{"id":76669,"date":"2023-03-28T07:18:38","date_gmt":"2023-03-28T06:18:38","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=76669"},"modified":"2023-03-28T07:18:38","modified_gmt":"2023-03-28T06:18:38","slug":"wajiga-labaad-ee-howlgalka-ka-dhanka-ah-as-oo-ka-billaabanaya-gobolka-hiiraan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wajiga-labaad-ee-howlgalka-ka-dhanka-ah-as-oo-ka-billaabanaya-gobolka-hiiraan\/","title":{"rendered":"Wajiga labaad ee Howlgalka ka dhanka ah \u2018AS\u2019 oo ka billaabanaya Gobolka Hiiraan."},"content":{"rendered":"<p>Gobolka Hiiraan DG Hir-Shabeelle waxaa ka socda dhaqdhaqaaq xooggan oo ay wadaan Ciidamada Federaalka, Daraawiishta Dowlad-Goboleedkaas iyo Dadka deegaanka ee loo yaqaan macawiisleyda si ay \u2018AS\u2019 uga qabsadaan deegaannada ay weli joogaan.<\/p>\n<p>Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in howlgallada socda ujeedkoodu yahay sidii \u2018AS\u2019 looga saari lahaa deegaannada gacanta ku harsan ee dhanka kale ka ah Wabiga Shabeelle ee labada daan ka kala dhigay degmooyinka qaar maadaama uu dhexmaro.<\/p>\n<p>Degmooyinka Gobolka Hiiraan waxaa lagu diyaariyay dhalinyaro u badan kuwa deegaanka waxaana la howlgallada Ciidamada Dowladda Federaalka &amp; Daraawiishta DG Hir-Shabeelle sida ay sheegeen mas\u2019uuliyiin katirsan Maamulka Gobolkaas.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo Todobaadkaan dib ugu laabtay Magaalada Baladweyne ayaa ku dhawaaqay in dhowaan uu billaabanayo wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah \u2018AS\u2019.<\/p>\n<p>Marka uu howlgalkaas oo dhamamado ayuu sheegay in Shir weyne isugu imaanayaan dhammaan Dadka kasoo jeeda Gobolka Hiiraan si ay uga arrinsadaan qorshaha xiga iyo sidii loo xoojin lahaa Amniga, dhismaha &amp; adeegyada aasaasiga u ah nolosha dadka halkaas ku nool.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Gobolka Hiiraan DG Hir-Shabeelle waxaa ka socda dhaqdhaqaaq xooggan oo ay wadaan Ciidamada Federaalka, Daraawiishta Dowlad-Goboleedkaas iyo Dadka deegaanka ee loo yaqaan macawiisleyda si ay \u2018AS\u2019 uga qabsadaan deegaannada ay weli joogaan. Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in howlgallada socda ujeedkoodu yahay sidii \u2018AS\u2019 looga saari lahaa deegaannada gacanta ku harsan ee dhanka kale ka&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":11,"featured_media":58390,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,81,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/76669"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/11"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=76669"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/76669\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":76670,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/76669\/revisions\/76670"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/58390"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=76669"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=76669"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=76669"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}