{"id":9165,"date":"2018-10-13T08:24:11","date_gmt":"2018-10-13T07:24:11","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=9165"},"modified":"2018-10-13T11:49:25","modified_gmt":"2018-10-13T10:49:25","slug":"maxkamadda-ciidamada-qalabka-sida-oo-xukun-ku-ridday-askar-lagu-eedeeyey-in-ay-aag-dagaal-ka-baxeen","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/maxkamadda-ciidamada-qalabka-sida-oo-xukun-ku-ridday-askar-lagu-eedeeyey-in-ay-aag-dagaal-ka-baxeen\/","title":{"rendered":"Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo xukun ku ridday Askar lagu eedeeyey in ay aag dagaal ka baxeen."},"content":{"rendered":"<p>Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa Xukun ku ridday Askar gaareysa 12, kuwaa oo lagu xiray Eedeymo ah in ay kasoo baxeen Furimaha Dagaalka iyo Amar-diido ay ku sameeyeen Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka Kowdii Bishii August Sanadkan.<\/p>\n<p>Askarta ayaa kasoo baxay Aagga Dhanaane ee Gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasi oo ay ku qornaayeen sida Maxkamaddu ay sheegtay.<\/p>\n<p>Waxaa 9-kamid ah ay wada ahaayeen isku difaac, halka 3-da kale ay kasoo baxeen Goobo kale oo katirsan Gobolka Shabeelaha Hoose oo dhowaan ay Ciidamada Dowladda ay la wareegeen.<\/p>\n<p>20-ka Bishii September ayaa loo gudbiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida dacwadda la xiriirta eedeysanayaasha, waxa ayna xilligaas weydiisteen garsoorka in loo gudbiyo Xabsiga Garsuge ahaan.<\/p>\n<p>23-kii isla bishaas Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida waxa uu dalbaday in la muddeeyo dacwad\u00a0 qaadista eedda loo heysto 12-kan askari ee ah amar diidada iyo ka bixid aagga dagaal ee Dhanaane.<\/p>\n<p>Waxaana maalin kadib codsiga Xeer Ilaalinta loo ballamay in la qaado Maxkamadeynta 12-kan Askari ee Xafiiska lagu wareejiyay.<\/p>\n<p>24-ka Bishii 9-aad ayaa loo fadhiistay Dhageysiga Dcwadda la xiriirta Askartaan, waxaana Xafiiska Xeer ilaalinta uu Maxkamadda u soo bandhigay Taliye ururukii iyo abaanduulaha ciidamada xoogga dalka oo si wadajir ah u soo gudbiyay dacwadda eedeysanayasha.<\/p>\n<p>Sidoo kale maxkamadda ayaa dhageysatay dhammaan\u00a0 jawaabaha ay ka bixiyeen eedeesanayaasha oo ay qirteen Kiiska loo jeediyay marka laga reebo Saddex Askari oo diiday sida Maxkamadda ay sheegtay.<\/p>\n<figure style=\"width: 640px\" class=\"wp-caption alignnone\"><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" src=\"https:\/\/garsoor.so\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/3.jpg\" alt=\"\" width=\"640\" height=\"427\" \/><figcaption class=\"wp-caption-text\">Askarta Diiday Eedda loo jeediyay<\/figcaption><\/figure>\n<p>Waxaana Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida weydiisteen Garsoorayaasha In lagu xukumo xukunno u daneynaya adkeysiga iyo amar qaadashada ciidamada\u00a0 dhexdooda si loo ilaaliyo hadaf ciidan oo ku dhisan u adeegidda qaranka, sida lagu yiri Warka Maxkamadda.<\/p>\n<p>Qareenada u doodayay\u00a0 eedeysanayaasha ayaa\u00a0 ka hor sheegay garsoorka in la siiyo fursad kale oo ay dib ugu noqdaan goobihii ay ka soo baxeen, maadama markii hore iyaga ay ahaayeen kuwa\u00a0 qeybta ka ahaa Ciidamadii qabtay Goobihii ay kasoo baxeen.<\/p>\n<p>Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiraxmaan Aadan Wabiyow ayaa Dadkii ka qaybgalay Doodda iyo Maxkamadda ka hor sheegay in dhammaan 12-ka askari lagu Xukumay 5-sano oo Xabsi Ciidan ah.<\/p>\n<p>Xukunka Maxkamadane uu adkeynayo Ciidamada in aysan kasoo bixin Goobaha ay ka qabsadaan Al-Shabaab.<\/p>\n<p>Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa sheegtay in Eedeesanayaasha ay Rafcaan ka qaadan karaan Xukunka Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka sida ee ku dhacay hadii aysan ku qanacsaneen.<\/p>\n<figure style=\"width: 640px\" class=\"wp-caption alignnone\"><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" src=\"https:\/\/garsoor.so\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/12.jpg\" alt=\"\" width=\"640\" height=\"427\" \/><figcaption class=\"wp-caption-text\">12-ka Askari ee la Xukumay<\/figcaption><\/figure>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa Xukun ku ridday Askar gaareysa 12, kuwaa oo lagu xiray Eedeymo ah in ay kasoo baxeen Furimaha Dagaalka iyo Amar-diido ay ku sameeyeen Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka Kowdii Bishii August Sanadkan. Askarta ayaa kasoo baxay Aagga Dhanaane ee Gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasi oo ay ku qornaayeen sida Maxkamaddu ay sheegtay&#8230;.<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":9167,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59,79],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/9165"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=9165"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/9165\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/9167"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=9165"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=9165"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=9165"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}