{"id":9261,"date":"2018-10-14T14:08:22","date_gmt":"2018-10-14T13:08:22","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=9261"},"modified":"2022-10-14T05:19:56","modified_gmt":"2022-10-14T04:19:56","slug":"5-sano-kaddib-qarixii-isgoyska-zoobe","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/5-sano-kaddib-qarixii-isgoyska-zoobe\/","title":{"rendered":"5; Sano kaddib Qarixii Isgoyska Zoobe!"},"content":{"rendered":"<p>Madax kamid ah xukuumadda Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir iyo dadweyne badan ayaa kaqaybgalay xuska iyo ducada muwaadiniintii Soomaaliyeed ee ku geeriyootay Qarixii 14-Okt-2017 kadhacay isgoyska Zoobe ee KM5 magaalada Muqdisho<\/p>\n<p>Wasiirka koowaad ee xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka sheegay isu soobaxa in xukuumaddiisu ay waxbarasho lacag la&#8217;aan ah u diyaarineyso carruurtii ku ogoontowdayqaraxii KM5.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/fb.watch\/g8AMRoeyVD\/\">https:\/\/www.facebook.com\/mustaqbalmedia\/videos\/1096468797184017\/?t=0\u00a0\u00a0<\/a><\/p>\n<p>Sida uu Cabdullaahi Maxamed Shirwac guddoomiyaha guddigii gurmad Qaran u sheegay Mustaqbal Radio 656 qof ayaa \u00a0kudhintay Qaraxyadii 14-Okt- 28-Okt iyo waararkii lagu qaaday dugsiga tababarka Booliiska ee Muqdisho, kuwaas oo dhammaantood ahaa qaraxyadii iyo weeraradii dhacay sanadkii 2017, waxa kudhaawacmay 340, waxa ku hanti beelay 364 qof, waxaa ku agoontoobay 1547 carruur ah, waxaase dhacdadaasi maskaxdooda raad iyo saameyn xun kureebtay malaayin qof oo ah muwaadiniin Soomaaliyeed.<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"size-full wp-image-9262\" src=\"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/Aadan.jpg\" alt=\"\" width=\"868\" height=\"630\" srcset=\"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/Aadan.jpg 868w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/Aadan-300x218.jpg 300w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/Aadan-768x557.jpg 768w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/Aadan-324x235.jpg 324w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/Aadan-696x505.jpg 696w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/Aadan-579x420.jpg 579w\" sizes=\"(max-width: 868px) 100vw, 868px\" \/>Aadan Cabdi Xuseen oo kamid ah dadkii sida dirqiga ah uga badbaaday Qarixii kadhacay isgoyska Zope una jiray Qiyaastii 30m\u00a0 goobta gaarigu ku qarxay ayaa u sheegay Mustaqbal Radio in kudhowaad 10 qof oo ehelkiisa iyo asxaabtiisa ah oo ay wada joogeen ay qaraxaas ku geeriyoodeen, Aadan oo dhibaatadaas dhacday kahadlay ayaa yiri:-<\/p>\n<figure id=\"attachment_9262\" aria-describedby=\"caption-attachment-9262\" style=\"width: 1161px\" class=\"wp-caption alignnone\"><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"wp-image-9262 \" src=\"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/Aadan.jpg\" alt=\"\" width=\"1161\" height=\"843\" srcset=\"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/Aadan.jpg 868w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/Aadan-300x218.jpg 300w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/Aadan-768x557.jpg 768w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/Aadan-324x235.jpg 324w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/Aadan-696x505.jpg 