{"id":77088,"date":"2023-04-12T08:17:41","date_gmt":"2023-04-12T07:17:41","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=77088"},"modified":"2023-04-12T08:20:55","modified_gmt":"2023-04-12T07:20:55","slug":"xoghayaha-guud-ee-qm-antonio-guterres-oo-ku-baaqay-in-kaalmo-aan-loo-kala-harin-lagu-garab-istaago-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/xoghayaha-guud-ee-qm-antonio-guterres-oo-ku-baaqay-in-kaalmo-aan-loo-kala-harin-lagu-garab-istaago-soomaaliya\/","title":{"rendered":"Xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres oo ku baaqay in kaalmo aan loo kala harin lagu garab istaago Soomaaliya."},"content":{"rendered":"<p>Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa booqasho taariikhi ah ku yimid Magaalada Muqdisho, waxa uu la kulmay Madaxda Dowladda Federaalka, Wakiiladiisa kala duwan &amp; Bulshada oo uu ka xog-dhageystay xaaladda Dalka iyo taageerada ay u baahan tahay Soomaaliya.<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone wp-image-77095 size-full\" src=\"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/52810533859_48d5c0c5a3_o-scaled.jpg\" alt=\"\" width=\"2560\" height=\"1707\" srcset=\"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/52810533859_48d5c0c5a3_o-scaled.jpg 2560w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/52810533859_48d5c0c5a3_o-300x200.jpg 300w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/52810533859_48d5c0c5a3_o-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/52810533859_48d5c0c5a3_o-768x512.jpg 768w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/52810533859_48d5c0c5a3_o-1536x1024.jpg 1536w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/52810533859_48d5c0c5a3_o-2048x1365.jpg 2048w\" sizes=\"(max-width: 2560px) 100vw, 2560px\" \/><\/p>\n<p><strong>Dhanka Bani aadamnimada oo uu ku dheeraaday Xoghayaha guud ee QM<\/strong>:<\/p>\n<p>Antonio Guterres ayaa ku baaqay in kaalmo aan loo kala harin in lagu garab istaagoo Soomaaliya si ay uga soo kabato dhibaatooyinka amni, dhaqaale, siyaasad &amp; mid bulsho ee salkeedu yahay xaaladaha bani aadamnimo ee Dalka.<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone wp-image-77091 size-full\" src=\"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/52809757747_416d4d0c3f_o-scaled.jpg\" alt=\"\" width=\"2560\" height=\"1707\" srcset=\"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/52809757747_416d4d0c3f_o-scaled.jpg 2560w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/52809757747_416d4d0c3f_o-300x200.jpg 300w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/52809757747_416d4d0c3f_o-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/52809757747_416d4d0c3f_o-768x512.jpg 768w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/52809757747_416d4d0c3f_o-1536x1024.jpg 1536w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/52809757747_416d4d0c3f_o-2048x1365.jpg 2048w\" sizes=\"(max-width: 2560px) 100vw, 2560px\" \/><\/p>\n<p>Bayaan kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in uu garab taagan yahay Soomaaliya sidaas awgeed uu u ololeynayo sidii taageero caalami ah ay u lahayd Dowladda Federaalka &amp; Dowlad-Goboleedyada hoostaga.<\/p>\n<p><strong><em>\u201cWaxa aan halka u joogaa in aan muujiyo baahida loo qabo taageero caalami ahoo ballaaran, taageero caalami ah oo ballaaran oo loogu baahan yahay xaaladda adag eebeni\u2019aadanimo darted, taageero beni\u2019aadanimo oo ballaaran oo la xiriirta dhismaha awoodda amni ee Soomaaliya, taageero beni\u2019aadanimo oo ballaaran oo la xiriirta \u00a0xasilinta iyo horumarinta dalka\u201d<\/em><\/strong> ayuu yiri Xoghayaha guud ee QM.