{"id":9659,"date":"2018-10-20T07:59:05","date_gmt":"2018-10-20T06:59:05","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=9659"},"modified":"2018-10-20T07:59:05","modified_gmt":"2018-10-20T06:59:05","slug":"uk-oo-beenisay-in-ay-maalgelisay-liyuu-boolis","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/uk-oo-beenisay-in-ay-maalgelisay-liyuu-boolis\/","title":{"rendered":"UK oo beenisay in ay maalgelisay Liyuu Boolis"},"content":{"rendered":"<p>Dowladda Ingiriiska ayaa beenisay in ay lacag badan ku bixisay Ciidanka fadeexaddu heysata ee dowlad degaanka Soomaalida.<\/p>\n<p>Madaxa waaxda horumarinta Caalamiga ah ee UK\u00a0Christian Rogg ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha cusub ee dowlad degaanka Mustafa Maxamed Cumar.<\/p>\n<p>Safaaradda UK ee Adis ababa ayaa sheegtay in kulankaas uu\u00a0Christian Rogg uga faa&#8217;ideystay in uu beeniyo warbixinno been abuur ah oo lagu sheegay in UK ay 2013kii dhaqaale badan ku bixisay Ciidanka Luyuu Booliska.<\/p>\n<p>Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa Dalka Ingiriiska ayaa qoray in Dowladda Ingiriiska ay sanadkii 2013kii ku bixisay Ciidanka Liyuu Boolis lacag u dhaxeysa\u00a0\u00a313m\u201315m oo lacagta Ingiriiska ah,taas oo ku baxday tababarka Ciidanka qeybna ka ahayd qorshe shan Sano ahaa.<\/p>\n<p>Warbixin uu xafiiska soo saaray sanadkii la soo dhaafay ayuu ku sheegay in uu jiray qorshaha xaqiijinta iyo taageeridda amniga Gobolka laakiin aan la fulinin oo uu hakad galay.<\/p>\n<p>Madaxweynah Dowlad Degaanka Mustafa Maxamed iyo\u00a0 Christian Rogg \u00a0ayaa kulankooda uga hadlay sidii dowladda Ingiriiska u taageeri lahayd qorshaha dib u habeynta amaanka iyo arrimaha bulshada ee dowlad degaanka Soomaalida.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dowladda Ingiriiska ayaa beenisay in ay lacag badan ku bixisay Ciidanka fadeexaddu heysata ee dowlad degaanka Soomaalida. Madaxa waaxda horumarinta Caalamiga ah ee UK\u00a0Christian Rogg ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha cusub ee dowlad degaanka Mustafa Maxamed Cumar. Safaaradda UK ee Adis ababa ayaa sheegtay in kulankaas uu\u00a0Christian Rogg uga faa&#8217;ideystay in uu beeniyo warbixinno been&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":9657,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/9659"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=9659"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/9659\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/9657"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=9659"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=9659"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=9659"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}