{"id":9478,"date":"2018-10-17T08:38:04","date_gmt":"2018-10-17T07:38:04","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=9478"},"modified":"2018-10-17T08:38:25","modified_gmt":"2018-10-17T07:38:25","slug":"olivier-giroudchelsea-waa-kooxda-ugu-wanaagsan-horyaalka-premier-league-ga","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/olivier-giroudchelsea-waa-kooxda-ugu-wanaagsan-horyaalka-premier-league-ga\/","title":{"rendered":"Olivier Giroud:\u201dChelsea Waa Kooxda  ugu wanaagsan horyaalka Premier League-ga\u201d"},"content":{"rendered":"<p>Xidigii hore ee Arsenal iyo xulka France Olivier Giroud ayaa ammaan kala dul dhacay kooxdiisa Chelsea.<\/p>\n<p>Olivier Giroud ayaa lala xiriirinayay suuqii xagaaga ee lasoo dhaafay inuu ka dhaqaaqi doono\u00a0 garoonka Stamford Bridge, kadib markii uu xulkiisa kula soo guuleestay koobka aduunka 2018.<\/p>\n<p>Waxaa la hadal hayay in 32 jirkan uu ku biirayo kooxda reer France ee Marseille, taasoo ah koox uu si weyn u jecel yahay weeraryahanka kooxda Chelsea ee Olivier Giroud.<\/p>\n<p>Laakiin ugu dambeyn Olivier Giroud ayaa wuxuu go\u2019aansaday inuu kusii sugnaado kooxda ka dhisan galbeedka magaalada London ee Chelsea.<\/p>\n<p>\u201cWararka xanta ah ma aysan soconin in badan, laakiin ugu dambeyn waa ay joogsadeen\u201d.<\/p>\n<p>\u201cWaxaa jiray xiriir ka yimid kooxda Marseille sanadkii hore, laakiin ma jirin wax xiriir ah ee ina dhex maray sanadkan\u201d.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan imid Chelsea, mana ahan waqtigii saxda ah ee aan ka xer xeran lahaa boorsooyinkayga kadib seddex bilood imaatinkeyga\u201d.<\/p>\n<p>\u201cAniga ahaan, Chelsea waa kooxda ugu fiican horyaalka Premier League ee dalka England, waa kooxda ku guuleysatay inta ugu badan horyaalada mudada 10-kii sano ee ugu danbeysay, waxaan joogaa meeshii aan rabay inaan ahaado\u201d ayuu yiri Giroud.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xidigii hore ee Arsenal iyo xulka France Olivier Giroud ayaa ammaan kala dul dhacay kooxdiisa Chelsea. Olivier Giroud ayaa lala xiriirinayay suuqii xagaaga ee lasoo dhaafay inuu ka dhaqaaqi doono\u00a0 garoonka Stamford Bridge, kadib markii uu xulkiisa kula soo guuleestay koobka aduunka 2018. Waxaa la hadal hayay in 32 jirkan uu ku biirayo kooxda reer&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":9480,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[47],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/9478"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=9478"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/9478\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/9480"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=9478"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=9478"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=9478"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}