<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone wp-image-77092 size-full\" src=\"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/52810773508_a2e5d3cf8f_k.jpg\" alt=\"\" width=\"2048\" height=\"1365\" srcset=\"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/52810773508_a2e5d3cf8f_k.jpg 2048w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/52810773508_a2e5d3cf8f_k-300x200.jpg 300w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/52810773508_a2e5d3cf8f_k-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/52810773508_a2e5d3cf8f_k-768x512.jpg 768w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/52810773508_a2e5d3cf8f_k-1536x1024.jpg 1536w\" sizes=\"(max-width: 2048px) 100vw, 2048px\" \/><\/p>\n<p>Waa uu sii hadlay waxaana uu yiri: <strong><em>&#8220;In kasta oo Soomaalidu aanay wax gacan ah ku lahayn isbeddelka cimilada, haddana Soomaalidu waxa ay ka mid yihiin dhibbanayaasha ugu badan. Ku dhawaad shan milyan oo qof ayaa la kulma heerar sare oo cunto yari aad u daran ah. Dabcan sare u kaca sicirka ayaa ka sii daraya. Markaa waxa aan ugu baaqayaa deeq-bixiyeyaasha iyo beesha caalamka in ay xoojiyaan taageeradooda<\/em><\/strong>\u201d.<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone wp-image-77093 size-full\" src=\"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/52810524214_c165127eac_k.jpg\" alt=\"\" width=\"2048\" height=\"1365\" srcset=\"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/52810524214_c165127eac_k.jpg 2048w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/52810524214_c165127eac_k-300x200.jpg 300w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/52810524214_c165127eac_k-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/52810524214_c165127eac_k-768x512.jpg 768w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/52810524214_c165127eac_k-1536x1024.jpg 1536w\" sizes=\"(max-width: 2048px) 100vw, 2048px\" \/><\/p>\n<p>Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa indhihiisa kusoo arkay qaar kamid ah Dadka ay saameynta taban ku reebeen Abaarta &amp; dhibaatooyinka kale ee bani aadamnimo, waxa uu markale cod dheer ugu dhawaaqay in loo istaago badbaadinta Malaayiinta ruux ee ku dhibaateysan Soomaaliya.<\/p>\n<p><strong><em>\u201cWaxaa la joogaa waqtigii beesha caalamku ay abaabuli lahayd taageero badan, taageeridda Soomaalida si loo dammaanad-qaado ammaanka dadkooda &amp; la dagaallanka argagixisada, in lataageero Soomaalida si loo xalliyo mashaqooyinka bini&#8217;aadminnimo ee aan ka marqaatiga uganahay xeradan oo kale. Iyo in Soomaalida lagu taageero sidii loo abuuri lahaa xaalado ay ku dhisaan adkaysiga dadkooda iyo sidii shacabka Soomaaliyeed loogu abuuri lahaa waddo horumar ay ku gaaraan\u201d<\/em><\/strong> ayuu yiri Guterres.<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone wp-image-77094 size-full\" src=\"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/52809768232_5b50900eac_o-scaled.jpg\" alt=\"\" width=\"2560\" height=\"1696\" srcset=\"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/52809768232_5b50900eac_o-scaled.jpg 2560w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/52809768232_5b50900eac_o-300x199.jpg 300w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/52809768232_5b50900eac_o-1024x678.jpg 1024w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/52809768232_5b50900eac_o-768x509.jpg 768w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/52809768232_5b50900eac_o-1536x1018.jpg 1536w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/52809768232_5b50900eac_o-2048x1357.jpg 2048w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/52809768232_5b50900eac_o-600x398.jpg 600w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/52809768232_5b50900eac_o-455x300.jpg 455w\" sizes=\"(max-width: 2560px) 100vw, 2560px\" \/><\/p>\n<p>Waxa uu sii raaciyay <strong><em>&#8220;Waxa aan u baahannahay in aan gacan deeqsinnimo ka helno beesha caalamka taas oo aad muhiim ugu ah badbaadinta Dadkan aan kusoo arkay xeradan oo ku nool duruufo aad u daran. Hadda, ku dhawaad kala bar dadka Soomaaliyeed (8.25 milyan oo qof) waxa ay u baahan yihiin gargaar beni aadannimo oo naf-badbaadin iyo kaalmo ah taas oo ay ugu wacan tahay jahawareerka cimilada oo lagu daray shan sano oo xiriir ah oo roob-yaraan ah, iyo colaado daba-dheeraaday, sida laga soo xigtey Xafiiska Isku xirka Arrimaha Bini\u2019aadminnimada ee Qaramada Midoobey (OCHA)\u201d<\/em><\/strong>.