{"id":9289,"date":"2018-10-15T04:53:10","date_gmt":"2018-10-15T03:53:10","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=9289"},"modified":"2018-10-15T04:53:10","modified_gmt":"2018-10-15T03:53:10","slug":"raiisul-wasaare-kheyre-oo-maanta-ku-wajahan-magaalada-jowhar","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/raiisul-wasaare-kheyre-oo-maanta-ku-wajahan-magaalada-jowhar\/","title":{"rendered":"Ra&#8217;iisul Wasaare Kheyre oo Maanta ku Wajahan Magaalada Jowhar."},"content":{"rendered":"<p>Wararka Mustaqbal Radio ay ka heleyso Magaalada Jowhar waxa ay sheegayaan in dhaq-dhaqaaq lagu soo dhoweynayo Wafdi uu hogaaminayo Ra&#8217;iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu ku socdo Magaaladaasi.<\/p>\n<p>Wafdigaan ayaa qorshuhu yahay in ay la kulmaan qaar kamid ah qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo Maamulka Hir-Shabeelle Xubno katirsan oo Jowhar ku sugan.<\/p>\n<p>Ammaanka guud ee Magaalada Jowhar ayaa saakay lasoo sheegayaa in sare loo qaaday, waxaana la xadiday dhaq-dhaqaaqa Gaadiidka qaybo kamid ah Magaalada, maadaama wafdiga ay isticmaalayaal kolka ay Magaalada Tagaan.<\/p>\n<p>Safarka Xasan Cali Kheyre ee Magaalada Jowhar ayaa ugu dhigan Socdaalkii labaad uu ku tago Magaalada Jowhar tan iyo markii Madaxweyne Farmaajo uu u Magacaabay Wasiirka Koowaad ee Dalka.<\/p>\n<p>Socdaalkii kan ka horeeyay waxa uu ka qayb galay Xafladii lagu caleemo saaray Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare, waxaana Xiligaas jirtay Xiisad u dhaxeysay Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wararka Mustaqbal Radio ay ka heleyso Magaalada Jowhar waxa ay sheegayaan in dhaq-dhaqaaq lagu soo dhoweynayo Wafdi uu hogaaminayo Ra&#8217;iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu ku socdo Magaaladaasi. Wafdigaan ayaa qorshuhu yahay in ay la kulmaan qaar kamid ah qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo Maamulka Hir-Shabeelle Xubno katirsan oo Jowhar ku sugan. Ammaanka&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":6416,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59,81,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/9289"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=9289"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/9289\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/6416"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=9289"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=9289"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=9289"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}