{"id":69379,"date":"2022-07-09T07:12:23","date_gmt":"2022-07-09T06:12:23","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=69379"},"modified":"2022-07-09T07:12:23","modified_gmt":"2022-07-09T06:12:23","slug":"mw-dg-jubbaland-oo-ku-baaqay-in-gurmad-degdeg-ah-loo-helo-qoysaska-abaarka-kasoo-barakacay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/mw-dg-jubbaland-oo-ku-baaqay-in-gurmad-degdeg-ah-loo-helo-qoysaska-abaarka-kasoo-barakacay\/","title":{"rendered":"MW DG Jubbaland oo ku baaqay in gurmad degdeg ah loo helo qoysaska abaarka kasoo barakacay."},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha DG Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo tagay mid kamid ah Xeryaha la dejiyay qoysaska kasoo barakacay abaarta ayaa sheegay in uu soo arkay xaalado adag oo ay ku nool yihiin qoysaskaas.<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/scontent-mrs2-2.xx.fbcdn.net\/v\/t1.15752-9\/292517821_431933788981813_2091606466533602766_n.png?_nc_cat=108&amp;ccb=1-7&amp;_nc_sid=ae9488&amp;_nc_ohc=3Xp2Lr3D8HUAX8t_ukB&amp;tn=DrrAgZCsuEGcZ2KS&amp;_nc_ht=scontent-mrs2-2.xx&amp;oh=03_AVLdX5ctDbySgrWWxpAaVE-kecDnf_kfZkj-XSNgIFPGdw&amp;oe=62F01400\" alt=\"No description available.\" \/><\/p>\n<p>Axmed Madoobe oo tagay guryo ka sameysay Baco, qoryo &amp; Baakado oo ay ku sugan yihiin Dad da\u2019 ah oo qaarkood awlaaddooda ku dhintay Abaarta ayaa sheegay in si gaar ah uu maamulkiisa uga warqabayo Dadkaas.<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/scontent-mrs2-1.xx.fbcdn.net\/v\/t1.15752-9\/292345240_578572113971723_2639026814018394994_n.png?_nc_cat=111&amp;ccb=1-7&amp;_nc_sid=ae9488&amp;_nc_ohc=EaKXZp3VNP4AX_2jGik&amp;_nc_ht=scontent-mrs2-1.xx&amp;oh=03_AVIGnRGqgnNqaQS7kslsECbqPLNOII7zcypnVtrrCA79WA&amp;oe=62F06A8C\" alt=\"No description available.\" \/><\/p>\n<p>Madaxweyne Axmed Waxa uu amray in si degdeg ah goobaha caafimaadka Kismaayo loo geeyo Dadka xannuunsanaya ee aanay awoodin in ay iska bixiyaan lacagaha ku baxaya dhaqaatiirta ay u baahan yihiin.<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/scontent-mrs2-2.xx.fbcdn.net\/v\/t1.15752-9\/290815021_1747259185611810_2750182625081013302_n.png?_nc_cat=101&amp;ccb=1-7&amp;_nc_sid=ae9488&amp;_nc_ohc=fTz9DhbTN7IAX9mpSsC&amp;_nc_ht=scontent-mrs2-2.xx&amp;oh=03_AVLJpFk_ga73gwjud2D24uLyKKjv2dDG_ZkclDX3BNDhxA&amp;oe=62EFC4C6\" alt=\"No description available.\" \/><\/p>\n<p>Guud ahaan Dadka wax heysta waxa uu ugu baaqay in ay gacmahooda u furaan sidii loo garab siin lahaa Walaalaha ku xoolo iyo hanti beelay abaarta oo iyaga oo ka gacmo baran ku sugan xeryo barakac oo dib u dejin loogu sameeyay.<\/p>\n<p>Waxa uu ugu baaqay qoysaska barakacayaasha qudhooda in ay ku sabraan qadarka alle maadaama dhibaatada heysata ay tahay Imtixaan adduun oo u baahan in ay dulqaad sameeyaan sida uu hadalka u dhigay.<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/scontent-mrs2-1.xx.fbcdn.net\/v\/t1.15752-9\/292519608_375610388010477_8364649338456198297_n.png?_nc_cat=109&amp;ccb=1-7&amp;_nc_sid=ae9488&amp;_nc_ohc=H9FXzlrYdPUAX8CpiC5&amp;tn=DrrAgZCsuEGcZ2KS&amp;_nc_ht=scontent-mrs2-1.xx&amp;oh=03_AVInlr1QuKEPoYgilOv-BYkFdGRV8C8Mv3jyYjknlTYoMw&amp;oe=62EFEBB1\" alt=\"No description available.\" \/><\/p>\n<p>Qaar kamid ah Dadka barakacayaasha ah ayaa Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland u gudbiyay dhibaatooyinka dhanka nolosha ah ee ka jira Xeryaha ay degen yihiin &amp; xaaladda ay ku nool yihiin.<\/p>\n<p><strong><em>\u201cMaamada degen aqalkaan wax carruur ah ma heysato oo abaarta ayay uga geeriyoodeen intii u nooleed, innaga ayaa caawino oo deris la ah, way xannuunsan tahay waxaana ay u baahan tahay in la gacan qabto\u201d<\/em><\/strong> ayay tiri Haweeney kamid ah Dadka Barakacayaasha.<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/scontent-mrs2-2.xx.fbcdn.net\/v\/t1.15752-9\/292250804_1048808939361908_4691251523635958229_n.png?_nc_cat=107&amp;ccb=1-7&amp;_nc_sid=ae9488&amp;_nc_ohc=KKvYWr7FLrgAX89PpTm&amp;_nc_ht=scontent-mrs2-2.xx&amp;oh=03_AVIagGGLu9mREOoz-IdrnoAzMxGZDdGSGTI4V1UGUeyYyQ&amp;oe=62EEE763\" alt=\"No description available.\" \/><\/p>\n<p>Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa mas\u2019uuliyiintii la socotay ku amray in ay qaadaan dadka dhibaateysan ee u baahan daryeelka Caafimaad maadaama aanay awoodin in ay iska bixiyaan lacagaha looga rabo goobaha Caafimaadka.<\/p>\n<p>Degmada Doolow ee Gobolka Gedo waa goobta ugu badan oo ay saldhigteen qoysaska kasoo barakacaya baarta ka jirta Gobollada Bay, Bakool &amp; qaybo kamid ah Gobolkaas, Dhoobley oo Golaha Wasiirada Jubbaland u aqoonsadeen in ay Degmo noqoto waxa ay martigelisay boqolaal ruux oo barakacayaal ah.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha DG Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo tagay mid kamid ah Xeryaha la dejiyay qoysaska kasoo barakacay abaarta ayaa sheegay in uu soo arkay xaalado adag oo ay ku nool yihiin qoysaskaas. Axmed Madoobe oo tagay guryo ka sameysay Baco, qoryo &amp; Baakado oo ay ku sugan yihiin Dad da\u2019 ah oo qaarkood awlaaddooda&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":11,"featured_media":69380,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,78,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/69379"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/11"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=69379"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/69379\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":69381,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/69379\/revisions\/69381"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/69380"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=69379"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=69379"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=69379"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}