{"id":9515,"date":"2018-10-17T10:49:51","date_gmt":"2018-10-17T09:49:51","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=9515"},"modified":"2018-10-17T12:58:04","modified_gmt":"2018-10-17T11:58:04","slug":"qaxooti-yemeniyiin-oo-soo-gaaray-dalalka-soomaaliya-iyo-jabuuti","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/qaxooti-yemeniyiin-oo-soo-gaaray-dalalka-soomaaliya-iyo-jabuuti\/","title":{"rendered":"Qaxooti Yemeniyiin oo soo gaaray Dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti."},"content":{"rendered":"<p>Warbixin laga diyaariyay Xaaladda Cunno la&#8217;aan ee Dalka Yemen ayaa lagu sheegay in Boqolaal qoys ay usoo barakaceen Dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti si ay u helaan Cunno iyo Nolol dhaanta tii ay ka Barakaceen.<\/p>\n<p>Biyaha Yemen ay la wadaagaan Soomaaliya iyo Jabuuti waxaa kasoo talaabay Boqolaalkaan Qoysaskaan, kadib markii xaaladda nololeed ay ku xumaatay.<\/p>\n<p>Dadkaan Waxaa isku biirsaday Colaad, Cunno la&#8217;aan, Cuduro, Shaqo la&#8217;aan iyo go&#8217;doon saaran deegaanadooda oo marti u noqday Dagaallo aan dhammaadka laheyn.<\/p>\n<p>Tan iyo Bishii September Xog uruurin lagu sameeyay Qul-qulka Yemeniyiinta ayaa lagu sheegay in ay sare u kacayeen Qaxootiga Yemeniyiinta, marka lala barbar dhigo Bilowgii Colaadda Dalkaas.<\/p>\n<p>Dadka Yemen ee Xog uruurintaan lagu sameeyay ayaa ereyada ay ka mideysan yihiin laga soo qaatay &#8220;Dariskeena waxa uu naga xirtay Albaabka&#8221; oo ay ula jeedaan in Sacuudiga aan u ogolaan in Dalkiisa ay galaan.<\/p>\n<p>Waxa ay dalbadeen in gurmad lagu siiyo Dalalka ay joogaan ee Soomaaliya iyo Jabuuti oo ay ku barakaceen, maadaama Dalkooda ay ku waayeen cid ku gacan siisa ama ku Caawiso.<\/p>\n<p>Qaarkood ayaa sheegay in Dagaalada iyo Duqeynta ay u dulqaateen oo ay ku noolaayeen Dalkooda, balse waxa ku kalifay in ay Qaxooti noqdaan ay tahay in ay waayeen wax ay cunaan, qaarkoodne ay caleenka Geedaha Cunno ka dhigteen.<\/p>\n<p>Safarka ay ugu soo tageen Yemen oo ay ku soo gaareen Soomaaliya iyo Jabuuti ayay sheegeen qaarkood Dadka Yemeniyiinta in ay kusoo rafaadeen oo Carruurtooda Dhaxanta Biyaha Badda u adkeysan waayeen.<\/p>\n<p>Markii ay yimaadeen waxa ay intaa ku dareen in ay ku adkaatay la qabsiga Cimilada, Maadaama Yemen ay ka hawada gaddisan yihiin.<\/p>\n<p><strong>Isha Warkaan Oman News Agency (ONA).<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Warbixin laga diyaariyay Xaaladda Cunno la&#8217;aan ee Dalka Yemen ayaa lagu sheegay in Boqolaal qoys ay usoo barakaceen Dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti si ay u helaan Cunno iyo Nolol dhaanta tii ay ka Barakaceen. Biyaha Yemen ay la wadaagaan Soomaaliya iyo Jabuuti waxaa kasoo talaabay Boqolaalkaan Qoysaskaan, kadib markii xaaladda nololeed ay ku xumaatay. Dadkaan&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":9516,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,1,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/9515"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=9515"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/9515\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/9516"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=9515"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=9515"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=9515"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}