{"id":9224,"date":"2018-10-14T05:49:43","date_gmt":"2018-10-14T04:49:43","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=9224"},"modified":"2018-10-14T05:49:43","modified_gmt":"2018-10-14T04:49:43","slug":"maxkamada-ciidamada-oo-saaka-toogatay-nin-loo-heystay-qarixii-zoobe","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/maxkamada-ciidamada-oo-saaka-toogatay-nin-loo-heystay-qarixii-zoobe\/","title":{"rendered":"Maxkamada Ciidamada oo Saaka toogatay Nin loo heystay Qarixii Zoobe."},"content":{"rendered":"<p>Maxkamada Ciidamada Qalabka sida, waxey Saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay mid kamid ah ragii loo soo qabtay Masuuliyada qarixii lagu la&#8217;day ee isgoyska Zoobe.<\/p>\n<p>Ninka Saaka la toogtay, waxaa lagu magacaabaa\u00a0Xasan Aadan Isaaq Cali, Waana Ninka lagu soo qabtay isagoo wata gaari NOA-ah oo ay saranaayeen walxaha qarxa, xiligaas waxa uu ku sugnaa Isgoyska Ceel Qaloow ee degmada Wadajir.<\/p>\n<p>Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa Mustaqbal u xaqiijiyay toogashada lagu fuliyay Ninkaasi 8-da bil xirnaa isagoo xukuman.<\/p>\n<p>Si Kastaba, Maxkamada Ciidamada, ayaa xukunkan ku riday\u00a0Xasan Aadan Isaaq Cali , \u00a0February 6, 2018, Maanta ayaana ugu dnabeyn lagu fuliyay Xukunka.<\/p>\n<p>Sidoo kale xiligaasi, waxaa lala xukumay Marxuumka Saaka la toogtay rag kale oo lala soo qabtay, wuxuuna xukunkooda ahaa sidan:<\/p>\n<p>C\/laahi Ibraahin Xasan Absuge oo Maqan waxaa lagu Xukumay Xabsi Daa\u2019in.<\/p>\n<p>C\/Wali Axmed Diiriye waxaa lagu Xukumay Saddex Sano oo Xabsi ah.<\/p>\n<p>Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa amartay in xuriyadooda la siiyo\u00a0 Maxamuud Xasan Rooble iyo Cabdul Cabdi Warsame Cali\u00a0 kadib markii Maxkamada ragan ku weysa wax dambi ah.<\/p>\n<p>Waa markii u horeysay ee Toogasho la fuliyo tan iyo markii xilka Madaxweynaha Somaliya loo soo magacaabay Madaxweyne Farmaajo Sanadii hore bilowgeeda.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Maxkamada Ciidamada Qalabka sida, waxey Saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay mid kamid ah ragii loo soo qabtay Masuuliyada qarixii lagu la&#8217;day ee isgoyska Zoobe. Ninka Saaka la toogtay, waxaa lagu magacaabaa\u00a0Xasan Aadan Isaaq Cali, Waana Ninka lagu soo qabtay isagoo wata gaari NOA-ah oo ay saranaayeen walxaha qarxa, xiligaas waxa uu ku sugnaa&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":9225,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/9224"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=9224"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/9224\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/9225"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=9224"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=9224"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=9224"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}