{"id":7954,"date":"2018-09-26T05:17:21","date_gmt":"2018-09-26T04:17:21","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=7954"},"modified":"2018-09-26T05:17:21","modified_gmt":"2018-09-26T04:17:21","slug":"kenya-oo-diyaarado-dagaal-ka-iibsatay-imaaraadka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/kenya-oo-diyaarado-dagaal-ka-iibsatay-imaaraadka\/","title":{"rendered":"Kenya oo diyaarado dagaal ka iibsatay Imaaraadka"},"content":{"rendered":"<p>Dowladda Kenya ayaa sagaal diyaaradood oo kuwa dagaalka ah ka iibsatay dalka Imaaraadka Carabta.<\/p>\n<p>Diyaaradahan oo noocoodu yahay\u00a0Fennec, ayaa waxaa sameysay Sharikadda Airbus ee Laga leeyahay France,waxaana dowladda Kenya ay kala baxday lacag dhan $200 Milyan oo doollarka Mareykanka ah.<\/p>\n<p>Wasiirka Gaashaandhigga Kenya\u00a0Raychelle Omamo iyo Taliyaha guud ee Ciidanka Kenya\u00a0Francis Ogolla,ayaa diyaaradahan ku soo bandhigay saldhigga Ciidanka Cirka Kenya ee\u00a0Laikipia Air Base.<\/p>\n<p>Kenya waxaa ay sheegtay in diyaaradahan ay u adeegsaneyso dagaalka ka dhanka ah Al-shabab ee ka socda gudaha Kenya iyo Soomaaliya.<\/p>\n<p>Waxaa kale oo diyaaradahan ay galaan in ay ka hortagaan Taangiyada,caawiyaan ciidanka Milatariga ah ee dhulka ka dagaallama, in ay \u00a0sahayda Milatariga gaarsiiyaan sidoo kalena looga faa&#8217;ideysan karo waxyaabo kale.<\/p>\n<p>Wasiirka Gaashaandhigga Kenya,Omamo \u00a0ayaa sheegtay in Kenya ay ku biirtay dalalka\u00a0 France, Singapore, Thailand, Australian, Brazil, Denmark iyo Imaaraadka Carabta oo uu Malatarigoodu adeegsado diyaaradahan.<\/p>\n<p>Waxaa sidoo kale ay sheegtay in Kenya ay tahay dalkii ugu horreeyay ee Afrika ee adeegsan doona diyaaradahan,waxaa ay sidoo kale madasha ka sheegtay in ay hadda ka dib ka guurayaan diyaaradaha duugga ah ee ay horay uga iibsadeen Canada.<\/p>\n<p>Lacaga diyaaradahan laga bixiyay ayey Kenya ka amaahatay Bangi ku yaalla Dalka Talyaaniga,waxaana lacagta loo bixinayaa si tartiib tartiib ah ilaa 10 Sano.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dowladda Kenya ayaa sagaal diyaaradood oo kuwa dagaalka ah ka iibsatay dalka Imaaraadka Carabta. Diyaaradahan oo noocoodu yahay\u00a0Fennec, ayaa waxaa sameysay Sharikadda Airbus ee Laga leeyahay France,waxaana dowladda Kenya ay kala baxday lacag dhan $200 Milyan oo doollarka Mareykanka ah. Wasiirka Gaashaandhigga Kenya\u00a0Raychelle Omamo iyo Taliyaha guud ee Ciidanka Kenya\u00a0Francis Ogolla,ayaa diyaaradahan ku soo bandhigay&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":7946,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/7954"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=7954"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/7954\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/7946"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=7954"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=7954"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=7954"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}