{"id":92889,"date":"2024-11-12T09:15:35","date_gmt":"2024-11-12T09:15:35","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=92889"},"modified":"2024-11-12T09:15:35","modified_gmt":"2024-11-12T09:15:35","slug":"maxaan-ka-ognahay-xeerka-dhisidda-guddiga-madaxa-bannaan-ee-doorashooyinka-qaranka-iyo-soohdimaha","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/maxaan-ka-ognahay-xeerka-dhisidda-guddiga-madaxa-bannaan-ee-doorashooyinka-qaranka-iyo-soohdimaha\/","title":{"rendered":"Maxaan ka ognahay Xeerka dhisidda guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha?"},"content":{"rendered":"<p>Xildhibaannada iyo Senatarrada Labada Aqal ee Baarlamaanka 11aad Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo shalay yeeshay kulan wadajir ah ayaa ansixiyay habraaca Fadhiyada wadajirka ah ee ansixinta Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka, Hindise Sharciyeedka Ururadda iyo Xisbiyada Siyaasadda iyo Hindise Sharciyeedka Dhismaha Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha.<\/p>\n<p>170 Mudane oo labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya katirsan ayaa ogolaatay, ma jirin Xildhibaan ama Senatar diiday ama ka aamusay sida ay sheegtay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.<\/p>\n<p>Saddexdaan Hindise sharciyeed ayaa waxaa soo diyaarisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo u xilsaaran arrimaha doorashooyinka iyo Xisbiyada Dalka.<\/p>\n<p>Warbixintaan waxa ay ibo fur u tahay warbixinno tixano ah oo aan ku eegi doona\u00a0 Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka, Hindise Sharciyeedka Ururadda iyo Xisbiyada Siyaasadda iyo Hindise Sharciyeedka Dhismaha Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha.<\/p>\n<p><strong>Haddaba Maxaan ka og nahay Hindise Sharciyeedka Dhismaha Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha?<\/strong><\/p>\n<p>Hindise Sharciyeedka Dhismaha Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka kooban 5 Cutub iyo 30 qodob, kuwaas oo lagu soo koobay 18 Bogg.<\/p>\n<p><strong>Cutubka 1<sup>aad<\/sup><\/strong> ee Hindise Sharciyeedkaan ayaa diiradda saaraya magaca Xeerka, u jeedooyinka xeerka, mabaadi\u2019da guud ee xilgudashada guddiga, shakhsiyadda Qaanuuniga ah ee guddiga iyo xarunta guddiga oo ah magaalada Muqdisho, waxa uuna guddiga xarumo kale ka furan karaa dhammaan dalka oo dhan.<\/p>\n<p><strong>Cutubka 2<sup>aad<\/sup><\/strong> ayaa diiradda saaraya dhismaha, xilalka iyo awoodaa guddiga doorashooyinka iyo Soohdimaha. Sida ku xusan cutubkaan Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa soo xuli doonta guddiga doorashooyinka Qaranka, isaga oo la tashan doona dhammaan madaxda maamul gobaleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.<\/p>\n<p>Wasiirka ayaa soo xuli doona 54 musharax kuwaas oo ka kala imaanaya maamullada dalka iyo gobolka Banaadir, 18 ka mid ah musharraxiintaan oo buuxiyey shuruudaha xubinnimada guddiga ayaa loo gudbin doonaa Golaha Wasiirrada, markii ay ansixiyaan waxaa la horgeyn doona Baarlamaanka, kuwaas oo cod hal dheeri ah ku ansixin doona, ka dib waxaa xeer Madaxweyne ku soo saari doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda.<\/p>\n<p>Sidoo kale Cutubka labaad ayaa qeexaya shuruudaha laga rabo xubinnimada guddiga, kuwaas oo shardi looga dhigay qofkasta oo doonaya in uu xubin ka noqda aysan da\u2019diisa ka yareen 35 sanno, iyo in uu leeyahay 10 sanno oo waayo aragnimo maamul ama mid sharci.<\/p>\n<p>Qaab dhismeedka guddigaan ayaa kala ah; Guddoomiye, Guddoomiye ku xigeen iyo Xubno, sidoo kale guddiga ayaa dhisan kara guddi hoosaad. Guddiga ayaa iska dhex dooranaya Guddoomiye iyo ku xigeen, kuwaas oo raacaya habraaca doorashada ee ah 50% + 1.<\/p>\n<p>Muddo xileedka guddigaan doorashooyinka iyo Soohdimaha ayaa dhan 6 sanno oo hal mar oo aan dib u cusboonaysiin lahayn, sida ku xusan qodobka 15<sup>aad<\/sup> ee cutubka labaad ee Hindise Sharciyeedkaan.<\/p>\n<p>Qodobka 17<sup>aad<\/sup> ee Hindise Sharciyeedkaan ayaa lagu sheegay awoodaha iyo shaqooyinka Xoghayaha guddiga, kaas oo aan ka mid ahayn xubnaha guddiga, waxaa lagu xuli doona habraaca ku xusan sharciga shaqaalaha rayidka ee dalka. Xoghayaha ayaa ka qeyb gali doona fadhiyada guddiga, isaga oo dhiibanaya taladiisa balse aan codeyn karin.<\/p>\n<p><strong>Cutubka 3<sup>aad<\/sup><\/strong> ee Sharcigaan ayaa qeexaya Xasaanadda guddiga, oo lagu sheegay in Xubnaha guddigaan aan lagu soo oogi karin dacwad ciqaabeed in ay gudanayaan howsha doorashada, sidoo kale dhismooyinka iyo xarumaah guddiga ayaa lagu sheegay in aan lagu sameen karin baaris la xiriirta fal-dambiyeed, iyada oo aan ogalaansho laga haysanin Maxkamadda Sare ee Federaalka.<\/p>\n<p><strong>Cutubka 4<sup>aad<\/sup><\/strong> ayaa lagu qeexay Miisaaniyadda guddiga oo ay u madax banaanyihiin, iyada oo qeyb ka ah\u00a0 miisaaniyadda guud ee dowladda.<\/p>\n<p>Xeerkaan ayaa hadda horyaal Baarlamaanka labadiisa Aqal, waxaa la filayaa maalmaha soo socda in ay ka doodaan, waxaa suuragal ah in ay wax ka badal iyo soo jeedin ku sameeyaan qodobada sharcigaan.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xildhibaannada iyo Senatarrada Labada Aqal ee Baarlamaanka 11aad Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo shalay yeeshay kulan wadajir ah ayaa ansixiyay habraaca Fadhiyada wadajirka ah ee ansixinta Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka, Hindise Sharciyeedka Ururadda iyo Xisbiyada Siyaasadda iyo Hindise Sharciyeedka Dhismaha Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha. 170 Mudane oo labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya katirsan ayaa ogolaatay,&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":11,"featured_media":92890,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/92889"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/11"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=92889"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/92889\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":92891,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/92889\/revisions\/92891"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/92890"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=92889"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=92889"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=92889"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}