{"id":92886,"date":"2024-11-12T08:50:23","date_gmt":"2024-11-12T08:50:23","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=92886"},"modified":"2024-11-12T09:56:54","modified_gmt":"2024-11-12T09:56:54","slug":"nin-hubeysan-oo-guriceel-dhimasho-dhaawac-ugu-geystay-itoobiyaan-ka-ganacsada-biraha","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/nin-hubeysan-oo-guriceel-dhimasho-dhaawac-ugu-geystay-itoobiyaan-ka-ganacsada-biraha\/","title":{"rendered":"Nin hubeysan oo Guriceel dhimasho &#038; dhaawac ugu geystay Itoobiyaan ka Ganacsada Biraha"},"content":{"rendered":"<p>Wararka Mustaqbal ay ka heleyso Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa kusoo warramaya in Nin hubeysan oo la sheegay in uu xirnaa dharka Ciidanka in uu weeraray Goob lagu uruuriyo Biraha lasoo isticmaalay.<\/p>\n<p>Ninkaan ayaa markii uu gudaha u galay goobtaan oo ah Geerish waxa uu toogtay mid kamid ah Itoobiyaanka ka Ganacsada Biraha lasoo isticmaalay ee muddooyinkii dambe loo dhoofinayay Dalkaas halka mid kale uu dhaawac halis ah u geystay.<\/p>\n<p>Falkaan ayaa si gaar ah uga dhacay Waaxda Istarliin ee Xaafadda Wadajir Degmada Guriceel Gobolka Galgaduud Dowlad-Goboleedka Galmudug, waxaa baxsaday Ninkii toogashada geystay oo ilaa haatan aanay jirin xog dheeraad ah oo laga helay baxsashadiisa kaddib.<\/p>\n<p>Si dhab ah looma ogaan sababta keentay in Ninkaan hubeysan ee ku labisan dharka Ciidanka uu toogasho kula dhaqaaqo Ajaanibtaan ku howlanayd iibsashada Biraha oo marka ay uruuriyaan kaddib Dalkooda u rarayay.<\/p>\n<p>Weli ma jiro war kasoo baxay Laamaha Ammaanka Degmada Guriceel iyo kan Dowlad-Goboleedka Galmudug oo lagu faah-faahiyay arrintaan, waxaana goobta toogashadu ka dhacday gaaray Ciidamo katirsan Laamaha ammaanka.<\/p>\n<p>La soco wixii kasoo kordha.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wararka Mustaqbal ay ka heleyso Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa kusoo warramaya in Nin hubeysan oo la sheegay in uu xirnaa dharka Ciidanka in uu weeraray Goob lagu uruuriyo Biraha lasoo isticmaalay. Ninkaan ayaa markii uu gudaha u galay goobtaan oo ah Geerish waxa uu toogtay mid kamid ah Itoobiyaanka ka Ganacsada&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":11,"featured_media":92887,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[80,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/92886"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/11"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=92886"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/92886\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":92892,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/92886\/revisions\/92892"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/92887"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=92886"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=92886"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=92886"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}