{"id":9145,"date":"2018-10-12T20:09:40","date_gmt":"2018-10-12T19:09:40","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=9145"},"modified":"2018-10-12T20:09:40","modified_gmt":"2018-10-12T19:09:40","slug":"maxay-tahay-sababta-soomaaliya-loogu-soo-magacaabay-danjire-donald-yamamato","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/maxay-tahay-sababta-soomaaliya-loogu-soo-magacaabay-danjire-donald-yamamato\/","title":{"rendered":"Maxay tahay Sababta Soomaaliya loogu Soo Magacaabay Danjire Donald Yamamato?"},"content":{"rendered":"<p>Mareykanka ayaa danjiraha cusub oo u fadhin doona Soomaaliya u magacaabay Danjire Donald Yamamato oo khibrad u leh dhinaca Dibloomaasiyadda.<\/p>\n<p>Madaxweyne Trump oo Yamamato Danjiraha Soomaaliya ugu magacaabay wuxuu aqalka sare ee Mareykanka uu magacaabiddiisa uu ku meel mariyey Cod buuxa.<\/p>\n<p>Yamamato oo horay danjiranima uga soo shaqeeyey wadamo u badan kuwo dhaca Qaaraddan Afrika waxa uu noqday danjirihi ugu waaya aragnimada badnaa ee Soomaaliya loo magacaabo tan iyo Markii Dalka uu Burbur galay, Mareykankana uu xiray Safaaraddiisii Muqdisho.<\/p>\n<p>Trump ayaa u arka shaqsi kasoo bixi kara howshaan, isaga oo adeegsanaya Waaya aragnimada uu u leeyahay Danjirinimada Wadamada Dhaca Afrika.<\/p>\n<p><strong>Waa Qof caynkee ah Danjiraha Tamamato?<\/strong><\/p>\n<p>Danjire Donald Yamamato waa 65 jir wuxuu ku dhashay Gobolka Seatle ee Dalka Mareykanka sanadkii 1953-kii, wuxuuna ka soo qalinjabiyey jaamacadda Columbia.<\/p>\n<p>Yamamato wuxuu markii ugu horreysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda uu ka howl galay 1980-kii, wuxuu shaqooyinkiisa Arrimaha Dibadda uu ka bilaabay Qaaraddan Afrika.<\/p>\n<p>Kadib waxa uu howlaha dibloomaasiyadeed uu ka soo qabtay wadamada bariga dhexe iyo Qaaradda Aasiya.<\/p>\n<p>Shahaadadiisa labaad wuxuu ka qaatay Kulliyadda (National War College) sanadka marka uu ahaa 1996-kii, wuxuuna la taliya sare uu u soo noqday Agaasimaha guud ee arrimaha dibadda Mareykanka intii u dhaxeysay 2015-2016-ka.<\/p>\n<p>Isla Xiligaas waa 2015-2016-ka waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay Dalka Afqaanistaan, 2016-kii waxaa loo magacaabay madaxa howlgalka Arrimaha Soomaaliya ee xafiiska Muqdisho.<\/p>\n<p>Waqtigaas waxa uu noqday Wakiilka gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabislan Arrimaha Afrika, wuxuu danjire uu ka soo noqday Eretrea (1997-1998), Djibouti (2000-2003) iyo Ethiopia (20016-2009).<\/p>\n<p>Yamamato ayaa ku hadlo Afafka Dhowr ah oo ay kamid yihiin Shiinaha, Carabiga, Ingiriisiga, Japan iyo Faransiiska wuxuu Siyaasadda Arrimaha Dibadda Maraeykanka uu ku soo jiray muddo 40 sana ah.<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/624\/cpsprodpb\/125B9\/production\/_103839157_ada29091-953a-4956-834e-4f4526931bb7.jpg\" alt=\"Danjiraha Soomaliya ee Mareykanka\" \/><\/p>\n<p><strong>Maxaa tahay sababata Yamamato loogu magacaabay Danjiraha Soomaaliya?<\/strong><\/p>\n<p>Danjire Donald Yamamato oo loo magacaabay Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya ayaa magacaabiddiisa waxaa loo sababeeyey Arrimo Dhowr ah oo ay kamid yihiin:<\/p>\n<p>Loolanka Siyaasadeed ee Soomaaliya oo u dhaxeeya Wadama dhowr ah oo daneeynayo arrimaha Soomaaliya in uu Mareykankana uu qayb ka noqdo.