{"id":90443,"date":"2024-08-31T08:52:59","date_gmt":"2024-08-31T07:52:59","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=90443"},"modified":"2024-08-31T08:52:59","modified_gmt":"2024-08-31T07:52:59","slug":"xildhibaanno-kasoo-jeeda-dg-koofur-galbeed-oo-kahor-yimid-in-dadka-lagu-qasbo-in-ay-taageero-u-muujiyaan-itoobiya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/xildhibaanno-kasoo-jeeda-dg-koofur-galbeed-oo-kahor-yimid-in-dadka-lagu-qasbo-in-ay-taageero-u-muujiyaan-itoobiya\/","title":{"rendered":"Xildhibaanno kasoo jeeda DG Koofur Galbeed oo kahor yimid in Dadka lagu qasbo in ay taageero u muujiyaan Itoobiya"},"content":{"rendered":"<p>Tiro Xildhibaanno ah oo katirsan Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya isla markaana deegaan-doorashadoodu tahay Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa kahor yimid in Dadka lagu qasbo in ay taageeraan Itoobiya oo Dalka ku xadgudubtay.<\/p>\n<p>Warsaxaafadeed ay soosaareen Xildhibaannadaan waxa ay uga digeen in Dadka Shacabka ah iyo Dowladda Federaalka aanay la iska hor keenin, waxa ay madaxda Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed usoo jeediyeen in ay ka waantoobaan hadallada dhaawaca ku ah Soomaaliya.<\/p>\n<p>Nasiib darro ayay ku tilmaameen in Dad la isugu keenno meel kaddibna loo dhiibo warqado ay ku qoran yihiin \u201cMa dooneyso Masar, soo dhawow Itoobiya\u201d waxa ay Xildhibaannadu sheegeen in laga fiirsado tallaabooyinka la qaadayo.<\/p>\n<p>Ciidamada dalka la keenayo, kuwa laga saarayo iyo qorshaha guud ee heshiisyada ayay sheegeen Xildhibaannadu in ay mas\u2019uul ka tahay Dowladda Federaalka sidaas awgeed loo baahan yahay in lagu ixtiraamo sida ay hadalka u dhigeen.<\/p>\n<p>Gobolka Bakool gaar ahaan Degmada Xudur waxaa shalay ka dhacay kulan kooban oo Dadkii ka qaybgalay ay wateen boorar lagu qoray, \u2018Itoobiya soo dhawow, Masar dooni mayno\u2019 waxaana ka dhashay Falcelin xooggan.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Tiro Xildhibaanno ah oo katirsan Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya isla markaana deegaan-doorashadoodu tahay Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa kahor yimid in Dadka lagu qasbo in ay taageeraan Itoobiya oo Dalka ku xadgudubtay. Warsaxaafadeed ay soosaareen Xildhibaannadaan waxa ay uga digeen in Dadka Shacabka ah iyo Dowladda Federaalka aanay la iska hor keenin, waxa ay&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":11,"featured_media":90444,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/90443"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/11"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=90443"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/90443\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":90445,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/90443\/revisions\/90445"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/90444"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=90443"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=90443"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=90443"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}