardar galinta dagaalka ka dhan ah AS ee ka socda dalka, isaga oo tagey deegaanno badan oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.<\/p>\n<p>Soomaaliya iyo Turkiga leh xiriir taabanaya dhinacyada amniga, militariga, ganacsiga, dhaqaalaha buluugga, tamarta iyo waxbarashada.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogaan. Madaxwaynaha ayaa la kulmi doona dhiggiisa Turkiga, iyaga oo ka wada hadli doona sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":96779,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/96778"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=96778"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/96778\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":96780,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/96778\/revisions\/96780"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/96779"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=96778"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=96778"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=96778"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}