{"id":9070,"date":"2018-10-10T20:09:02","date_gmt":"2018-10-10T19:09:02","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=9070"},"modified":"2018-10-10T20:17:56","modified_gmt":"2018-10-10T19:17:56","slug":"dadaalka-nabadda-galkacyo-dowladda-dhexe-kaalin-fiican-ayay-kaqaadatay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/dadaalka-nabadda-galkacyo-dowladda-dhexe-kaalin-fiican-ayay-kaqaadatay\/","title":{"rendered":"Dadaalka Nabadda Galkacyo dowladda dhexe kaalin fiican ayay kaqaadatay!"},"content":{"rendered":"<p>Suuqii cirtoogte iyo aagga Shineemo Berdacad 5 sano kahor waxa ay ahaayeen kalawareeg halis ah oo dagaal beeleedka Gaalkacyo intiisa badan kabillaaban jiray, waagii iigu dambeysay oo aan ka dhoofi jiray Garoonkii hore ee ciidanka xoogga dalka ee Gaalkacyo oo hadda loo yaqaan Gaashaanle sare Cabdullaahi Yuusuf\u00a0 laba gaarai ayaan adeegsan jiray si aan ugu kala gudbo Waqooyiga iyo Koofurta Galkacyo.<\/p>\n<p>Hadda sidaas ma aha oo hal gaari ayaad magaalada oo dhan kumari kartaa, sidaas oo kale Koofurta iyo Waqooyiga Gaalkacyo hadda waxa yaraanaya kala soocii haystay bulshada, si aan taas u hubiyana waxa aan tegey Hoteelada waaweyn iyo goobaha ay bulshada Gaalgacyo isugu tagto iyo suuqyada qaarkood, waxa aan fahmay in dadaalka nabadda ee Gaalkacyo uu qaaday tallaabo fiican oo miraheedu ay si weyn oo waxtar leh uga soo muuqdaan isbeddelka Nabadda iyo biseylka Bulshada Gaalkacyo.<\/p>\n<p>Sida ay u adag yihiin una badan tahay Falcelinta iyo doodaha dhacdooyinka nabadda lidka ku ah ee kasocda maqaayadaha, Hoteelada iyo xitaa jidadka waawyen ee Gaalkacyo \u00a0ayaa ii muujisay sida uu natiijo wanaagsan u sameeyey hardanka loogu jiro sidii Gaalkacyo ku noqon lahayd magaalo nabad ah oo xuddun u ah ganacsiga gobolka.<\/p>\n<p>Intii aan joogay midkamid ah askarta\u00a0 ayaa xabado kufuray oo dilay Allaha u\u00a0 naxariistee Xaamud Cabdullaahi Warsame (Xaamid Wardheere), sida looga falceliyey loona diiddanaa falkaas waxa ay tusaale u ahayd sida ay guud ahaan Bulshada Gaalkacyo uga go\u2019an tahay in ay nabad iyo deganaansho helaan.<\/p>\n<figure id=\"attachment_9072\" aria-describedby=\"caption-attachment-9072\" style=\"width: 624px\" class=\"wp-caption alignnone\"><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"wp-image-9072 size-full\" src=\"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/103782630_xaamidwardheere.jpg\" alt=\"\" width=\"624\" height=\"351\" srcset=\"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/103782630_xaamidwardheere.jpg 624w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/103782630_xaamidwardheere-300x169.jpg 300w\" sizes=\"(max-width: 624px) 100vw, 624px\" \/><figcaption id=\"caption-attachment-9072\" class=\"wp-caption-text\">Bidix: Xaamud Wardheere, Midig: Siciid Nadaara Sawirka BBC Somali<\/figcaption><\/figure>\n<p>Dhinaca Waqooyiga oo ay kasocoto qabanqaabada doorashooyinka kusoo socda Puntland ayaan kusoo arkay raadka isbeddelka Gaalkacyo, waxa ii muuqatay in deganaan badan jirto, taas oo illaa ciidanka aan ku arkay.<\/p>\n<figure id=\"attachment_9073\" aria-describedby=\"caption-attachment-9073\" style=\"width: 639px\" class=\"wp-caption alignnone\"><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"size-full wp-image-9073\" src=\"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/Gaalkacyo6-.jpg\" alt=\"\" width=\"639\" height=\"426\" srcset=\"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/Gaalkacyo6-.jpg 639w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/Gaalkacyo6--300x200.jpg 300w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/Gaalkacyo6--630x420.jpg 630w\" sizes=\"(max-width: 639px) 100vw, 639px\" \/><figcaption id=\"caption-attachment-9073\" class=\"wp-caption-text\">Ciidanka Iskudhafka ah ee Gaalkacyo<\/figcaption><\/figure>\n<p>Arrinta cajiibka ah ee aan kusoo arkay Gaalkacyo waa sida ay u dhaqmaan ciidanka loo bixiyey iskudhafka oo dhowr meelood kafadhiya Galkacyo, dadka hubeysan ee Bastooladaha wata iyaga oo gaadiid isticmaalaya ayay hubka u dhiibayaan ciidanka kaddibna waxa ay u kala gudbayaan labada dhinac, kaddiba lambar \u00a0ama aqoonsi kusaabsan Bastooladdiisa ayaa la siinayaa!