{"id":69397,"date":"2022-07-09T14:22:01","date_gmt":"2022-07-09T13:22:01","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=69397"},"modified":"2022-07-09T14:44:32","modified_gmt":"2022-07-09T13:44:32","slug":"mw-sri-lanka-oo-cararay-ka-dib-markii-ay-dibadbaxayaal-careysan-galeen-madaxtooyada","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/mw-sri-lanka-oo-cararay-ka-dib-markii-ay-dibadbaxayaal-careysan-galeen-madaxtooyada\/","title":{"rendered":"MW Sri Lanka oo cararay ka dib markii ay dibadbaxayaal careysan galeen madaxtooyada."},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa ayaa Sabtida maanta ah ka cararay gurigiisa rasmiga ah wax yar ka hor inta aysan mudaaharaadayaasha ka careysan dhibaatada dhaqaale ee aan horey loo arag ee dalkaasi ka jirta xoog ku galin qasriga madaxtooyada aysanna la wareegin xafiis kiisa u dhow.<\/p>\n<p>Sida ay booliisku qiyaaseen, boqollaal kun oo qof ayaa isugu soo baxay waddooyinka agagaarka guriga madaxweynaha, iyaga oo dalbanayay in uu xilka ka dago sababo la xiriirta dhibaatada dhaqaale ee dalka ka jirta.<\/p>\n<p>Kadib markii ay xoog ku galeen albaabada xarunta Madaxtooyada, ayaa waxaa baraha bulshada si toos ah looga baahinayay dadweyne dhex mushaaxaya qolalka madaxtooyada, iyadoo qaar ka mid mudaaharaadayaashu ay isku tuureen barkadda lagu dabaasho ee madaxtooyada.<\/p>\n<p>Qaarkood ayaa la arkayay iyaga oo qoslaya oo jiifa qolalka jiifka ee quruxda badan ee qeybta deegaanka, iyado intii aaney mudaaharadayaashu gudaha soo gelin ay ciidamadu rasaas fureen si ay dib ugu celiyaan islamarkaana si nabad ah Rajapaksa looga saaro qasriga.<\/p>\n<p>\u201cMadaxweynaha si nabad ah ayaa goobta looga saaray,\u201d ayuu sarkaal sare u sheegay wakaaladda wararka AFP. \u201cWali waa madaxweyne, waxaana ilaalinaya unug ka tirsan ciidamada militariga.\u201d<\/p>\n<p>Qasriga uu banneeyay ayaa ah mid ka mid ah astaamaha ugu muhiimsan ee dowladda Sri Lanka, waxaana saraakiishu sheegeen in bixitaankiisu ay keeneyso su\u2019aalo ah haddii uu wali doonayo in uu xilka sii hayo.<\/p>\n<p>Saddex qof ayaa la dhigay isbitaal ka dib markii la toogtay iyadoo 36 qof oo kale iyana lagu dabiibayo isbitaalka kuwaasi oo dhibaato xagga neefsiga ahi ka soo gaartay markii sunta dadka ka ilmaysiisa loo adeegsaday meel aan ka fogeyn guriga madaxweynaha, sida ay sheegtay afhayeenka cisbitaalka guud ee caasimadda Colombo.<\/p>\n<p><strong>AFP<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa ayaa Sabtida maanta ah ka cararay gurigiisa rasmiga ah wax yar ka hor inta aysan mudaaharaadayaasha ka careysan dhibaatada dhaqaale ee aan horey loo arag ee dalkaasi ka jirta xoog ku galin qasriga madaxtooyada aysanna la wareegin xafiis kiisa u dhow. Sida ay booliisku qiyaaseen, boqollaal kun oo qof ayaa&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":69398,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[83],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/69397"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=69397"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/69397\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":69399,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/69397\/revisions\/69399"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/69398"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=69397"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=69397"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=69397"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}