{"id":74956,"date":"2023-01-22T07:37:35","date_gmt":"2023-01-22T07:37:35","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=74956"},"modified":"2023-01-22T08:19:59","modified_gmt":"2023-01-22T08:19:59","slug":"nuucyada-dembiyada-erey-bixinta-qaanuunka-ee-xeer-soomaaliga","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/nuucyada-dembiyada-erey-bixinta-qaanuunka-ee-xeer-soomaaliga\/","title":{"rendered":"Nuucyada dembiyada &#038; Erey-bixinta Qaanuunka ee Xeer Soomaaliga!"},"content":{"rendered":"<p style=\"font-weight: 400;\">Afkeena Soomaaligu waxa uu kamid yahay Luuqadaha sida xowliga ah u koraya una sameynaya horumarka dhinaca ku hadalka ah, balse horumarkaasi uma socda dhinaca aqoonta, Cilmiga iyo Soomaaliyeynta Culuumta, taasina waxa ay horseedi kartaa in Afku kobco isaga oo aan lahyan erey-bixin cilmiyeed (Scientific terminology).<\/p>\n<p style=\"font-weight: 400;\">Dadaalada Soomaaliyeynta aqoonta ee illaa hadda Qoraal ahaan u yaal kama muuqdaan kumana dhexjiraan Isticmaalka maalinlaha ee xirfadaha, sida Qaanuunka, Bangiga iyo Dhaqaalaha, Warbaahinta, Siyaasadda, Ciyaaraha iyoo qaybaha kale ee Xirfadaha.<\/p>\n<p style=\"font-weight: 400;\">Labada Lahjad ee Dastuurku aqoonsan yahay in Af Soomaaligu ka kooban yahay iyaguna waxa ay ka dhigan yahay caqabad kale oo Afkan ka haysata in uu ku yeesho Erey-bixin cilmiyeed oo mideysan.<\/p>\n<p style=\"font-weight: 400;\">1950-maadkii ilaa laga soo gaarayey xornimadii 1960-kii, waxaa socdey dood ah sida loo qorayo ama loo dhigayo Af-Soomaaliga, taas oo dhalisay dood ka aloosantay nooca loo qorayo iyo Nidaamka la raacayo Carabi ama Laatiin.<\/p>\n<p style=\"font-weight: 400;\">1961 waxa ay dowaladdii u horesey ee Jamhuuriyaddu arrintaas u saartay guddi loo xulay Jaan-goynta Qoraalka Far-Soomaaliga, guddigaasi waxa uu ku milmay dooddii ka taagnayd Qoraalka farta kaddibna dawladdu waxa ay dalka keentay khubaro ka socdey Unesco, balse inkasta oo Guddigii Afs-Soomaaliga iyo Khubarada UNECSO ay dadaal xoog leh geliyeen Arrintan haddana kuma guuleysan qaadashada iyo Jaangoynta Qoraalka Afka balse waxa ay ka tageen talo iyo agab wax ku ool ah oo hordeeday in 1972, Xukunkii Kacaanku go\u2019aamiyey kuna dhawaaqay Afja rasmiga ah ee Soomaaliya, go\u2019aan ka soo baxay golaha sare ee Kacaanka January-1972-dii in afka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya uu yahay Afka Soomaaliga.<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-full wp-image-74963\" src=\"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/poster-01-9.png\" alt=\"\" width=\"4500\" height=\"4500\" srcset=\"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/poster-01-9.png 4500w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/poster-01-9-300x300.png 300w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/poster-01-9-1024x1024.png 1024w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/poster-01-9-150x150.png 150w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/poster-01-9-768x768.png 768w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/poster-01-9-1536x1536.png 1536w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/poster-01-9-2048x2048.png 2048w\" sizes=\"(max-width: 4500px) 100vw, 4500px\" \/><\/p>\n<p style=\"font-weight: 400;\">Haddaba Xeer Soomaaliga waxaa kujira erey-bixin aan qornayn oo ku saabsan dacwadaha Madaniga iyo Ciqaabta (Civil and criminal cases) kuwaas oo muujinaya in Af-Soomaaligu Asal iyo dhaqan ahaan u leeyahay Erey-bixin-garsoor oo Soomaali ah, ereybixintan waxa aan ka dhex helay hadal-suugaaneed oo uu jeediyey Allaha u naxariistee Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye<\/p>\n<p style=\"font-weight: 400;\">Xeer Soomaaliga marka la joogo dhammaan dacwadaha, dembiyada ama Kiisaska \u00a0waxaa loo qaybiyaa Laba qayb (2) ooo kala ah:-\u00a0<strong> Dhur<\/strong> iyo <strong>Dhaqan<\/strong>.<\/p>\n<p style=\"font-weight: 400;\">Dhur waa dhammaan dembiyada iyo dacwadaha ku saabsan Dhiigga (Criminal cases), Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliya waxa uu u yaqaan Ciqaab.<\/p>\n<p style=\"font-weight: 400;\">Dhaqan waa dhammaan dembiyada iyo dacwadaha la isku qabsado ee ka soo hara Dhiigga (Civil casese) Xeerka Madaniga Soomaaliya waxa uu u yaqaan dacwooyinka Madaniga.<\/p>\n<p style=\"font-weight: 400;\">Kiisaska Dhurku waxa ay u sii kala baxaan laba Nuuc oo kale kuwaas oo kala ah:-\u00a0<strong>Qur<\/strong> iyo <strong>Qoon<\/strong>,\u00a0Qur waa qur-baxday dhimasho ama geeri, Qoontuna waa Nabar ama dhiig-nool<\/p>\n<p style=\"font-weight: 400;\">Kiisaska Dhaqanku markooda waxa ay u sii kala baxaan laba nuuc oo kale kuwaas oo kala ah Xilo iyo Xoolo, Kiisaska Xooluhuna waxa ay u sii kala baxaan Bar (Bar-xoolaad) iyo Beer (Dhul iyo deegaan)<\/p>\n<p style=\"font-weight: 400;\">Nuuca Barta ayaa ka kooban (Mooro, Dhaxal, Ehel, Walaalo iyo Magan, Baadi, dhac iyo Tuugo)<\/p>\n<p style=\"font-weight: 400;\">WQ: <a href=\"https:\/\/www.facebook.com\/AhmedGutale\">Avv: Ahmed I. Gutale<\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Afkeena Soomaaligu waxa uu kamid yahay Luuqadaha sida xowliga ah u koraya una sameynaya horumarka dhinaca ku hadalka ah, balse horumarkaasi uma socda dhinaca aqoonta, Cilmiga iyo Soomaaliyeynta Culuumta, taasina waxa ay horseedi kartaa in Afku kobco isaga oo aan lahyan erey-bixin cilmiyeed (Scientific terminology). Dadaalada Soomaaliyeynta aqoonta ee illaa hadda Qoraal ahaan u yaal&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":74958,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[86,73,72,94],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/74956"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=74956"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/74956\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":74964,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/74956\/revisions\/74964"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/74958"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=74956"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=74956"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=74956"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}