{"id":88534,"date":"2024-07-15T10:33:32","date_gmt":"2024-07-15T09:33:32","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=88534"},"modified":"2024-07-15T10:33:32","modified_gmt":"2024-07-15T09:33:32","slug":"maxaa-sababa-weerarrada-ka-dhex-dhaca-gudaha-xabsiga-dhexe-ee-xamar","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/maxaa-sababa-weerarrada-ka-dhex-dhaca-gudaha-xabsiga-dhexe-ee-xamar\/","title":{"rendered":"Maxaa Sababa weerarrada ka dhex dhaca gudaha Xabsiga Dhexe ee Xamar?"},"content":{"rendered":"<p>Xabsiga Dhexe ee Xamar waxaa la dhisay waqtigii Cismaaniyiinta, gaar ahaan sanadkii 1903-dii, waxaa muddo dheer lagu xirayay Dad ku xukuman Dambiyo kala duwan kuwaas oo halkaas ku qaata ciqaabta ka dhalatay faldambiyeedka ay geysteen.<\/p>\n<p>Xabsigaan waxa uu ku yaalla meel amni ahaan aad u sareyso oo xitaa waxaa si feejignaan sare ku dheehan tahay ayaa loo baaraa waxyaabaha loo gudbinayo sida cuntada loo kariyo Maxaabiista, Agabka dharka uu kamid yahay &amp; wax weliba oo ka tallaabaya Ilinka laga galo Xabsiga Dhexe ee Xamar.<\/p>\n<p>Ma helin dib u dis dhammeystiran haddana waxaa ku dhex nool Dad halkaas xukunno kala duwan ku maraya oo waqti gaaray in cabsi laga muujiyay in dumo, waxaana intaas u dheer in labo jeer ay ka dhex dagaalameen Maxaabiis iyada Su\u2019aalo dulsaaran yihiin sida ay hubka u heleen.<\/p>\n<p>Inkasta oo Xabsida Caalamka ay ka dhacdo in ay Maxaabiis ka baxsato balse baxsaddaas waxa uu ku dhashaa in ay gidaarka jebiyaan ama ka dhex helaan meel ay ka boodaan mana awoodaan in ay ka dhex dagaalamaan ama hub ay helaan.<\/p>\n<p>2019kii waxaa Xabsiga Dhexe ee Xamar ka baxsaday Maxaabiis ku eedeysan in ay katirsan yihiin Al-Shabaabnimo kuwaas oo iska dhaafee in lasoo qabto aanay jirin macluul dambe oo ilaa hadda laga helay xogtooda.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha Maxkamadda Derajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa mar uu ka hadlay arrinta Xiritaanka Dadka ku eedeysan dambiyada kala duwan waxa uu si toos ah u sheegay in ay jirto Baahi Xabsi loona baahan yahay in la dhiso Xabsiyo cusub oo Dadka lagu xiro.<\/p>\n<p>Guddi Xildhibaanno ah oo qiimeyn ugu tagay Xabsiga Dhexe ee Xamar ayaa warbixin kasoo saaray xaaladda Maxaabiista iyaga oo soo jeediyay in si gaar ah Dowladdu u eegto Xabsiga Dhexe ee Xamar.<\/p>\n<p>Xabsiga Dhexe ee Xamar waxaa gudihiisa ka dhacay labo weerar kaddib markii Maxaabiista ku xiran ay gacanta ku dhigeen hub inkasta oo Su\u2019aalo badan ay dulsaaran yihiin waxa u fududeeyay isla markaana aanay jirin cid qaadatay mas\u2019uuliyadda wixii dhacay.<\/p>\n<p>Xildhibaanno katirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta ayaa soo jeediyay in baaris dhammeystiran lagu sameeyo sababta keentay in ay hub helaan Maxaabiista xiran ee u gudubkooda adag yahay.<\/p>\n<p>Febaraayo 2019 waxaa la xarig jaray Xabsiga casriga ah ee Qaramad Midoobay ka gacansiisay Dowladda Soomaaliya oo muddo 2-sano ah la dhisayay kaas oo laga hirgelisay Xarunta Ciidanka Asluubta ee Kiilo-mitir 7ba, balse ma fududeyn culeyska heesta Xabsiga Dhexe oo markii hore qorshuhu ahaa in qaar kamid ah Maxaabiista halkaas loo wareejiyo inkasta oo Maxaabiis kooban mar laga qaaday.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xabsiga Dhexe ee Xamar waxaa la dhisay waqtigii Cismaaniyiinta, gaar ahaan sanadkii 1903-dii, waxaa muddo dheer lagu xirayay Dad ku xukuman Dambiyo kala duwan kuwaas oo halkaas ku qaata ciqaabta ka dhalatay faldambiyeedka ay geysteen. Xabsigaan waxa uu ku yaalla meel amni ahaan aad u sareyso oo xitaa waxaa si feejignaan sare ku dheehan tahay&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":11,"featured_media":88452,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/88534"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/11"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=88534"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/88534\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":88535,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/88534\/revisions\/88535"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/88452"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=88534"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=88534"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=88534"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}