<\/p>\n<p>Intii uu doono ayuu kumaqnaanayaa meeshii uu aaday, kaddibna inta soo laabto ayaa ciidanku siinayaa hubkiisa, waxa uu maqnaan karaa saacado iyo maalmo badan, sidaas oo ay tahayna kalama yaqaan ciidanka, hadba kii jooga ayaa dhiibaya hubka dadka u kala socda labada dhinac.<\/p>\n<p>Inkasta oo April-2017 ladilay taliyihii ciidanka iskudhafka ee Gaalkacyo\u00a0 Gaashaanle sare \u00a0Cabdi xukun Cabdulllahi Ganboon haddana uma muuqan ciidan kala daadsan oo cabsi iyo argagax ku jira.<\/p>\n<p>Ciidankan waxa bixiya dhaqaalaha howlgalkooda Dowladda Dhexe, labada maamul ee Galmudug iyo Puntland-na waxa ay bixiyeen taageero ku kooban fududeyntahabka ciidanka iskudhafku uga shaqeynayo labada maamul.<\/p>\n<p>Dhowr qof oo madax iyo shacab isugu jira oo aan weydiiyey sida ay kusuuragashay in ciidanka iskudhafku muddo kooban ku xaqiijiyo waxqabad ay ahayd in uu qaato dhowrsano waxa ay ii shegeen in booqashadii madaxweyne Farmaajo ee sanadkii 2017 iyo dadaalkii uu sameeyey taliyihii xoogga dalku ay horseedeen in howlgalka ciidankani taabbo galo.<\/p>\n<p>Intaas waxaa dheer kacdoon xooggan oo dhallinyada magaalada Gaalkacyo ay sameeyeen welina ay wadaan oo isna horseeday isu furanka Gaalkacyo iyo isdhexgalka bulshada sii ganacsiga iyo noloshu u socoto.<\/p>\n<p>Howlgalka Ciidanka iskudhafka ee Gaalkacyo oo kakooban ciidan ka kala yimid labada maamul ee Puntland iyo Galmudug ayaa hoos u dhigay iskudhac beeleedkii mar kadhigay Gaalkacyo magaalo nasiib xun, iyada oo ciidankani uu hadda kaqaybqaadanayo xal u helidda dhacdooyinka kale ee lidka ku ah nabadda sida tuugada iyo dembiyada qorsheysan oo sabab dil.<\/p>\n<p><strong>Warbaahinta<\/strong><\/p>\n<p>Waxa ay warbaahinta Gaalkacyo\u00a0 ahayd il kale oo shidaal kushubta khilaafka iyo isfaham la\u2019aanta bulshada Gaalkacyo balse si aad u xowli badan ayay isu beddeshay hadda, waxaana waqti badan laga baahiyaa Barnaamijyo nabadda iyo heshiiska lagu taageerayo, kuwaas oo sida ay ii sheegeen ay idaacadaha qaarkood u sameeyaan si tabaruc ha.<\/p>\n<p>Isbeddelka warbaahinta waxa kale oo saaciday codadka nabadda oo hadda aad uga badan intii ay ahaan jireen marka la joogo Galkacyo.<\/p>\n<p><strong>Soo jeedin<\/strong><\/p>\n<p>Dowladda dhexe inta aan ogahay nabadda Gaalkacyo waxa ay kamid tahay shaqooyinka fiican ee ay kaqabatay gobolada sidaas awgeed waxa ay u baahan tahay in ay hesho taageero dhinacyo badan, sida tayeynta Booliiska, dardargelinta dib u heshiisiinta Gaalkacyo iyo qabashada kulamo bulsho oo ka xoog iyo xeel badan kuwa hadda socda oo lagu wado dhaqaale kooban ay bulshadu bixiso.<\/p>\n<p>WQ: Axme Ciise Guutaale<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Suuqii cirtoogte iyo aagga Shineemo Berdacad 5 sano kahor waxa ay ahaayeen kalawareeg halis ah oo dagaal beeleedka Gaalkacyo intiisa badan kabillaaban jiray, waagii iigu dambeysay oo aan ka dhoofi jiray Garoonkii hore ee ciidanka xoogga dalka ee Gaalkacyo oo hadda loo yaqaan Gaashaanle sare Cabdullaahi Yuusuf\u00a0 laba gaarai ayaan adeegsan jiray si aan ugu&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":9071,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[80,59,1,77,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/9070"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=9070"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/9070\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/9071"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=9070"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=9070"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=9070"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}