{"id":92852,"date":"2024-11-11T05:20:03","date_gmt":"2024-11-11T05:20:03","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=92852"},"modified":"2024-11-11T05:20:03","modified_gmt":"2024-11-11T05:20:03","slug":"s-gaas-odowaa-yuusuf-raage-oo-sanad-afar-bil-kaddib-hoggaaminaya-ciidanka-xoogga-dalka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/s-gaas-odowaa-yuusuf-raage-oo-sanad-afar-bil-kaddib-hoggaaminaya-ciidanka-xoogga-dalka\/","title":{"rendered":"S\/Gaas Odowaa Yuusuf Raage oo sanad &#038; afar bil kaddib hoggaaminaya Ciidanka Xoogga Dalka"},"content":{"rendered":"<p>Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa ansixiyay soo jeedin la xiriirtay in Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka markale dib loogu magacaabo Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage oo xilkaan isla Golahaan uu ka qaaday 19kii June 2023.<\/p>\n<p>Taliye Odowaa ayaa xilkaan ka maqnaa sanad, afar bil &amp; 22 Cisho, waxaana muddadaas Ciidamada Xoogga Dalka Hoggaaminayay Janaraal Ibraahim Sheekh Muxudiin oo ugu dambeyn xalay xilka looga qaaday kulankii Golaha Wasiirrada uu shir guddoomiyay Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.<\/p>\n<p>Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf ayaa xilka laga qaaday xili Dowladda ay ku jirtay dagaalka ka dhanka ah \u2018AS\u2019 oo xooggiisa ka socday Gobollada Dalka, Deegaanno badan ayaa gacanta Dowladda soo galay muddadii uu Janaraal Ibraahim Sheekh Muxudiin uu hoggaaminayay Ciidanka Xoogga Dalka.<\/p>\n<p><strong>Maxaa horyaalla Taliye Odowaa Yuusuf?<\/strong><\/p>\n<p>Taliyaha dib loo magacaabay ee Ciidanka Xoogga Dalka S\/Gaas Odowaa Yuusuf Raage waxaa horyaalla la jaanqaadka howlgalka cusub ee AUSSOM oo la filayo in uu baddelo kan ATMIS marka la gaaro billowga sanadka soo socda 2025, Soo jeedintii Baarlamaanka ee mushaar kordhinta Ciidanka &amp; dagaallada ka dhanka ah \u2018AS\u2019 ee socda.<\/p>\n<p>Waxaa lagu howlan yahay munaasabadda ay xilka iyo xogta ciidanka ku kala wareegayaan Taliyaha cusub ee Odowaa Yuusuf Raage iyo kan la baddelay ee Ibraahim Sheekh Muxudiin oo horay sidaan oo kale xilka ku kala wareegay, waxaana la filayaa in ay ka qaybgalaan mas\u2019uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka, Ciidanka Xoogga &amp; marti kale.<\/p>\n<p>La soco wixii kasoo kordha<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa ansixiyay soo jeedin la xiriirtay in Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka markale dib loogu magacaabo Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage oo xilkaan isla Golahaan uu ka qaaday 19kii June 2023. Taliye Odowaa ayaa xilkaan ka maqnaa sanad, afar bil &amp; 22 Cisho, waxaana muddadaas&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":11,"featured_media":74333,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/92852"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/11"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=92852"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/92852\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":92853,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/92852\/revisions\/92853"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/74333"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=92852"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=92852"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=92852"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}