{"id":9065,"date":"2018-10-10T17:57:11","date_gmt":"2018-10-10T16:57:11","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=9065"},"modified":"2018-10-10T18:49:24","modified_gmt":"2018-10-10T17:49:24","slug":"haysom-iyo-wasiir-jamal-oo-ka-wada-hadlay-shaqooyinka-qm-ee-soomaaliya-haysom-iyo-jamal-oo-ka-wada-hadlay-shaqooyinka-qm-ee-soomaaliya-haysom-iyo-jamal-oo-ka-wada-hadlay-shaqooyinka-ay-ka-wadaan-haya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/haysom-iyo-wasiir-jamal-oo-ka-wada-hadlay-shaqooyinka-qm-ee-soomaaliya-haysom-iyo-jamal-oo-ka-wada-hadlay-shaqooyinka-qm-ee-soomaaliya-haysom-iyo-jamal-oo-ka-wada-hadlay-shaqooyinka-ay-ka-wadaan-haya\/","title":{"rendered":"Haysom iyo Wasiir Jamal oo ka wada hadlay shaqooyinka  QM ee Soomaaliya."},"content":{"rendered":"<p>Wasiirka wasaaradda Qorsheynta maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha dalka xildhibaan Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay wakiilka cusub QM Nicholas Haysom, waxaana ay ka wada hadleen qodobo dhowr ah ay ka mid yahiin sidii loo dardar galin lahaa shaqooyinka ay ka wadaan Hay\u2019addaha UN-ka Somaliya.<\/p>\n<p>Wakiilka cusub ee Jimciyada Quruumaha Midoobay ee Somaliya Nicholas Haysom ayaa sheegay in Somaliya ay horumar badan ka sameysay arrimaha buslahda iyo dhaqaalaha, hirgalinta qorshaha horumarinta Qaranka Somaliyed oo uu xusay in Hay\u2019addaha UN-ka ay ku shaqeyn doonaan muhiimada ku dul xusan.<\/p>\n<p>Mr. Nicholas Haysom ayaa uga mahadceliyay wasiir Jamaal Maxamed Xasan dadaalada kala duwan ee wasaaradiisa ay ka wado dhinaca horumrinta iyo jiheenta tubta horumarka Somaliya oo wasaaradda ay door muuqda ka qaadanayso, wuxuuna intaasi ku daray in wada shaqeynta balaaran ee ka dhaxeysa Hay\u2019addaha UN-ka iyo wasaaradda qorsheynta in mudada xil hayntiisa ku egtahay in uu dar dargalin doona.<\/p>\n<p>Wasiir Jamaal Maxamed Xasan ayaa wakiilkan ku bogaadiyay sida ay uga go\u2019antahay xoojinta wada shaqeynta uu la yeelanayo Hay\u2019addaha kala duwan ee dowladda Somaliya, wuxuuna ka rajeeyay inuu door weyn ku yeesho isbedelada hormarka ah ee ka socda Somaliya.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wasiirka wasaaradda Qorsheynta maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha dalka xildhibaan Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay wakiilka cusub QM Nicholas Haysom, waxaana ay ka wada hadleen qodobo dhowr ah ay ka mid yahiin sidii loo dardar galin lahaa shaqooyinka ay ka wadaan Hay\u2019addaha UN-ka Somaliya. Wakiilka cusub ee Jimciyada Quruumaha Midoobay ee Somaliya&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":9066,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/9065"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=9065"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/9065\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/9066"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=9065"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=9065"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=9065"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}