{"id":9190,"date":"2018-10-13T12:06:09","date_gmt":"2018-10-13T11:06:09","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=9190"},"modified":"2018-10-13T12:06:09","modified_gmt":"2018-10-13T11:06:09","slug":"thierry-henry-oo-loo-magacaabay-macalinka-kooxda-monaco","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/thierry-henry-oo-loo-magacaabay-macalinka-kooxda-monaco\/","title":{"rendered":"Thierry Henry oo loo magacaabay macalinka kooxda Monaco."},"content":{"rendered":"<p>Weeraryahankii hore ee Arsenal Thierry Henry ayaa loo magacaabay macalinka kooxda Monaco ilaa June 2021.<\/p>\n<p>41 jirkaan reer France, oo ahaa tababare ku xigeenka xulka Belgium, ayaa xirfadiisa ciyaareed ka bilaabay Monaco wuxuuna ka caawiyay inay ku guuleystaan Ligue 1 1997.<\/p>\n<p>Kooxda Monaco ayaa kaalmaha ugu hooseya uga jirta horyaalka Ligue 1, waxaana tababare Leonardo Jardim laga ceyriyay Khamiistii.<\/p>\n<p>&#8220;Waxa ay u egtahay qadar in aan bilaabi doono mustaqbalkeyga maareynta,&#8221; ayuu yiri Henry, oo ah gooldhaliyaha Arsenal ugu sareeya.<\/p>\n<p>Ciyaaryahankii hore ee Juventus, Barcelona iyo kooxda New York Red Bulls ayaa lala xiriiriyay Aston Villa isbuucyadii dhowaa, waxaana uu sheegay inuu helay dalabyo soo jiitay dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay.<\/p>\n<p>&#8220;Monaco mar walba waxay ku dhowdahay wadnahayga,&#8221; ayuu hadalkiisa raaciyay. &#8220;Aad ayaan ugu faraxsanahay in lay siiyo fursadan, lakiin haatan shaqadu waa inay bilaabataa.&#8221;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Weeraryahankii hore ee Arsenal Thierry Henry ayaa loo magacaabay macalinka kooxda Monaco ilaa June 2021. 41 jirkaan reer France, oo ahaa tababare ku xigeenka xulka Belgium, ayaa xirfadiisa ciyaareed ka bilaabay Monaco wuxuuna ka caawiyay inay ku guuleystaan Ligue 1 1997. Kooxda Monaco ayaa kaalmaha ugu hooseya uga jirta horyaalka Ligue 1, waxaana tababare Leonardo&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":9191,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[47],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/9190"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=9190"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/9190\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/9191"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=9190"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=9190"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=9190"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}