{"id":92849,"date":"2024-11-11T05:06:28","date_gmt":"2024-11-11T05:06:28","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=92849"},"modified":"2024-11-11T05:06:28","modified_gmt":"2024-11-11T05:06:28","slug":"mw-jfs-xasan-sheekh-maxamuud-oo-maanta-ka-qaybgalaya-shirka-dalalka-carabta-kuwa-islaamka-oo-ka-dhacaya-sacuudiga","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/mw-jfs-xasan-sheekh-maxamuud-oo-maanta-ka-qaybgalaya-shirka-dalalka-carabta-kuwa-islaamka-oo-ka-dhacaya-sacuudiga\/","title":{"rendered":"MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka qaybgalaya Shirka Dalalka Carabta &#038; kuwa Islaamka oo ka dhacaya Sacuudiga"},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi la socda ayaa maanta ka qaybgalaya shirka Waddamada Carabta iyo kuwa Islaamka ee ka furmaya Magaalada Riyaad ee Xarunta Boqortooyada Sacuudi Carabiya.<\/p>\n<p>Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa jeedin doonna khudbad uu uga hadlayo go\u2019aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira sida gargaar loo gaarsiin karo Dadka ku dhibaateysan Magaalada Gaza &amp; xal u helista xiisadda ka taagan Bariga Dhexe.<\/p>\n<p>Madaxtooyada Soomaaliya oo faah-faahin ka bixisay safarka iyo khudbadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegtay in uu si qoto dheer uga xog-warrami doonno garab istaagga Walaalaha Falastiin ee la dulmiyay.<\/p>\n<p>Mowqifka Soomaaliya ee duullaanka Israa\u2019iil ay ku qaadday Falastiin horay ayay u caddeysay iyada oo cambaareysay xasuuqa ka dhanka ah Shacabkaas, waxaana kulamo kala duwan oo looga hadlay xaaladdooda ay ka jeedisay hadallada ay ku difaacayso.<\/p>\n<p>La soco wixii kasoo kordha<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi la socda ayaa maanta ka qaybgalaya shirka Waddamada Carabta iyo kuwa Islaamka ee ka furmaya Magaalada Riyaad ee Xarunta Boqortooyada Sacuudi Carabiya. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa jeedin doonna khudbad uu uga hadlayo go\u2019aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira sida gargaar loo gaarsiin karo Dadka&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":11,"featured_media":92850,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/92849"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/11"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=92849"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/92849\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":92851,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/92849\/revisions\/92851"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/92850"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=92849"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=92849"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=92849"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}