<\/p>\n<p><strong><em>\u201cDadkaas, ilaa 3.8 milyan ayaa ku barakacay dalka gudihiisa, ku dhawaad shan milyan oo qofna waxaa soo wajahay heerar sare oo cunto yari ah. Ku dhowaad 1.8 milyan oo carruur ah ayaawaxaa haysa nafaqo-xumo ba&#8217;an, siddeed milyan oo qofna ma helaan biyo ku filan, fayadhowr iyo nadaafad. Saddex meelood labo meel Dadka ku nool meelaha ay abaaruhu saameeyeenna mahelaan daryeel caafimaad oo asaasi ah.Qorshaha gurmadka beni\u2019aadannimo ee 2023-ka si loo daboolo baahiyaha Soomaaliya waxay ubaahan tahay $2.6 bilyan oo Doollar si loo caawiyo 7.6 milyan oo qof &#8211; laakiin maalgelinta uu helay waxay taagan tahay qiyaastii 15 boqolkiiba, illaa hadda\u201d<\/em><\/strong> ayaa lasii raaciyay bayaan laga soosaaray socdaalka Antonio Guterres ee Soomaaliya.<\/p>\n<p><strong>Dhinaca Amniga<\/strong>:<\/p>\n<p>Antonio Guterres, Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa bogaadiyay howlgallada ka dhan ah \u2018AS\u2019 ee Ciidamada Dowladda Federaalka, Daraawiishta Dowlad-Goboleedyada &amp; Dadka deegaanka ee Macawiisleyda loo yaqaan ay sameeyeen.<\/p>\n<p>Waxa uu sheegay in ay arrintaan muujineyso tallaabooyinka horumarinta leh ee dhanka amni sugidda ah ee Soomaaliya, waxa uu ugu baaqay dhinacyadaan iskaashanaya in ay u dhabar-adeegaan howlgallada ay wadaan oo dhabba wanaagsan ku socda.<\/p>\n<p>Beesha Caalamka ayuu Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay usoo jeediyay in ay garab istaagto Soomaaliya oo haatan cagaha saartay dhabbaha horumarka, nabadgalyada &amp; la dagaalanka \u2018AS\u2019 oo ah xaalad u baahan taageero.<\/p>\n<p><strong><em>\u201cBeesha Caalamka waxa aan ugu baaqayaa in ay xoojiso taageerada ka baxsan dhanka bani aadamnimada ee Soomaaliya, waa in la caawiyo Dowladda oo dagaal kula jirto \u2018AS\u2019 si ay awood ugu yeelato hannaanka cusub ee xasiloonida &amp; horumarka Dalka isla markaana ay u dhisato awooddeeda si ay ula dagaalanto Shabaab\u201d<\/em><\/strong> ayuu yiri Xoghaye Guterres.<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone wp-image-77097 size-full\" src=\"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/52810313406_08a3654959_o-scaled.jpg\" alt=\"\" width=\"2560\" height=\"1707\" srcset=\"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/52810313406_08a3654959_o-scaled.jpg 2560w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/52810313406_08a3654959_o-300x200.jpg 300w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/52810313406_08a3654959_o-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/52810313406_08a3654959_o-768x512.jpg 768w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/52810313406_08a3654959_o-1536x1024.jpg 1536w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/52810313406_08a3654959_o-2048x1365.jpg 2048w\" sizes=\"(max-width: 2560px) 100vw, 2560px\" \/><\/p>\n<p><strong><em>\u201cBilihii la soo dhaafay, Ciidamada Nabad Suggida Soomaaliya oo ay xoojinayeen Dadka deegaanka ah ayaa fuliyey howlgallo ciidan oo ka dhan ah \u2018AS\u2019 oo ay ka wadeen Maamullada ka tirsan Dowladda Federalka gaar ahaan Hirshabeelle &amp; Galmudug, waxaana la filayaa in ay si tartiib-tartiib ah ugu sii gudbaan Gobollada Dalka Soomaaliya\u201d<\/em><\/strong> ayuu yiri Xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres.<\/p>\n<p><strong>La kulanka Bulshada Rayidka<\/strong>:<\/p>\n<p>Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa la kulmay wakiilo ka kala socday Bulshada Rayidka gaar ahaan xubnaha ka shaqeeya arrimaha Haweenka &amp; awoodsiinta, Isbaddelka Cimilada, Dadka baahiyaha gaarka ah qaba (Naafada ah), Dhalinyarada &amp; Kooxaha la haybsooco si uu u dhageysto tabashadooda si uu ugu gudbiyo taageerada ay heli karaan.