696w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/Aadan-579x420.jpg 579w\" sizes=\"(max-width: 1161px) 100vw, 1161px\" \/><figcaption id=\"caption-attachment-9262\" class=\"wp-caption-text\">Aadan Cabdi Xuseen, Waxa uu kabadbaaday Qarixii 14-Okt-2017 kadhacay isgoyska Zoobe, 10 qof oo ay qaraabo yihiin ayaa ku geeriyootay<\/figcaption><\/figure>\n<p>\u201c<strong><em>Waxa aan wada joognay dad ay aan macariifo nahay, kuwa aan waalid u ahay iyo kuwo aa walaalo nahay, waxa aan arkay 3 illaa 4 qof oo meyd ah oo gubtay bislaaday oo qof aan aan la kala garan karin, waxa kale oo aan arkay oo dhinacooda yaal\u00a0gaari caasi ah oo ciyaal iskooley waday oo Bajaaj korsaaran, Noha sii korsaaran tahay, waxa soo galay qoladii gaadiidka gargaarka degdegga ah iyo dhallinyaro kale oo aan loo kala harin, waxa aan arkay meyd gubtay oo aan soo qaad isdhanay oo gacantiisu noo soo siibatay sida uu u bislaaday<\/em><\/strong>!\u00a0\u00a0\u00a0https:\/\/fb.watch\/g8BJm_QpJx\/<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-full wp-image-9266\" src=\"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/Cabdullaahi-Maxamed-Shirwac.jpg\" alt=\"\" width=\"1080\" height=\"548\" srcset=\"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/Cabdullaahi-Maxamed-Shirwac.jpg 1080w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/Cabdullaahi-Maxamed-Shirwac-300x152.jpg 300w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/Cabdullaahi-Maxamed-Shirwac-768x390.jpg 768w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/Cabdullaahi-Maxamed-Shirwac-1024x520.jpg 1024w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/Cabdullaahi-Maxamed-Shirwac-696x353.jpg 696w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/Cabdullaahi-Maxamed-Shirwac-1068x542.jpg 1068w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/Cabdullaahi-Maxamed-Shirwac-828x420.jpg 828w\" sizes=\"(max-width: 1080px) 100vw, 1080px\" \/><\/p>\n<p>Cabdullaahi Maxamed Shirwac guddoomiyaha guddigii gurmad Qaran oo isna la hadalay Mustaqbal Radio ayaa yiri: \u201c<em>Waxa uu ahaa Qarixii ugu weynaa ee Soomaaliya kadhaca, dhibkii ugu badnaana geystay dad iyo hantida, waxa kale oo uu ahaa tijaabo culus\u201d<\/em><\/p>\n<p>Waxyeelada Qaraxa 14-October waxa ay si toos ah u gaartay tiro kudhow 2%, dadka Muqdisho taas oo ka\u00a0 dhiganta in 25,000 oo qof oo\u00a0 kamid ah dadka kunool caasimadda ay waxyeelo toos ah oo naf iyo maal leh ay kasoo gaartay Qaraxaas.<\/p>\n<p>Xajmiga waxyeelada qaraxaasi geystay aqoon-yahanka cilmiga bulshadu waxa uu qabaa in ay ahayd in uu Soomaalida u abuuro Isku xirnaan, Waddaniyad iyo Kacdoon bulsho kaas oo horseeda isbeddel sida Kacdoonadii guuleystay oo inta la xusuusto uu kamid yahay Kacdoonkii Nabilyoon kaas oo ay dhallinyaru horseedu ahayd, balse taas beddelkeeda Qarixii Zope waxa uu sababay niyad jab keenay in dhallinyaro badan ay qaataan go\u2019aan ah in ay dalka ka tahriibaan.