<\/p>\n<p>La dagaallanka Argagixisada in uu Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada uu \u00a0ka caawiyo sidaana dibloomaasi waaya arag looga baahday.<\/p>\n<p>In uu dib u soo cusbooneysiiyo Xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka oo hakaday 90-meeyadii.<\/p>\n<p>In uu qayb ka noqdo la dagaallanka Ururada ku jiro Liiska waxa loogu yeero Argagixisada sida Alshabaab iyo Alqaacida ee Soomaaliya ka dhaqdhaqaaqo.<\/p>\n<p>In uu Dowladda Soomaaliya uu ka caawiyo Dhinaca Tababarrada Ciidamada Dowladda.<\/p>\n<p>In uu saameynta uu Mareykanku ku leeyahay Siyaasadda Soomaaliya iyo Geeska Afrikaba uu sii xoojiyo, maadaamaa aqoon dheer uu u leeyahay muddo badanna uu ka soo shaqeeyey.<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/624\/cpsprodpb\/3F41\/production\/_103839161_881f373f-9f1c-4c52-a3da-4666a9eb1c9a.jpg\" alt=\"Danjiraha Soomaliya ee Mareykanka\" \/><\/p>\n<p><strong>Mareykanku danta uu Soomaaliya ka leeyahay maxay tahay?<\/strong><\/p>\n<p>Mareykanka Tan iyo marka uu sameeyey Xafiiskiisa US Mission ee howlgalka Soomaaliya wuxuu dardar xoog leh uu ku hayey Arrimaha Soomaaliya waxaana ka mid ah Arrimaha Muujinaya sida Mareykanku uu u daneynayo:<\/p>\n<p>In uu Xafiis u gaar ah uu Soomaaliya ka furay 2016-kii (Us Mission)<\/p>\n<p>Saldhigga Diyaaradda Duuliye la&#8217;aanta ee loo yaqaan (Drone-ka) oo horay Itoobiya uga soo kici jiray in uu Balli-doogle Soomaaliya uu ku soo wareejiyey.<\/p>\n<p>In ay Garoonka Diyaaradaha ee Balli-doogle ka joogaan Boqollaal ciidamada Mareykanka ka tirsan oo caawiyo Ciidamada Soomaaliya.<\/p>\n<p>In uu qorsheynayo in Saldhigyo Ciidan oo cusub uu ka furto Kismayo iyo Galakcayo sanadka 2019-ka.<\/p>\n<p>In uu Ciidamada Soomaaliya ka caawiyo la dagaallanka Al-shabaa iyo Al-qaacida.<\/p>\n<p>In uu gacan ka geysto sidi ay u dhismi lahayd Dowladda Soomaaliya oo awood badan oo isku filnaato la dagaallanka argagixisada geeska Afrikana aan cid kale garab uga baahanin.<\/p>\n<p><strong>Isha Warkaan BBC SOMALI<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Mareykanka ayaa danjiraha cusub oo u fadhin doona Soomaaliya u magacaabay Danjire Donald Yamamato oo khibrad u leh dhinaca Dibloomaasiyadda. Madaxweyne Trump oo Yamamato Danjiraha Soomaaliya ugu magacaabay wuxuu aqalka sare ee Mareykanka uu magacaabiddiisa uu ku meel mariyey Cod buuxa. Yamamato oo horay danjiranima uga soo shaqeeyey wadamo u badan kuwo dhaca Qaaraddan Afrika&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":9146,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/9145"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=9145"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/9145\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/9146"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=9145"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=9145"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=9145"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}