{"id":94080,"date":"2024-12-23T16:47:04","date_gmt":"2024-12-23T16:47:04","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=94080"},"modified":"2024-12-23T16:47:04","modified_gmt":"2024-12-23T16:47:04","slug":"wafdi-ka-socda-soomaaliya-oo-la-filayo-in-ay-gaaraan-dalka-itoobiya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wafdi-ka-socda-soomaaliya-oo-la-filayo-in-ay-gaaraan-dalka-itoobiya\/","title":{"rendered":"Wafdi ka socda Soomaaliya oo la filayo in ay gaaraan dalka Itoobiya"},"content":{"rendered":"<p>Waxaa dib u billaabanaya wada hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya, loo hirgaliyo qoddobadii ku jiray baaqii Ankara ee dhacay 12 bishaan.<\/p>\n<p>Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya ay u dirtay Wafdi sare si ay u sii wadaan heshiiskii Ankara ee labada dal dhexmaray.<\/p>\n<p>Wafdigan ayaa waxaa qeyb ka ah Taliyaha NISA, Cabdullaahi Sanbaloolshe, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Cali Balcad iyo mas\u2019uuliyiin kale.<\/p>\n<p>Kulamo ayaa la filayaa in ay yeeshaan Madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya, si looga wada hadlo qoddobada farsamo ee ku jiray heshiiskii Ankara.<\/p>\n<p>Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa hore isugu afgartay in la sii wado wada hadalada tan iyo bisha Febaury ee sannadka soo socda 2025.<\/p>\n<p>Wada hadalladaasi ayaa waxaa garwadeen ka ahaa Madaxweynaha Turkiga Recep Dayib Erdogan oo dhexdhexaadinayay Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Aby Ahmed, Ra\u2019iisul wasaaraha Itoobiya.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Waxaa dib u billaabanaya wada hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya, loo hirgaliyo qoddobadii ku jiray baaqii Ankara ee dhacay 12 bishaan. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya ay u dirtay Wafdi sare si ay u sii wadaan heshiiskii Ankara ee labada dal dhexmaray. Wafdigan ayaa waxaa qeyb ka ah Taliyaha NISA,&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":94081,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/94080"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=94080"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/94080\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":94082,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/94080\/revisions\/94082"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/94081"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=94080"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=94080"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=94080"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}