{"id":69376,"date":"2022-07-09T05:37:45","date_gmt":"2022-07-09T04:37:45","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=69376"},"modified":"2022-07-09T05:37:45","modified_gmt":"2022-07-09T04:37:45","slug":"rw-xamse-oo-ku-baaqay-in-la-garab-istaago-qoysaska-aanay-awoodin-ka-qaybgalka-farxadda-ciidda","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/rw-xamse-oo-ku-baaqay-in-la-garab-istaago-qoysaska-aanay-awoodin-ka-qaybgalka-farxadda-ciidda\/","title":{"rendered":"RW Xamse oo ku baaqay in la garab istaago qoysaska aanay awoodin ka qaybgalka farxadda Ciidda."},"content":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre \u00a0oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Ciidul-Adxaa ayaa ugu baaqay in guud ahaan Dadka wax kala tirsanaya in ay is cafiyaan fadliga maalintaan ay leedahay awgeed.<\/p>\n<p>Xamse waxa uu sheegay in la joogo maalintii la is garab qaban lahaa si loo gacansiiyo bulshada kuwooda jilicsan ee aanay awoodin in ay helaan waxyaabaha aasaasiga u ah nolosha sida uu hadalka u dhigay.<\/p>\n<p>Ciidamada Dowladda Federaalka ayuu ku bogaadiyay mas\u2019uuliyadda ay iska saareen sugidda nabadgalyada oo ah waajib saaran, waxa uu la\u2019aantood ku tilmaamay in aanay suuragelin nabadgalyada lagu wada joogo.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Dalka ay ka jirto abaar saameyn taban ku reebtay Dadka Beeraleyda ah &amp; kuwa xoolo dhaqatada ah balse looga gudbi karo in la kordhiyo baryada alle iyo Dadka oo is garab qabta.<\/p>\n<p><strong><em>\u201cCiidda Al-Adxa mubaarak waxa ay astaan u tahay hurid la huro nafta &amp; maalka iyada oo lagu raalligelinayo ilaahey, waxa aan u mahadcelinayaa Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed ee geesiyaasha ah oo Habeen iyo maalin u taagan, nafta u hura sidii ay u sugi lahaayeen amniga shacabkooduna ugu noolaan lahaayeen nabadgalyo\u201d<\/em><\/strong> RW Xamse Cabdi Barre.<\/p>\n<p><strong><em>\u201cSidoo kale waxa aan hambalyo u dirayaa Dadka Soomaaliyeed ee sharafta leh ee waxa ay heystaan u diray walaalahood abaaruhu saameeyeen si ay ula qaybsadaan xannuunka abaaruhu keeneen, waxa aan ka codsanayaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed in ay sii labalaabaan dedaalka ay wadaan si ay u badbaadiyaan walaalahood waqtigaan adag aan ku jirno oo waxa ay heystaan wax uga siiyaan\u201d<\/em><\/strong> Ayuu hadalkiisa sii raaciyay RW Xamse Cabdi Barre.<\/p>\n<p>Waddamada islaamka waxa ay maanta u tahay maalinta 1aad ee Ciidul-Adxaa, qoysas badan oo wajahaya duruufo kala duwan ayaan awoodin in ay ka qaybgalaan fantasiyaha maalintaan maadaama ay hardan adag ugu jiraan helista nolol-maalmeedkooda.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre \u00a0oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Ciidul-Adxaa ayaa ugu baaqay in guud ahaan Dadka wax kala tirsanaya in ay is cafiyaan fadliga maalintaan ay leedahay awgeed. Xamse waxa uu sheegay in la joogo maalintii la is garab qaban lahaa si loo gacansiiyo bulshada kuwooda jilicsan ee aanay awoodin in&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":11,"featured_media":69377,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,83,59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/69376"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/11"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=69376"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/69376\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":69378,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/69376\/revisions\/69378"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/69377"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=69376"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=69376"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=69376"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}