{"id":9248,"date":"2018-10-14T10:27:05","date_gmt":"2018-10-14T09:27:05","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=9248"},"modified":"2018-10-14T10:27:05","modified_gmt":"2018-10-14T09:27:05","slug":"qaramada-midoobe-oo-muqdisho-xus-ugu-sameysay-dadkii-lagu-dilay-qaraxii-soobe","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/qaramada-midoobe-oo-muqdisho-xus-ugu-sameysay-dadkii-lagu-dilay-qaraxii-soobe\/","title":{"rendered":"Qaramada Midoobe oo Muqdisho xus ugu sameysay dadkii lagu dilay qaraxii Soobe."},"content":{"rendered":"<p>Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Haysom, ayaa muujiyay sida uu u garab taagan yahay dhibanayaasha \u00a014-October ee sannad ka hor ka dhacay bartamaha magaalada Muqdisho.<\/p>\n<p>Ergayga gaarka ah ayaa sidaa sheegay mar uu maanta ka hadlay munaasabad \u00a0koobnayd oo lagu qabtay xarunta weyn ee Qaramada Midoobay ee caasimadda Soomaaliya.<\/p>\n<p>Qaraxa waxaa ku dhintay ugu yaraan 587 qof, wuxuuna ahaa weerarkii ugu dhimashada badnaa ee abid ka dhaca Afrika oo loo adeegsado walxaha qarxa (IEDs).<\/p>\n<p>Dad kale oo gaaraya 316 qof ayaa ku dhaawacantay qaraxa, waxaana dadka ku dhintay ka mid ahaa xubin ka mid ah shaqaalaha Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay, Faiza Sheekh Maxamuud.<\/p>\n<p>\u201cAnigoo maalintan xusuusanayna dadkii geeriyooday, waxaan ugu baaqayaa xoogagga kooxaxa xagjirka ah inay ka haraan inay walxaha qarxa hub ahaan ugu adeegsadaan dagaalka fallaago,\u201d ayuu yiri Haysom. \u201c<\/p>\n<p>Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ayaa sidoo kale amaanay adkeysiga dadka Soomaaliyeed, wuxuuna garowsaday sida uu u sii socdo oo aan marnaba istaageynin horumarka uu dalku ku tallaabsanayo si uu u gaaro nabad iyo barwaaqo inkastoo ay jiraan dhacdooyin argagaxiso.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan murugada la wadaageynaa dhibbanayaasha qaraxa oo noloshooda isbedel aan laga soo waaqsan karin ka soo gaaray dhacdooyinkii 14kii Oktoobar 2017,Waxaan u rajeynayaa iyaga iyo ehelladooda ee ay jecelyihiin inay yeeshaan adkeysi ay uga bogsadaan dhaawacyada jirka iyo kuwa maskaxda ee uu reebay weerarkan foosha xun.\u201d ayuu yiri Mudane Haysom.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Haysom, ayaa muujiyay sida uu u garab taagan yahay dhibanayaasha \u00a014-October ee sannad ka hor ka dhacay bartamaha magaalada Muqdisho. Ergayga gaarka ah ayaa sidaa sheegay mar uu maanta ka hadlay munaasabad \u00a0koobnayd oo lagu qabtay xarunta weyn ee Qaramada Midoobay&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":9249,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/9248"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=9248"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/9248\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/9249"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=9248"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=9248"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=9248"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}