{"id":69402,"date":"2022-07-10T06:22:07","date_gmt":"2022-07-10T05:22:07","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=69402"},"modified":"2022-07-10T06:22:07","modified_gmt":"2022-07-10T05:22:07","slug":"maxay-kawada-hadlayaan-madaxweynayaasha-soomaaliya-eretareeya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/maxay-kawada-hadlayaan-madaxweynayaasha-soomaaliya-eretareeya\/","title":{"rendered":"Maxay kawada hadlayaan Madaxweynayaasha Soomaaliya &#038; Eretareeya?"},"content":{"rendered":"<p>Magaalada Asmara waxaa maanta ku kulmaya Madaxweynayaasha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud &amp; Eretareeya Isaias Afwerki si ay uga xaajoodaan xoojinta xiriirka labada Dal, Dhalinyarada tababarka loo geeyay dalkaas &amp; Iskaashiga labada Dowlad.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Eratareeya Afwerki oo casuumay dhiggiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Asmara International Airport wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.<\/p>\n<p>Labada Madaxtooyo ayaa xaqiijiyay in safarka Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ee Eratareeya uu qaadanayo muddo 4 cisho ah, kaddib marka uu soo dhammaado socdaalkaas ay soo bandhigi doonaan dhammaan waxyaabaha ay isla gartaan labada Madaxweyne.<\/p>\n<p>Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, safarka uu ku tagay Eretareeya waa safarkiisii saddexaad uu dalka dibaddiisa ku aaday tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha 10aad ee Jamhuuriyadda Federaalka 15ka May 2022.<\/p>\n<p>Horay waxa uu u tagay waddamada Imaaraatka Carafta &amp; Turkiga, madaxda labadaas dal ayuu kala hadlay xoojinta xiriirka ay la wadaagaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo in ay kawada shaqeeyaan danaha labada dhinac.<\/p>\n<p>Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kahor inta aan la dooran waxa uu sheegay in uu ka shaqeynayo xoojinta xiriirka Soomaaliya ay la wadaagto waddamada kale &amp; dib u heshiisiinta Soomaalida dhexdeeda.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Magaalada Asmara waxaa maanta ku kulmaya Madaxweynayaasha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud &amp; Eretareeya Isaias Afwerki si ay uga xaajoodaan xoojinta xiriirka labada Dal, Dhalinyarada tababarka loo geeyay dalkaas &amp; Iskaashiga labada Dowlad. Madaxweynaha Eratareeya Afwerki oo casuumay dhiggiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Asmara International Airport wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya. Labada&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":11,"featured_media":69403,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[83,59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/69402"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/11"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=69402"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/69402\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":69404,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/69402\/revisions\/69404"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/69403"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=69402"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=69402"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=69402"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}