{"id":9477,"date":"2018-10-17T08:29:42","date_gmt":"2018-10-17T07:29:42","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=9477"},"modified":"2018-10-17T08:29:42","modified_gmt":"2018-10-17T07:29:42","slug":"kazakhstan-oo-16-ceel-biyood-ka-qodday-shabeellaha-dhexesawirro","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/kazakhstan-oo-16-ceel-biyood-ka-qodday-shabeellaha-dhexesawirro\/","title":{"rendered":"Kazakhstan oo 16 ceel biyood ka qodday Shabeellaha dhexe,Sawirro"},"content":{"rendered":"<p>Dowladda\u00a0Kazakhstan,ayaa maalgelisay dhismaha iyo qodidda 16 Ceel Biyood oo laga hirgeliyay Gobolka Shabeellaha dhexe.<\/p>\n<p>Howsha dhismaha iyo Qodidda Ceel biyoodka waxaa fududeeyay Howlgalka Midowga Afrika e AMISOM,kuwaas oo wakiillo ka socday iyo maamulka Gobolka Shabeellaha dhexe ay iska kaashadeen qodidda ceelashaas.<\/p>\n<p>Munaasibad ceelasha Biyaha loogu wareejinayay dadka degaanka oo ka dhacday tuulada Dhaaif ee duleedka Jowhar ayaa waxaa ka qeyb galay mas&#8217;uuliyiinta ugu sarreysa AMISOM oo uu ka mid yahay\u00a0 Francisco Caetano Madeira.<\/p>\n<p>Saraakiisha AMISOM ee goobta ka hadashay ayaa u mahad celiyay dowladda\u00a0Kazakhstan oo bixisay dhaqaalaha lagu qoday Ceelashaas.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha Magaalada Jowhar, ku xigeenkiisa iyo mas&#8217;uuliyiin kale oo ka socday Gobolka iyo Maamulka Hirshabeelle ayaa sidoo kale u mahad celiyay dowladda\u00a0Kazakhstan iyo AMISOM oo shaqadaas iska kaashaday,waxaana ay sheegeen in tuulooyinka ceelasha laga hirgeliyay ay ka jirtay biyo la&#8217;aan badan,waxaana ay intaas ku dareen in hadda wixii ka dambeeya laga baxayo biyaha wasaqda ah ee degaanka laga cabi jiray.<\/p>\n<p>Saalax Muude Cali Guddoomiyaha Jowhar ayaa sheegay in dadka degaanka ay baahi badan u qabeen Ceelashan,islamarkaana ay hadda kaddib ka bixi doonaan dhibaatada biyo xumida ee heysata.<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"\" src=\"https:\/\/scontent-mrs1-1.xx.fbcdn.net\/v\/t1.15752-9\/44187186_740083846333072_3961336710347882496_n.jpg?_nc_cat=111&amp;oh=50c77d50b08c6a5badb5abed27150819&amp;oe=5C5A8604\" alt=\"https:\/\/scontent-mrs1-1.xx.fbcdn.net\/v\/t1.15752-9\/\" width=\"663\" height=\"439\" \/><\/p>\n<p><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"\" src=\"https:\/\/scontent-mrs1-1.xx.fbcdn.net\/v\/t1.15752-9\/44129370_2106947602967267_6153700344229527552_n.jpg?_nc_cat=109&amp;oh=71f6d282e3b9175ec3f152c51330be90&amp;oe=5C4E026A\" alt=\"https:\/\/scontent-mrs1-1.xx.fbcdn.net\/v\/t1.15752-9\/\" width=\"660\" height=\"437\" \/><\/p>\n<p><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"\" src=\"https:\/\/scontent-mrs1-1.xx.fbcdn.net\/v\/t1.15752-9\/44286444_2306196162741814_4631691696919281664_n.jpg?_nc_cat=100&amp;oh=19cad7de6f7558d2b1640b1450d39c02&amp;oe=5C55D621\" alt=\"https:\/\/scontent-mrs1-1.xx.fbcdn.net\/v\/t1.15752-9\/\" width=\"660\" height=\"437\" \/><\/p>\n<p><img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/scontent-mrs1-1.xx.fbcdn.net\/v\/t1.15752-9\/44131159_553122745137695_5298488685338034176_n.jpg?_nc_cat=103&amp;oh=5b9ce78d6c085aef0894265a87f95c24&amp;oe=5C419F55\" alt=\"https:\/\/scontent-mrs1-1.xx.fbcdn.net\/v\/t1.15752-9\/\" \/><\/p>\n<p><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"\" src=\"https:\/\/scontent-mrs1-1.xx.fbcdn.net\/v\/t1.15752-9\/44261282_336570807101927_3093283975414677504_n.jpg?_nc_cat=106&amp;oh=fcba36dc7b3e288337c222ecce55ceca&amp;oe=5C3E185E\" alt=\"https:\/\/scontent-mrs1-1.xx.fbcdn.net\/v\/t1.15752-9\/\" width=\"694\" height=\"460\" \/><\/p>\n<p><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"\" src=\"https:\/\/scontent-mrs1-1.xx.fbcdn.net\/v\/t1.15752-9\/44183988_263366577717467_8767648682167238656_n.jpg?_nc_cat=111&amp;oh=af457bb9692fd114fa7a4de047b70ec6&amp;oe=5C4059EC\" alt=\"https:\/\/scontent-mrs1-1.xx.fbcdn.net\/v\/t1.15752-9\/\" width=\"693\" height=\"459\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dowladda\u00a0Kazakhstan,ayaa maalgelisay dhismaha iyo qodidda 16 Ceel Biyood oo laga hirgeliyay Gobolka Shabeellaha dhexe. Howsha dhismaha iyo Qodidda Ceel biyoodka waxaa fududeeyay Howlgalka Midowga Afrika e AMISOM,kuwaas oo wakiillo ka socday iyo maamulka Gobolka Shabeellaha dhexe ay iska kaashadeen qodidda ceelashaas. Munaasibad ceelasha Biyaha loogu wareejinayay dadka degaanka oo ka dhacday tuulada Dhaaif ee duleedka&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":9473,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,81,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/9477"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=9477"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/9477\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/9473"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=9477"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=9477"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=9477"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}