<\/p>\n<p>Marka laga tago dhimashada iyo dhaawaca waxa jira raad iyo saameyn xun oo uu qaraxaasi ku reebay maskaxda malaayin qof oo muwaadiniin ah, Cabdullaahi Maxamed Shirwac guddoomiyaha guddigii gurmadka qaran ee Qarixii Zope ayaa yiri:<\/p>\n<p>\u201c<strong><em>Waxa jira xannuun weyn oo uu qaraxaasi ku reebay dadka oo Nafsiyan ah, nasiibraddo annaga waxba kama aanaan qaban taas, laakiin dawo nuucaas ah ayay dadku u baahan yihiin, dhammaan dadkii laga dhintay kuwii laga dhaawacmay iyo eheladooduba<\/em><\/strong>\u201d<\/p>\n<p>Dad badan ayaa qaba in habkii loo fuliyey gurmadka Qaraxii Zope uu ahaa mid aad uga fog nidaamka badbaadada ee musiibooyinka, tusaale ahaan ma jirin shaqaale u xirfadeysnaa badbaadinta dadkii ku hoos jiray burburkii daarihii qaraxu baaba\u2019shay, sidaas oo kale qalabkii loo adeegsaday badbaadinta ma ahayn qalab loogu talagay qabashada shaqo nuucaas ah waxyaabaha dib laga ogaaday waxaa kamid ah in gaadiidkii loo adeegsaday gurmadku uu sababay dhimashada dad dhaawac ahaa oo ay kudumeen dhismayaashii ay ku ganacsanayeen,<\/p>\n<p>\u201c<em><strong>Hotelka Safari waxa noogu darnaa dhaawacyadii laga soo bixinaayey, Aniga oo Hotelka hortiisa taagan ayaa waxa dhegteyda kusoo dhacday Dad badan oo ila joogana ay maqleen qaylada nin tukaankiisii ku soo dumay oo burburka ka hoos qaylinayey, qoladii gurmadka sameyneysay ayaan wacnay, waxa dhacday in cagaftii ninkii sii dishay, Dhagaxa korqaad ayaan niri si aan ninka u soo siibno, dhagixii kuma qabane sakiinta cagaftu waxa ay qabatay ninkii dhaawaca ahaa, ninkii halkaas ayuu kudhintay meydkiisii ayaan ka soo bixinay meeshii<\/strong><\/em>\u201d\u00a0Aadan Cabdi Xuseen ayaa sidaas yiri<\/p>\n<p>Awoodda walxaha sababa gubashada ee Qaraxaas kujiray waxa muujiyey sida ay u gubteen meyedadkii kadhashay qaraxa, meydka dadka kugubtay qaraxa ayaa la kala garan waayey iyada oo taasi keentay in qaraabada raadineysay dadkooda kudhintay qaruxu ay isku qabsadaan meydadka, indho arkay meyeydadkaas waa adag tahay in ay maskax ahaan fiyoobaadaan.<\/p>\n<figure id=\"attachment_9265\" aria-describedby=\"caption-attachment-9265\" style=\"width: 1162px\" class=\"wp-caption alignnone\"><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\" wp-image-9265\" src=\"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/Nuur.jpg\" alt=\"\" width=\"1162\" height=\"779\" srcset=\"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/Nuur.jpg 946w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/Nuur-300x201.jpg 300w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/Nuur-768x515.jpg 768w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/Nuur-696x466.jpg 696w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/Nuur-627x420.jpg 627w\" sizes=\"(max-width: 1162px) 100vw, 1162px\" \/><figcaption id=\"caption-attachment-9265\" class=\"wp-caption-text\"><strong>Nuur Cali Faarax-\u00a0Suxufi<\/strong><\/figcaption><\/figure>\n<p><strong>Nuur Cali Faarax<\/strong> oo ah suxufi ayaa kamid ah dadkii tegey Isbitaalka Madiina oo la geeyey meydad badan oo ay sababtay Musiibadii kadhacday Isgoyska Zoobe ayaa yiir:<\/p>\n<p>\u201c<em><strong>Tusaale ahaan isbitaalka Madiina qaybta meydka lagu dhaqo ayaa la soo daadiyey meyad badan oo aan kuqiyaasay 100 iyo dheeraad oo googo\u2019ay gubtay wax laga aqoon karo wejiyadooda aysan jirin, waxyaabaha iigu cajiibka badan waxaa kamid ah dad isku qabsanaya dadkii meydka ahaa, illeen a yaqaaniin, ma sixi karaan qofkaan qofkoodii in uu yahay, qofkoodiia waa ka maqan yahay<\/strong><\/em>\u201d<\/p>\n<p>Sida qabsatay waalid iyo Qaraabo badan waxa jira dad aan weli raq iyo ruux midna lahayn balse sida uu u sheegay Mustaqbal media