{"id":7868,"date":"2018-09-25T07:53:34","date_gmt":"2018-09-25T06:53:34","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=7868"},"modified":"2018-09-25T07:53:34","modified_gmt":"2018-09-25T06:53:34","slug":"sidee-loogu-kala-guuleystay-abaalmarinada-fifa-the-pest","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/sidee-loogu-kala-guuleystay-abaalmarinada-fifa-the-pest\/","title":{"rendered":"Sidee loogu kala guuleystay Abaalmarinada FIFA The Pest."},"content":{"rendered":"<p>Waxaa xalay fiidkii magaalada London lagu qabtay xaflada sanad laha ah ee FIFA oo lagu bixiyo abaalmarinada shaqsiyaadka ugu fiican aduunka.<\/p>\n<p>Xiddiga Kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Croatia ee Luka Modric ayaa ku guulaystay xiddiga ugu fiican adduunka ee Abaalmarinta The Best kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay.<\/p>\n<p>Modric ayaa abaalmarinta ku mutaystay kadib qaab ciyaareed heer sare ah oo uu soo bandhigay xilli ciyaareedkii hore markaas oo uu kooxdiisa Real Madrid kula guulaystay koobka champions League halka uu sidoo kale xulkiisa geeyay finalka koobka adduunka.<\/p>\n<p>Xiddigan ayaa abaalmarintan ku garaacay xiddigaha Cristiano Ronaldo iyo Mohamed Salah kuwaas oo kula tartamayay abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee The Best.<\/p>\n<p>Dhanka kale Didier Deschamps ayaa Ku Guulaystay Tababaraha Ugu Fiican Sanadka 2018.<\/p>\n<p>Tababaraha xulka qaranka France ee Didier Deschamps ayaa ku guulaystay tababarihii ugu fiicnaa sanadka 2018 kadib markii uu xulka qarankiisa ku hogaamiyay koobkii adduunka Russia lagu qabtay 2018.<\/p>\n<p>Didier Deschamps ayaa abaalmarintan ku garaacay tababarayaasha Zlatko Dalic Iyo Zinedine Zidane kuwaas oo kula tartamayay abaalmarinta tababaraha ugu fiican sanakda.<\/p>\n<p>Dhanka goolhayeyaasha Thibaut Courtois ayaa Ku Guulaystay Goolhayaha Ugu Fiican 2018.<\/p>\n<p>Goolhayaha Xulka qaranka Belguim iyo kooxda Real Madrid ee Thibaut Courtois ayaa ku guulaystay goolhayaha ugu fiican sanadka 2018 kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay koobkii adduunka.<\/p>\n<p>Thibaut Courtois ayaa koobkii adduunka ku guulaystay goolhayihii ugu fiicnaa kadib markii uu xulkiisa ka caawiyay in ay gaadho semi-finalka koobkii adduunka.<\/p>\n<p>Goolhayaha reer Belguim ayaa baalmarinta Goolhayaha ugu fiican ku garaacay Goolhayayaasha Hugo Lloris oo u ciyaara Tottenham &amp; France Iyo Kasper Schmeichel Leicester &amp; Denmark.<\/p>\n<p>Mohamed Salah ayaa Ku Guulaystay Goolkii Ugu Quruxda Badanaa Sanadka 2018.<\/p>\n<p>Xiddiga Kooxda Liverpool ee Mohamed salah ayaa ku guulaystay goolkii ugu quruxda badnaa ee laga dhaliyay sanadka 2018 isaga oo ku qaaday abaalmarinta Puskis Aword goolkii uu ka dhaliyay kooxda Everton.<\/p>\n<p>Salah ayaa ka qaaday abaalmarinta xiddigo badan oo dhaliyay goolal badan oo cajiib ah oo uu ka mid yihiin Cristiano Ronaldo,Gareth Bale, Lionel Messi iyo xiddigo kale.<\/p>\n<p>Goolka uu salah ugu guulaystay abaalmarinta ayuu ka dhaliyay kulankii Derby Merseside kaas oo ka mid ahaa goolashii ay kooxda Liverpool kaga badisay kulankaas.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Waxaa xalay fiidkii magaalada London lagu qabtay xaflada sanad laha ah ee FIFA oo lagu bixiyo abaalmarinada shaqsiyaadka ugu fiican aduunka. Xiddiga Kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Croatia ee Luka Modric ayaa ku guulaystay xiddiga ugu fiican adduunka ee Abaalmarinta The Best kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay. Modric ayaa abaalmarinta&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":7871,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[47],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/7868"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=7868"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/7868\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/7871"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=7868"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=7868"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=7868"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}