{"id":9283,"date":"2018-10-14T19:17:00","date_gmt":"2018-10-14T18:17:00","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=9283"},"modified":"2018-10-14T19:17:49","modified_gmt":"2018-10-14T18:17:49","slug":"booliiska-koofur-galbeed-oo-qabtay-rag-ay-ku-sheegeen-in-ay-katirsan-yihiin-al-shabaab","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/booliiska-koofur-galbeed-oo-qabtay-rag-ay-ku-sheegeen-in-ay-katirsan-yihiin-al-shabaab\/","title":{"rendered":"Booliiska Koofur Galbeed oo qabtay Rag ay ku sheegeen in ay katirsan yihiin Al-Shabaab."},"content":{"rendered":"<p>Wararka Mustaqbal Radio ay ka heleyso Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Howlgal Ciidamada Booliiska ay ka sameeyeen Xaafadda Horseed ay kusoo qabteen Rag Hubeysan.<\/p>\n<p>Saraakiisha Ammaanka ayaa Mustaqbal u sheegay in Ragga la qabtay ay katiran yihiin Al-Shabaab, Hay&#8217;adaha ammaankane ay Baaritaano dheeraad ah ku wadaan.<\/p>\n<p>Ciidamada ayaa galay guri ay ku sugnaayeen labada qof ay soo qabteen, waxayna saraakiisha intaa ku dareen in ay wateen Bastoolado.<\/p>\n<p>Howlgalkaan ayaa kusoo Beegmaya xilli Xalay Magaalada Baydhabo ay ka dhaceen Qaraxyo Mataano ahaa oo ay ku dhinteen dad gaaraya 30.<\/p>\n<p>Ciidamada Booliiska ayaa kordhiyay howlgalada Baaritaanada oo ay sheegeen Saraakiishooda in ay ku sugayaan ammaanka, si ay kaga hor tagaan Weeraro kale.<\/p>\n<p>Magaalada Baydhabo ayaa lagu wadaa in Bisha Soo socota November 17-keeda ay marti geliso Doorasho ay ku tartami doonaan Siyaasiyiin iyo xubno Mudooyinkaan soo bandhigayay Loolankooda Doorashada.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wararka Mustaqbal Radio ay ka heleyso Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Howlgal Ciidamada Booliiska ay ka sameeyeen Xaafadda Horseed ay kusoo qabteen Rag Hubeysan. Saraakiisha Ammaanka ayaa Mustaqbal u sheegay in Ragga la qabtay ay katiran yihiin Al-Shabaab, Hay&#8217;adaha ammaankane ay Baaritaano dheeraad ah ku wadaan. Ciidamada ayaa galay guri ay ku sugnaayeen labada qof&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":9284,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,79,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/9283"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=9283"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/9283\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/9284"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=9283"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=9283"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=9283"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}