<\/p>\n<p>Antonio Guterres ayaa bogaadiyay kulanka Afurinta ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka uu u sameeyay wafdigiisa iyo wakiilada Beesha Caalamka ee Magaalada Muqdisho ku sugan, waxa uu sheegay in kulan farxad &amp; bogaadin mudan in uu ahaa.<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone wp-image-77090 size-full\" src=\"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/52810253048_a4ccd3383c_k.jpg\" alt=\"\" width=\"2047\" height=\"1365\" srcset=\"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/52810253048_a4ccd3383c_k.jpg 2047w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/52810253048_a4ccd3383c_k-300x200.jpg 300w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/52810253048_a4ccd3383c_k-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/52810253048_a4ccd3383c_k-768x512.jpg 768w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/52810253048_a4ccd3383c_k-1536x1024.jpg 1536w\" sizes=\"(max-width: 2047px) 100vw, 2047px\" \/><\/p>\n<p>Waxa uu intaas ku daray in ay ka go\u2019an tahay in uu taageero buuxda uu la garab taagan yahay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed oo si diiran ugu soo dhawaayay Magaalada Muqdisho una muujiyay sida ay uga go\u2019an tahay kasoo kabashada dhibaatooyinkii soomaray.<\/p>\n<p><strong><em>&#8220;Waxa aan u taagannahay taageerada Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladda Soomaaliya \u2013 dhanka nabadda, amniga iyo horumarka waara&#8221;<\/em><\/strong> ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo Warbaahinta u faah-faahiyay safarkiisa Muqdisho iyo Baydhabo.<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone wp-image-77096 size-full\" src=\"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/52811706155_08b48fb228_o-scaled.jpg\" alt=\"\" width=\"2560\" height=\"1709\" srcset=\"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/52811706155_08b48fb228_o-scaled.jpg 2560w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/52811706155_08b48fb228_o-300x200.jpg 300w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/52811706155_08b48fb228_o-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/52811706155_08b48fb228_o-768x513.jpg 768w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/52811706155_08b48fb228_o-1536x1025.jpg 1536w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/52811706155_08b48fb228_o-2048x1367.jpg 2048w\" sizes=\"(max-width: 2560px) 100vw, 2560px\" \/><\/p>\n<p>Xoghaye Antonio ayaa marka uu dib ugu laabto Magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay waxa uu la wadaagi doonna waxyaabaha uu kala kulmay safarkiisa Soomaalida, baaqiisa ku aaddan in la garab istaaggo &amp; ka sheekeenta xaaladda Dalka.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa booqasho taariikhi ah ku yimid Magaalada Muqdisho, waxa uu la kulmay Madaxda Dowladda Federaalka, Wakiiladiisa kala duwan &amp; Bulshada oo uu ka xog-dhageystay xaaladda Dalka iyo taageerada ay u baahan tahay Soomaaliya. Dhanka Bani aadamnimada oo uu ku dheeraaday Xoghayaha guud ee QM: Antonio Guterres ayaa ku&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":11,"featured_media":77089,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,83,59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/77088"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/11"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=77088"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/77088\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":77100,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/77088\/revisions\/77100"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/77089"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=77088"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=77088"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=77088"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}