{"id":9373,"date":"2018-10-16T05:19:44","date_gmt":"2018-10-16T04:19:44","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=9373"},"modified":"2018-10-16T05:19:44","modified_gmt":"2018-10-16T04:19:44","slug":"al-shabab-oo-xalay-weerartay-jowhar","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/al-shabab-oo-xalay-weerartay-jowhar\/","title":{"rendered":"Al-shabab oo xalay weerartay Jowhar"},"content":{"rendered":"<p>Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegaya in magaaladaasi ay xalay weerar ku qaadeen xubno ka tirsan Al-shabaab.<\/p>\n<p>Ilo ku sugan Magaalada Jowhar ayaa u xaqiijiyay Idaacadda Mustaqbal in mid ka mid ah askarta Maamulka Hirshabeelle lagu dilay Koontaroolka laga galo Jowhar mid kalena lagu dhaawacay intii uu dagaalku socday.<\/p>\n<p>Goobjooge ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in dagaalkuba uu ka billowday Koontaroolka dhinaca Balcad ee laga galo Magaalada halkaas oo uu ku dhowyahay Guriga Madaxtooyada ee MaamulkanHirshabeelle.<\/p>\n<p>Wararku waxaa ay intaas ku darayaan in Ciidamada Maamulka Hirshabeelle ay iska caabiyeen ciidamadii ka torsanaa Al-shabaab ee xalay ka dagaallamay gudaha Magaalada Jowhar.<\/p>\n<p>Madaxweynaha, ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa waxaa ay degganyihiin hal waddo oo Magaalada ka gasha dhinaca Koofureed ugana baxda waqooyiga,waxaana Koontaroolka hore uu wax ka yar 100 Mitir u jiraa Madaxtooyada Hirshabeelle.<\/p>\n<p>Waa markii ugu horreysay oo muddo dheer kaddib ay AL-shabaab weerar dagaal toos ah ka fuliyaan gudaha Magaalada.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegaya in magaaladaasi ay xalay weerar ku qaadeen xubno ka tirsan Al-shabaab. Ilo ku sugan Magaalada Jowhar ayaa u xaqiijiyay Idaacadda Mustaqbal in mid ka mid ah askarta Maamulka Hirshabeelle lagu dilay Koontaroolka laga galo Jowhar mid kalena lagu dhaawacay intii uu dagaalku socday&#8230;.<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":1584,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/9373"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=9373"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/9373\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1584"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=9373"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=9373"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=9373"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}