{"id":8917,"date":"2018-10-08T17:08:53","date_gmt":"2018-10-08T16:08:53","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=8917"},"modified":"2018-10-08T17:16:57","modified_gmt":"2018-10-08T16:16:57","slug":"shaqaalaha-dowladdu-xubin-ma-ka-noqon-karaa-xisbiyada-siyaasadda","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/shaqaalaha-dowladdu-xubin-ma-ka-noqon-karaa-xisbiyada-siyaasadda\/","title":{"rendered":"Shaqaalaha Dowladdu xubin ma ka noqon karaa xisbiyada siyaasadda?"},"content":{"rendered":"<p>Soomaaliya waxa ay u socotaa heerkii ay dowladnimadeedu ku billaabatay oo ah hannanaka xisbiyada badan, sidaas awgeed waxaa kadhismaya xisbiyo siyaasadeed oo hordhac u ah kaqaybgalka muwaadiniinta ee siyaasadda iyo hoggaanka dalka.<\/p>\n<p>Habka ay xisbiyadu siyaasaddu u dhismayaan iyo hirgelinta hannaanka xisbiyada badan \u00a0waxa uu Baarlamaanku ka soosaaray xeerka dhismaha xisbiyada siyaasadda ee Xeer Lr: 19, summadiisu tahay1300\/3\/1\/9\/16, soona baxay 27-06-2016<\/p>\n<p>Kaas oo maamulaya dhammaan wixii la xiriira sameynta xisbiyada siyaasadda, waxaana suuragal ah in xisbigii aan xeerkaas raacin ama kusoo baxa hab aan xeerkaas waafaqsanayn uusan xaq u yeelan doonin kaqaybqaadashada siyaasadda.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Sida kuxusan qodobka 11aad ee xeerka dhismaha xisbiyada siyaasadda waxaa jira muwaadiniin aan kaqabgeli karin dhismaha xisbiyada siyaasadda islamarkaana aan asaasayaal iyo xubno ka noqon karin \u00a0xisbi siyaasi ah, waxa kamid ah Ciidanka, shaqaalaha maamulka wasaaradaha, Danjirayasha, shaqaalaha maxkamadaha iyo garsoorka, hay&#8217;adaha gargaarka ee dowladda iyo guud ahaan shaqaalaha dowladda.<\/p>\n<p><strong>Qodobka 11aad:<\/strong><\/p>\n<p><strong>Xubnaha Ka Reeban Ka Mid Noqoshada Xisbiyada Siyaasadda.<\/strong><\/p>\n<ol>\n<li>Ciidamada Qalabka Sida<\/li>\n<li>Garsoorayaasha Maxkamadaha Dalka<\/li>\n<li>Hawlwadeenada Safaaradaha (Diplomaasiyiinta)<\/li>\n<li>Dhamaan Shaqaalaha dawladda waxaa ka reeban Inuu kamid noqdo<\/li>\n<\/ol>\n<p>asaasayaasha ama xubin xisbi siyaasadeed, Inuu ka qeybqaato ololeynta ama<\/p>\n<p>dardargelinta hawlaha xisbi iyo kulammadiisa, Inuu muujiyo ujanjeerida xisbi<\/p>\n<p>siyaasadeed si oraah ama qoraal ah oo wax u dhimi karta<\/p>\n<p>dhexdhexaadnimadiisa.<\/p>\n<p>Xubnaha Baarlamaanka iyo laanta fulintu waa ay Asaasi karaan xubnana waa ka noqon karaa xisbiyada siyaasadda, sidaasna waxaa u ogolaanaya dastuurka iyo xeerka xisbiyada siyaasadda.<\/p>\n<p>Haddaba waxa jira shaqaale kashaqeeya hay\u2019adaha dowladda sida wasaaradaha, maxkamadaha iyo guddiyada madaxa bannaan oo lagayaabo in aanay fahamsanayn in xeerku kareebayo in ay xisbiyo siyaasadeed kamid noqdaan ama u ololeeyaan oo hadda isu diyaarinaya kamid noqoshada xisbiyada siyaasadda ama wada taageero iyo u ololeyn.<\/p>\n<p>Muwaadiniinta \u00a0kuxusan qodobka 11aad ee xeerka xisbiyada ee aan kaqaybgelin dhismaha iyo ololaha xisbiyada siyaasadda waxa u furan in ay shaqada dowladda katagaan haddii ay doonayaan in ay kaqaybgalaan dhismaha xisbiyada siyaasadda, balse suuragal ma aha in shaqaale dowladda u haya waajbaadka ku xusan qodobkaas uu haddana u ololeeyo aa kamid noqdo xisbi siyaasadeed.<\/p>\n<p>Haddaba waxa saran shaqaalaha dowladda ee wada dhismaha iyo olaha xisbiyada siyaasaddu in ay shaqda banneeyaan kahor inta aanay kamid noqon ama u ololeyn xisbi siyaasi ah<\/p>\n<p>Mustaqbal Radio<\/p>\n<p>WQ: Axmed Ciise Guutaale<\/p>\n<p>Dersa Sharciga &amp; Qaanuunka<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Soomaaliya waxa ay u socotaa heerkii ay dowladnimadeedu ku billaabatay oo ah hannanaka xisbiyada badan, sidaas awgeed waxaa kadhismaya xisbiyo siyaasadeed oo hordhac u ah kaqaybgalka muwaadiniinta ee siyaasadda iyo hoggaanka dalka. Habka ay xisbiyadu siyaasaddu u dhismayaan iyo hirgelinta hannaanka xisbiyada badan \u00a0waxa uu Baarlamaanku ka soosaaray xeerka dhismaha xisbiyada siyaasadda ee Xeer Lr:&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":8918,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,1,93],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/8917"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=8917"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/8917\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/8918"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=8917"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=8917"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=8917"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}