{"id":8386,"date":"2018-10-01T16:00:21","date_gmt":"2018-10-01T15:00:21","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=8386"},"modified":"2018-10-01T16:00:21","modified_gmt":"2018-10-01T15:00:21","slug":"sawirro-shirka-siyaasadda-loo-dhan-yahay-oo-looga-hadlay-doorashooyinka-sanadka-2020","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/sawirro-shirka-siyaasadda-loo-dhan-yahay-oo-looga-hadlay-doorashooyinka-sanadka-2020\/","title":{"rendered":"Sawirro: Shirka Siyaasadda loo dhan yahay oo looga hadlay doorashooyinka sanadka 2020"},"content":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Soomaaliya Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa maanta shir guddoomiyay shirka tubta siyaasadda loo dhanyahay oo ay qeyb ka ahaayeen beesha caalamka.<\/p>\n<p>Kulanka maanta ayaa looga hadlay hannaanka geeddi socodka doorashooyinka 2020, dib u eegista dastuurka, sugidda amniga, hirgelinta adeegyada aasaasiga u ah nolosha bulshada.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa beesha caalamka u sheegay in dawladdu si buuxda looga taageero fulinta qorshayaasha qaran ee lagu gaarayo doorashada si lamid ah caawimaadii horay looga gaystay dib-u-habaynta nidaamka dhaqaalaha oo guulo waaweyn laga gaaray.<\/p>\n<p>\u201cDib-u-habaynta dhaqaalaha iyo taageeradiina waxa ay Soomaaliya u horseedeen in la helo taageero miisaaniyadeed oo toos ah \u2026waan ka mahad celinaynaa, waxa ayna ila tahay in haddii si lamid ah aan diiradda u wada saarno siyaasaddda loo dhanyahay la gaari karo guul lamid ah horumarkii laga sameeyay dib usoo kabashada dhaqaalaha dalka\u201d ayuu yiri Ra\u2019iisul wasaare Khayre.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn Ra\u2019iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladdu ay meel wanaagsan marsiinayso qaabkii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho qof iyo cod ah si muwaadiniinta Soomaaliyeed ay go\u2019aan uga gaaraan aayaha dalka, loogana maarmo in masiirka dalka wax laga waydiiyo dad kooban, waxa uuna intaa raaciyay in samaynta xeerka doorashada uu meel wanagan marayo.<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" src=\"http:\/\/i0.wp.com\/www.jowhar.com\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/WhatsApp_Image_2018-10-01_at_12.26.16-1024x683.jpeg\" alt=\"http:\/\/i0.wp.com\/www.jowhar.com\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/\" \/><\/p>\n<p><img decoding=\"async\" src=\"http:\/\/i0.wp.com\/www.jowhar.com\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/WhatsApp_Image_2018-10-01_at_12.26.17-1024x683.jpeg\" alt=\"http:\/\/i0.wp.com\/www.jowhar.com\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/\" \/><img decoding=\"async\" src=\"http:\/\/i0.wp.com\/www.jowhar.com\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/WhatsApp_Image_2018-10-01_at_12.26.15-1024x683.jpeg\" alt=\"http:\/\/i0.wp.com\/www.jowhar.com\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/\" \/><\/p>\n<p><img decoding=\"async\" src=\"http:\/\/i0.wp.com\/www.jowhar.com\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/WhatsApp_Image_2018-10-01_at_12.26.14-1024x683.jpeg\" alt=\"http:\/\/i0.wp.com\/www.jowhar.com\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/\" \/><\/p>\n<p><img decoding=\"async\" src=\"http:\/\/www.dhacdo.org\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/Khayre-1.jpeg\" alt=\"http:\/\/www.dhacdo.org\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Soomaaliya Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa maanta shir guddoomiyay shirka tubta siyaasadda loo dhanyahay oo ay qeyb ka ahaayeen beesha caalamka. Kulanka maanta ayaa looga hadlay hannaanka geeddi socodka doorashooyinka 2020, dib u eegista dastuurka, sugidda amniga, hirgelinta adeegyada aasaasiga u ah nolosha bulshada. Ra\u2019iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa beesha caalamka u&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":8387,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/8386"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=8386"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/8386\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/8387"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=8386"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=8386"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=8386"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}