{"id":9297,"date":"2018-10-15T07:05:21","date_gmt":"2018-10-15T06:05:21","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=9297"},"modified":"2018-10-15T07:05:21","modified_gmt":"2018-10-15T06:05:21","slug":"dagaal-u-dhaxeeyay-al-shabaab-iyo-ciidamada-dowladda-oo-ka-dhacay-deegaanka-daynuunay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/dagaal-u-dhaxeeyay-al-shabaab-iyo-ciidamada-dowladda-oo-ka-dhacay-deegaanka-daynuunay\/","title":{"rendered":"Dagaal u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo Ciidamada Dowladda oo ka dhacay Deegaanka Daynuunay."},"content":{"rendered":"<p>Wararka ka imaanaya Deegaanka Daynuunay oo qiyaastii 26KM u jirtay Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in dagaal uu halkaa ka dhacay.<\/p>\n<p>Al Shabaab ayaa saakay aroortii weerar ku qaaday deegaanka Deynuunaay, waxayna wararku sheegayaan in Saacado uu socday dagaalka.<\/p>\n<p>Mas&#8217;uuliyiin katirsan Maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay in ay iska difaaceen Weerarka ay ku qaadeen Shabaab.<\/p>\n<p>Dadka degaanka waxa ay sheegeen in dagaalka Xoogiisa uu istaagay balse wali la maqlayo Rasaas goos goos ah oo ka dhaceysa Daafaha iyo Gudaha Deegaanka.<\/p>\n<p>Ciidamo gurmad ah ayaa ka baxay Magaalada Baydhabo, si ay garab u siiyaan ciidanka Deynuunay ku sugan ee weerarka kala kulmay Al-Shabaab.<\/p>\n<p>Ilaa hadda lama hayo inta uu gaarsiisan yahay Khasaaraha ka dhashay dagaalkan, maadaama labada dhinac ay isku adeegsanayeen hubka nuucyadii kala duwan.<\/p>\n<p>Saraakiisha Ciidamada Koofur Galbeed waxa ay Mustaqbal u sheegeen in ay dib kasoo sheegi doonaan Khasaaraha dhankooda gaaray iyo dhinaca Al-Shabaab.<\/p>\n<p>Al Shabaab ayaa dhowr jeer weerar ku qaaday deegaanka Deynuunay oo ay ku sugan yihiin Ciidamo isugu jiro Millitari katirsan Dowladda Federaalka iyo kuwo hoos taga Maamulka Koofur Galbeed.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wararka ka imaanaya Deegaanka Daynuunay oo qiyaastii 26KM u jirtay Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in dagaal uu halkaa ka dhacay. Al Shabaab ayaa saakay aroortii weerar ku qaaday deegaanka Deynuunaay, waxayna wararku sheegayaan in Saacado uu socday dagaalka. Mas&#8217;uuliyiin katirsan Maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay in ay iska difaaceen Weerarka ay ku qaadeen Shabaab. Dadka&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":7221,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,79,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/9297"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=9297"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/9297\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/7221"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=9297"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=9297"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=9297"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}