guddigii gurmadku dadka la waayey nolol iyo geeri waxa lagu tiriyey in ay ku geeriyoodeen Qaraxa<\/p>\n<p>Dhallinyaradii ka horeysay guddiga gurmadka Qaraxii Zope waxa ay diiwaangeliyeen in 225 qof lagu waayey qarixii Zope, balse dadkaas qaarkood ayaa dib laga helay iyaga oo dhaawac iyo meydba leh<\/p>\n<p>Dadka lagu waayey qaraxaas ee aan nolol iyo geeri aan middoodna lahayn waxa kamid ah Abshir Nagi Cilmi, oo kamid ahaa dadka nolosha maalinlaha ka raadsan jiray agagaarka isgoyska Zope, inkasta oo loo qaatay in uu kamid noqday muwaadiniinta kudhimatay qaraxii Zope haddana xannuunka agoonta iyo aseyda ay qaadeen xaasaskii uu ka tegey waxa ay saameyn xun si gaar ah ugu reebeen 16 carruur ah iyo laba haween ah oo kunool deegaanka Weydow ee magaalada Muqdisho, hadda xaasaskii ayaa la kufaakacaya sidii ay u dabooli lahaayeen nolosha carruurtan oo aan aabahood xoolo iyo xirfad midna uga tegin.<\/p>\n<p>Dhimashada, Dhaawaca iyo dhibaatooyinka kale ee kadhashay qarixii Zope marka laga tago waxaa ku hanti beelay sida guddigii gurmadku u sheegay MustaqbalMedia 364 qof oo isugu jiray Warato, Xoogsato, Ablbaabley iyo Gaadiidley, tirada muwaadiniintaas ku ceyrtoowday qarixii Zope kuma jiraan dhismayaasha ku burburay iyo hoteelada waaweyn sida Dhismaha Allaha u naxariistee C\/qaadir Maxamed Aadan (Zoobe), hotelada Safari iyo Beder iyo maqaayado badan oo ku yiil goobta uu qaraxu kadhacay, Inta badan hoteladaas iyo dhismayaashaasba hadda waa la dayactiray,<\/p>\n<p>Maalmaha Alle kuma jirto maalin madow iyo Ayaan si gaar ah loo shereysto hayeeshee Dhacdooyinka waaweyn ee dhacay bisha October waxaa kamid ah Dilkii madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharma\u2019arke, Kacdoonkii ciidanku ku qabsaday talada Jamhuuriyadda Soomaaliya, Dagaalkii Rajo soo celinta ee Mareykanku hor kacayey, Qaraxyadii lagu qaaday madaxtooyada Somaliland, Qaraxyadii Hotelka Naas-hablood 2,Dugsiga booliska ee Muqdisho iyo qaraxa Zope oo dhacay 14-October.<\/p>\n<p><strong>Updated\u00a0by 2018<\/strong><\/p>\n<p><strong>Mustaqbal Media\u00a0<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madax kamid ah xukuumadda Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir iyo dadweyne badan ayaa kaqaybgalay xuska iyo ducada muwaadiniintii Soomaaliyeed ee ku geeriyootay Qarixii 14-Okt-2017 kadhacay isgoyska Zoobe ee KM5 magaalada Muqdisho Wasiirka koowaad ee xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka sheegay isu soobaxa in xukuumaddiisu ay waxbarasho lacag la&#8217;aan ah u diyaarineyso carruurtii ku&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":9267,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59,72,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/9261"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=9261"}],"version-history":[{"count":7,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/9261\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":72258,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/9261\/revisions\/72258"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/9267"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=9261"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=9261"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=9261"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}