{"id":83842,"date":"2023-12-28T11:06:48","date_gmt":"2023-12-28T11:06:48","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=83842"},"modified":"2023-12-28T11:18:12","modified_gmt":"2023-12-28T11:18:12","slug":"af-soomaali-maay-iyo-maxaay-ma-lahjado-mise-luuqado","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/af-soomaali-maay-iyo-maxaay-ma-lahjado-mise-luuqado\/","title":{"rendered":"Af-Soomaali: Maay iyo Maxaay, ma Lahjado mise Luuqado?"},"content":{"rendered":"<p>Af, waa nooc ka mid ah hababka ay dadku ku wada xiriiraan, oo leh qaab-dhismeed gaar ah iyo ereyo gudbinaya macne, kaas oo ay adeegsadaan ummad meel qura ama kala fog ku nool. Waa tiir uu dhaqanka ugu gudbiyo jiilba kan ka dambeeya.<\/p>\n<p>Soomaalida afkeedu waa af Soomaali ka kooban lehjado waa weyn oo gaaraya illaa 13 afguri, waxaase ugu weyn Maxaa, waxaana ku soo xiga Maay.<\/p>\n<p>Qarniya hore oo aan haddana dheereyn culimada cilmiga bulshadu waxa ay wariyaan in ay af Soomaaliga luuqad qura wada ahaayeen Oromada iyo Cafarta, hase ahaatee sidii ay u kala durkayeen ayey ugu dambeyn afaf kala duwan noqdeen, walina waxay wadaagaan ereyo iyo qaab-dhismeed mararka qaar la gaarsiiyo in ay wali isleeyihiin 40%.<\/p>\n<p>Waxaa jira aragti sheegeysa in Soomaalidu tahay hal qoom, meelaha qaarna waxaa la yiraa waa hal qabiil, hase ahaatee siyaasiyiinta qaar ayaa mararka qaar qabiilkooda ama jufadooda ugu yeera qoomiyad, taas oo sidoo kale horseedda in afkoodana ay ugu yeeraan luuqad, iyagoo ka fogeynaya in ay tahay lehjad.<\/p>\n<p>Doodda Maay iyo Maxaay ma noqon dastuuri ah waligeed kahor dastuurka kumeelgaarka ah ee aan wali helin afti dadweyne, waxaana ay horseedday in labada lehjadood si u muuqata in ay siyaasadeysan tahay loo tartansiiyo, iyadoon malaha laga eegeyn dan qaran ee laga eegayo dan qabiil, taas oo fasahaadin karta in ay Soomaalidu yeelato luuqad qura oo loo adeegsado arrimaha qaranka iyo wadaxiriirka xafiisyada dowladda.<\/p>\n<p>Afka Soomaaliga waxaa leh Soomaali oo dhan oo hadda wada degan Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya. Dhamaantood waxaa afkoodaas wakiil ka ah Soomaaliya, oo leh go&#8217;aanka lehjadda loo adeegsanayo qoraallada qaran iyo guud ahaan afka dowladda iyo warbaahinta qaranka, kaas oo dabcan ay sax tahay iney noqoto lehjadda ay Soomaalidu inta ugu badan ku hadasho!<\/p>\n<p>Hase ahaatee, lehjadaha kale waxay wali sii ahaanayaan quruxda afku leeyahay, iyagoo wax weyn ku daraya hodontooyada luuqadda, iyadoon cadaw looga dhigeyn lehjadda loo doorto luuqadda xirfadda, taas oo uu af kasta leeyahay.<\/p>\n<p>Xafiiltanka ay siyaasiyiintu abuureen ayaa uu u muuqdaa mid Soomaaliya ka dhigaya in ay leedahay wax ka badan hal Af, oo dooodaha qaar baa qaba in May iyo Maxay ay yihiin luuqado ee aysan ahayn lahjado, waana meesha hadda dooddu ka kulushahay.<\/p>\n<p>Doodda waxaa sii huriyay in Mayga dad qaar u yaqaanaan in uu yahay Af-guri oo loola jeedo Af gaar ah oo looga hadlo degaan ka mid ah waddan, kana yara duwan afkiisa rasmiga ah.<\/p>\n<p>Haddaba su\u2019aashu waxa ay tahay ma dhici kartaa in wax ka badan hal luuqad uu waddanku si rasmi ah u yeesho, goorma ayaase af ama luuqad loo aqoonsadaa in ay tahay luuqad jirta, sidoo kale goorma ayaa lahjad loo aqoonsadaa in ay lahjad?<\/p>\n<p>Waxaa jira waddamo qaar oo leh wax ka badan labo luuqadood oo rasmi ah sida; Belgium, Ireland, Luxembourg, oo dhamaantood leh wax ka badan labo luuqadood oo rasmi ah. Waxaase meesha ku jirta in luuqadahaasi yihiin kuwo waaweyn oo aan lagu murmi karin jiritaankooda luuqadeed.<\/p>\n<p>Adiga, maxay kula tahay doodda Maay iyo Maxaay ee dhowaanahanba taagneyd?<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Af, waa nooc ka mid ah hababka ay dadku ku wada xiriiraan, oo leh qaab-dhismeed gaar ah iyo ereyo gudbinaya macne, kaas oo ay adeegsadaan ummad meel qura ama kala fog ku nool. Waa tiir uu dhaqanka ugu gudbiyo jiilba kan ka dambeeya. Soomaalida afkeedu waa af Soomaali ka kooban lehjado waa weyn oo gaaraya&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":83844,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[73,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/83842"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=83842"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/83842\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":83845,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/83842\/revisions\/83845"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/83844"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=83842"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=83842"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=83842"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}