{"id":94090,"date":"2024-12-24T08:21:26","date_gmt":"2024-12-24T08:21:26","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=94090"},"modified":"2024-12-24T08:21:26","modified_gmt":"2024-12-24T08:21:26","slug":"masar-oo-xaqiijisay-in-ay-qayb-ka-tahay-howlgalka-cusub-ee-aussom","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/masar-oo-xaqiijisay-in-ay-qayb-ka-tahay-howlgalka-cusub-ee-aussom\/","title":{"rendered":"Masar oo xaqiijisay in ay qayb ka tahay howlgalka cusub ee AUSSOM"},"content":{"rendered":"<p>Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar ayaa sheegtay in ay qayb ka tahay howlgalka cusub ee AUSSOM oo lagu baddelayo kan ATMIS ee sida tooska ah u billaabanaya marka la gaaro Bisha Janaayo sanadka soo socda 2025.<\/p>\n<p>Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badri Cabdilcaadi oo la hadlay Warbaahinta kaddib markii uu la kulmay dhiggiisa Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in Dowladdiisa ay qayb ka tahay howlgalka AUSSOM.<\/p>\n<p>Badri ayaa tilmaamay in Dowladdiisa waajib ka saaran yahay garab istaagga Soomaaliya sidaas awgeed Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar diyaar u tahay kamid noqoshada howlgalka lagu xoojinayo nabadda &amp; kala dambeynta.<\/p>\n<p><strong><em>\u201cMasar waxa ay qayb ka tahay oo Dowladda Soomaaliya ka codsatay howlgalka cusub ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay taageerayaan si loo xoojiyo nabadgalyada\u201d<\/em><\/strong> Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badri Cabdilcaadi.<\/p>\n<p>Maalmihii lasoo dhaafay waxaa aad loo hadal hayay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dib uga laabatay go\u2019aankeedii ahaa in howlgalka AUSSOM laga saaro Itoobiya oo baddelkooda lasoo geliyo Masar &amp; Eretareeya kaddib heshiiskii ka dhacay Turkiga.<\/p>\n<p>La soco wixii kasoo kordha<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar ayaa sheegtay in ay qayb ka tahay howlgalka cusub ee AUSSOM oo lagu baddelayo kan ATMIS ee sida tooska ah u billaabanaya marka la gaaro Bisha Janaayo sanadka soo socda 2025. Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badri Cabdilcaadi oo la hadlay Warbaahinta kaddib markii uu la kulmay dhiggiisa Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":11,"featured_media":94091,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/94090"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/11"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=94090"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/94090\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":94092,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/94090\/revisions\/94092"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/94091"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=94090"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=94090"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=94090"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}