{"id":9667,"date":"2018-10-20T09:14:29","date_gmt":"2018-10-20T08:14:29","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=9667"},"modified":"2018-10-20T09:14:29","modified_gmt":"2018-10-20T08:14:29","slug":"madaxweyne-xaaf-oo-safar-dhulka-ah-ku-tagayo-magaalada-garoowe","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/madaxweyne-xaaf-oo-safar-dhulka-ah-ku-tagayo-magaalada-garoowe\/","title":{"rendered":"Madaxweyne Xaaf oo Safar Dhulka ah ku tagayo Magaalada Garoowe."},"content":{"rendered":"<p>Wararka Mustaqbal Radio ay ka heleyso Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Madaxweyne Xaaf uu ku wajahan yahay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.<\/p>\n<p>Safarka Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayay wararka qaar sheegayaan in uu yahay mid uu dhulka ku marayo, isaga oo sii mari doono deegaano dhaca Maamulka Puntland.<\/p>\n<p>Mas&#8217;uuliyiin ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayaa Mustaqbal u sheegay in Safarka Madaxweyne Xaaf uu ku qotomo ka qaybgalka shirka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada oo la filayo in uu ka dhaco Magaalada Garoowe.<\/p>\n<p>Shirkaan ayaa dib ugu dhacay 10-kii Bishaan Sababo la xiriira Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ee Golahaan ku mideysan oo intooda badan Dalka ka maqnaa.<\/p>\n<p>Lama shaacin waqtiga rasmiga ah ee uu furmayo, balse waxaa socdo qaban qaabo Madaxda Dowlad Goboleedyada ay ku gaarayaan Magaalada Garoowe oo ah halka lagu ballansan yahay.<\/p>\n<p><strong>La soco wixii kasoo kordha. <\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wararka Mustaqbal Radio ay ka heleyso Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Madaxweyne Xaaf uu ku wajahan yahay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal. Safarka Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayay wararka qaar sheegayaan in uu yahay mid uu dhulka ku marayo, isaga oo sii mari doono deegaano dhaca Maamulka Puntland. Mas&#8217;uuliyiin&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":8821,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[80,59,77,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/9667"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=9667"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/9667\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/8821"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=9667"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=9667"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=9667"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}