{"id":69499,"date":"2022-07-13T06:41:51","date_gmt":"2022-07-13T05:41:51","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=69499"},"modified":"2022-07-13T06:41:51","modified_gmt":"2022-07-13T05:41:51","slug":"guddiga-kmg-ah-ee-doorashooyinka-dg-puntland-oo-maanta-hortagaya-golaha-wakiilada","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/guddiga-kmg-ah-ee-doorashooyinka-dg-puntland-oo-maanta-hortagaya-golaha-wakiilada\/","title":{"rendered":"Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka DG Puntland oo maanta hortagaya Golaha Wakiilada."},"content":{"rendered":"<p>Guddiga KMG ah ee DG Puntland u qaabilsan Doorashada Dadweynaha (TPEC) ee nidaamka Xisbiyada ayaa maanta hortagaya Golaha Wakiilada Dowlad-Goboleedkaas si uu warbixin guud uga siiyo halka uu wax marsiinayo &amp; qorshaha uu damacsan yahay Guddigaan.<\/p>\n<p>Warbixinta kaddib, Xildhibaannada Golaha Wakiilada DG Puntland ayaa lagu wadaa in ay su\u2019aalo weydiiyaan xubnaha Guddiga KMG ee Doorashada qof &amp; codka ah qabanaya si ay u helaan macluumaad dhammeystiran.<\/p>\n<p>Xildhibaannada Golaha Wakiilada ayaa loo diray fariin ku saabsan Fadhiga 19-aad ee Kal-fadhiga 50-aad ee Baarlamanka maadaama mudanayaasha ay dib uga soo laabanayaan Fasaxa maalmaha ciidda oo ay galeen todobaadkii hore.<\/p>\n<p>Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka DG Puntland ayaa Degmooyinka Qardho, Ufeyn &amp; Eyl ku qabtay Doorasho tijaabo ah kaddib markii Shacabka saddexdaas Magaalo la siiyay kaararka aqoonsiga lana diiwaangeliyay.<\/p>\n<p>Mas\u2019uuliyiin katirsan Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland ayaa sheegay in ay xoojiyeen kulamada ay la qaadayaan Bulshada rayidka, Siyaasiyiinta, Daneeyaasha Doorashada &amp; cid weliba oo ay u arkaan in ay wax kusoo kordhin karto.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Guddiga KMG ah ee DG Puntland u qaabilsan Doorashada Dadweynaha (TPEC) ee nidaamka Xisbiyada ayaa maanta hortagaya Golaha Wakiilada Dowlad-Goboleedkaas si uu warbixin guud uga siiyo halka uu wax marsiinayo &amp; qorshaha uu damacsan yahay Guddigaan. Warbixinta kaddib, Xildhibaannada Golaha Wakiilada DG Puntland ayaa lagu wadaa in ay su\u2019aalo weydiiyaan xubnaha Guddiga KMG ee Doorashada&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":11,"featured_media":69500,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,77,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/69499"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/11"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=69499"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/69499\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":69501,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/69499\/revisions\/69501"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/69500"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=69499"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=69499"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=69499"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}