{"id":70072,"date":"2022-07-31T13:24:19","date_gmt":"2022-07-31T12:24:19","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=70072"},"modified":"2022-07-31T13:24:19","modified_gmt":"2022-07-31T12:24:19","slug":"mw-xasan-sheekh-oo-tababar-u-soo-xiray-layli-sarkaal-layli-saraakiil-xigeen","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/mw-xasan-sheekh-oo-tababar-u-soo-xiray-layli-sarkaal-layli-saraakiil-xigeen\/","title":{"rendered":"MW Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray Layli Sarkaal &#038; Layli Saraakiil Xigeen"},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tababbar u soo xiray Dufcadda 4-aad ee Layli Sarkaal iyo Dufcadda 5-aad ee Layli Saraakiil Xigeen ee ka baxa Dugsiga Tababbarka Ciidamada Soomaaliyeed ee TurkSom.<\/p>\n<p>Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mehmet Yilmaz, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud, Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Taliyeha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Guuto Odawaa Yuusuf Raagge, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida.<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/scontent-mrs2-2.xx.fbcdn.net\/v\/t39.30808-6\/296116780_438409064996905_6714651472725227141_n.jpg?_nc_cat=106&amp;ccb=1-7&amp;_nc_sid=730e14&amp;_nc_ohc=wT2oaMwg7woAX9JxfOr&amp;tn=YeFB4TQlF1u1vqwm&amp;_nc_ht=scontent-mrs2-2.xx&amp;oh=00_AT9JfzSIIsmiaNJHQrvTPSKs5TCoVWden5tJlMNpPjoPBQ&amp;oe=62EAC862\" alt=\"May be an image of 11 people, people standing, military uniform, outdoors and text that says 'KOMUTANLI\u011eI'\" \/><\/p>\n<p>Ugu horreyn Madaxweyne Xasan ayaa uga mahadceliyey dowladda Turkiga hirgelinta dugsigan oo la dhisay sanadkii 2015-kii, isaga oo sheegay in DF ay ka go\u2019an tahay dib u dhiska, qalabaynta iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka, si loo helo ciidan Soomaaliyeed oo si buuxda ula wareega sugidda amniga dalka.<\/p>\n<p><strong><em>\u201cHirgelintii dugsigan waxa ay billow u tahay in wakhti dhow aan gaarno in aan si buuxda, gudaha dalkeenna, ugu tababbaranno ciidankeenna. Waxaan u hamablyeynayaa waalidiinta, walaalaha iyo qoysaska ay ka soo jeedaan Saraakiishan iyo kuwii ka horreeyeyba ee halkan ka bixi jiray in ay u oggolaadaan ubadkooda ku biiridda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.\u201d<\/em><\/strong> Sida uu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/scontent-mrs2-2.xx.fbcdn.net\/v\/t39.30808-6\/296172775_438409444996867_6115808692824602004_n.jpg?_nc_cat=101&amp;ccb=1-7&amp;_nc_sid=730e14&amp;_nc_ohc=5-n3wzDyAVIAX_JEkf_&amp;_nc_ht=scontent-mrs2-2.xx&amp;oh=00_AT-vY81Ksegm3fEFdbvyB4e9YCS7etULfgLW0xxMAj9_9Q&amp;oe=62EBE5F8\" alt=\"May be an image of 7 people, people standing, military uniform and outdoors\" \/><\/p>\n<p>Dhanka kale Saraakiisha iyo Saraakiil-xigeennada ayaa soo bandhigay dhoollatus ay ku muujinayaan cududda iyo tayada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyagoo gutay dhaarta dastuuriga ah ee la xiriirta in ay difaacayaan dalka, dadka, diinta iyo calanka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/scontent-mrs2-1.xx.fbcdn.net\/v\/t39.30808-6\/296155918_438409281663550_2520452567987048270_n.jpg?_nc_cat=105&amp;ccb=1-7&amp;_nc_sid=730e14&amp;_nc_ohc=rWcXfoQ6WLAAX_XSDAL&amp;_nc_ht=scontent-mrs2-1.xx&amp;oh=00_AT_rsE40bU_HHPV13GuaIPDTjJAwz8fh4mKiVyUc40xa8Q&amp;oe=62EC2489\" alt=\"May be an image of 9 people, people standing and outdoors\" \/><\/p>\n<p>Ugu dambeyn Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bogaadiyay saraakiisha Tababarka bixineysay, sidoo kale waxa uu bogaadiyay Saraakiisha loo soo xiray maanta tababarka, isaga oo guddoonsiiyay shahaado.<\/p>\n<p><strong><em>Mustaqbal<\/em><\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tababbar u soo xiray Dufcadda 4-aad ee Layli Sarkaal iyo Dufcadda 5-aad ee Layli Saraakiil Xigeen ee ka baxa Dugsiga Tababbarka Ciidamada Soomaaliyeed ee TurkSom. Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mehmet Yilmaz, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud, Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":70073,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/70072"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=70072"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/70072\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":70074,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/70072\/revisions\/70074"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/70073"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=70072"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=70072"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=70072"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}