{"id":96038,"date":"2025-03-02T11:01:04","date_gmt":"2025-03-02T11:01:04","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=96038"},"modified":"2025-03-02T11:01:04","modified_gmt":"2025-03-02T11:01:04","slug":"usaid-oo-qiratay-in-ay-40-milyan-oo-doollar-siisay-kooxo-ay-kamid-yihiin-as","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/usaid-oo-qiratay-in-ay-40-milyan-oo-doollar-siisay-kooxo-ay-kamid-yihiin-as\/","title":{"rendered":"USAID oo qiratay in ay $40 Milyan oo doollar siisay Kooxo ay kamid yihiin AS"},"content":{"rendered":"<p>Hay\u2019adda Kaalmada Maraykanka u qaabilsan ee USAID ayaa qiratay in ay lacag ku taageertay Kooxo kala duwan oo Dowladdaas u aqoonsan tahay in ay yihiin waxa loogu yeero \u2018Argagixisada\u2019 isla markaana hoggaanka lacag badan dul dhigtay.<\/p>\n<p>Magacyada Kooxahaan oo Hay\u2019addu Xustay waxaa kamid ah: Xamaas, Al-Shabaab, Taalibaan iyo kuwo kale oo Maraykanku uu ku bixiyay lacago badan sidii hoggaankooda loogu dili lahaa weerarro toos ah iyo duqeymo culus.<\/p>\n<p>Golaha Congress-ka oo su\u2019aalo weydiiyay mas\u2019uuliyiin katirsan Hay\u2019adda Taakulada Dibadda u qaabilsan Maraykanka ee USAID maadaama Madaxweyne Donald Trump uu ka xayiray kaalmadii ay fidin jirtay ayaa dhinacyo kala duwan ka su\u2019aalay.<\/p>\n<p>Waxyaabaha sida tooska ah lo weydiiyay waxaa kamid ah in ay taakulo siiyeen \u2018AS\u2019 iyada oo Agaasimaha Fulinta ee USAID <a href=\"https:\/\/www.youtube.com\/watch?v=DLQc2dYikyU\"><strong>Gregg Roman<\/strong><\/a> uu isla markiiba ku warceliyay in ay jirto taageerradaas ay siiyeen \u2018AS\u2019 iyo kooxo kale oo ka aasaasan Suudaan, Suuriya &amp; Kuwo kale.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa markii dib loo doortay waxa uu qaaday tallaabo ka dhan ah shaqadii Hay\u2019adda USAID oo waxa uu ka joojiyay kaalmadii dibadda ay siin jirtay waddamada Caalamka, keliya waxa uu kusoo reebay Taakulada Israa\u2019iil.<\/p>\n<p>Marar badan waxaa jiray warbixinno kala duwan oo lasoo gudbiyay oo muujinaya in Hay\u2019adda USAID ay ku milantay siyaasadda Dalalka Rabshadaha ka jiraan iyada oo bixinta caawinaddooda ku dhex qarsada danahooda gaarka ah.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hay\u2019adda Kaalmada Maraykanka u qaabilsan ee USAID ayaa qiratay in ay lacag ku taageertay Kooxo kala duwan oo Dowladdaas u aqoonsan tahay in ay yihiin waxa loogu yeero \u2018Argagixisada\u2019 isla markaana hoggaanka lacag badan dul dhigtay. Magacyada Kooxahaan oo Hay\u2019addu Xustay waxaa kamid ah: Xamaas, Al-Shabaab, Taalibaan iyo kuwo kale oo Maraykanku uu ku bixiyay&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":11,"featured_media":96039,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,83,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/96038"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/11"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=96038"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/96038\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":96040,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/96038\/revisions\/96040"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/96039"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=96038"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=96038"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=96038"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}