{"id":7982,"date":"2018-09-26T08:48:11","date_gmt":"2018-09-26T07:48:11","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=7982"},"modified":"2018-09-26T08:48:11","modified_gmt":"2018-09-26T07:48:11","slug":"sucuudiga-oo-sameeyay-tareen-isku-xiraya-maka-iyo-madiinasawirro","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/sucuudiga-oo-sameeyay-tareen-isku-xiraya-maka-iyo-madiinasawirro\/","title":{"rendered":"Sucuudiga oo sameeyay Tareen isku xiraya Maka iyo Madiina,Sawirro"},"content":{"rendered":"<p>Dowladda Sucuudiga ayaa Talaadadii shalay xarrigga ka jartay dhismaha Tareen Ku shaqeeya Korontada oo ka shaqeeya inta u dhaxeysa\u00a0 Magaalooyinka Barakeysan ee Maka iyo Madiina.<\/p>\n<p>Tareenkan ayaa waxaa uu sanadkii qaadi doonaa 60 Milyan oo Qof,waxaana uu qeyb ka qaadan doonaa sare u kaca dhaqaalaha dalka Sucuudiga.<\/p>\n<figure style=\"width: 640px\" class=\"wp-caption alignnone\"><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" src=\"https:\/\/image.yenisafak.com\/resim\/imagecrop\/2018\/09\/26\/09\/21\/resized_e1be4-1956_eng_picture_20180925_16480552_16480551.jpg\" alt=\"\" width=\"640\" height=\"359\" \/><figcaption class=\"wp-caption-text\">Boqor Salmaan oo gelaya Tareenka.<\/figcaption><\/figure>\n<p>Boqorka Dalka Sucuudiga ayaa waxaa uu xarigga ka jaray Tareenkan oo waddadiisa la dhameystiray,waxaana ku baxay qarash gaaraya $7.87Bilyan oo doollarka Mareykanka ah.<\/p>\n<p>Tareenkan ayaa saacaddiiba jaraya 300KM,waxaana labada magaalo oo isu jira 450KM uu ku tagi karaa wax ka yar hal saac iyo bar.<\/p>\n<p>Dowladda Sucuudiga ayaa dooneysa in dhaqaalaha dalka eek u tiirsan shidaalka ay ka weecato una leexato dhinaca dalxiiska.<\/p>\n<figure style=\"width: 660px\" class=\"wp-caption alignnone\"><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" src=\"https:\/\/hiiraan.com\/images\/gallery\/2018\/sept\/2018926636735196597241892railway_saudi.jpg\" alt=\"https:\/\/hiiraan.com\/images\/gallery\/2018\/sept\/\" width=\"660\" height=\"402\" \/><figcaption class=\"wp-caption-text\">Boosteejada Tareenka ee Magaalada Jidda.<\/figcaption><\/figure>\n<p>Wasiirka Gaadiidka Dalka Sucuudiga Nabil al-Amoudi, oo munaasibadda furitaanka ee ka dhacday boosteejada Tareenka oo ka dhacday Magaalada Jidda ayaa sheegay in Muslimiinta uu waqti yar uga bixi doono inta u dhaxeysa Maka iyo Madiina,waxaana uu intaas ku daray in dowladda iska xil saartay u adeegidda Dadka Islaamka ah.<\/p>\n<p>Dowladda Sucuudiga ayaa sheegtay in 2017kii 20Milyan oo Ajannabi\u00a0 dalxiisayaal ah, 2 Milyan oo Xujey ah, iyo 6.7 Milyan oo cumro gudanayay ay tageen dalkaas.<\/p>\n<p>Qiyaasta Qaranka Sucuudiga ayaa muujineysa in sanadka 2020ka ay Cumro tagi doonaan 15 Milyan oo qof,halka 5 Milyan ay Xaj u tagi doonaan.<\/p>\n<figure style=\"width: 580px\" class=\"wp-caption alignnone\"><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" src=\"http:\/\/www.arabnews.com\/sites\/default\/files\/styles\/n_670_395\/public\/18\/11\/2016\/\/haramain-rail.jpg?itok=uJVKh2B2\" alt=\"\" width=\"580\" height=\"350\" \/><figcaption class=\"wp-caption-text\">Tareenka ayaa ku soconaya waddo ku dhow Badda Cas.<\/figcaption><\/figure>\n<p>Tareenkan ayaa loo sameeyay 5 Bosteejo oo uu dadka ka qaadi doono,waxaana ay kalayihiin Maka,Madiina, Jiddah, Makkah, King Abdullah Economic City iyo \u00a0King Abdulaziz International Airport<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dowladda Sucuudiga ayaa Talaadadii shalay xarrigga ka jartay dhismaha Tareen Ku shaqeeya Korontada oo ka shaqeeya inta u dhaxeysa\u00a0 Magaalooyinka Barakeysan ee Maka iyo Madiina. Tareenkan ayaa waxaa uu sanadkii qaadi doonaa 60 Milyan oo Qof,waxaana uu qeyb ka qaadan doonaa sare u kaca dhaqaalaha dalka Sucuudiga. Boqorka Dalka Sucuudiga ayaa waxaa uu xarigga ka&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":7983,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[83,59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/7982"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=7982"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/7982\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/7983"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=7982"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=7982"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=7982"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}