{"id":69334,"date":"2022-07-07T12:01:23","date_gmt":"2022-07-07T11:01:23","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=69334"},"modified":"2022-07-07T12:01:23","modified_gmt":"2022-07-07T11:01:23","slug":"raiisul-wasaarah-uk-boris-johnson-oo-maanta-is-casilaya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/raiisul-wasaarah-uk-boris-johnson-oo-maanta-is-casilaya\/","title":{"rendered":"Ra&#8217;iisul Wasaarah UK Boris Johnson oo maanta is-casilaya"},"content":{"rendered":"<p>Boris Johnson ayaa maanta ku dhowaaqi doona inuu iska casilay xilka Ra\u2019iisul wasaraaha Britain kadib markii ay ka kala tageen wasiiradiisa iyo xildhibaanada xisbigiisa Conservative-ka, kuwaasi oo sheegay inuusan u qalmin inuu wax sii maamulo.<\/p>\n<p>Ayada oo sided wasiir ay is-casileen labadii saac ee u dambeysay, Johnson oo tabar beelay, islamarkaana cidloobay, ayaa u hoggaansami doona lama huraanka wuxuuna ku dhowaaqi doona inuu is-casilay, waxaa sidaas sheegay ilo-wareedyo.<\/p>\n<p>Xafiiskiisa Downing Street ayaa sidoo kale xaqiijiyey in Johnson uu goor dambe oo maanta ah soo saari doono war-saxaafadeed. Kadib maalmo uu u dagaalamayey shaqadiisa, Johnson ayaa waxaa faarujiyey waxyar mooyee inta badan xulafadiisa kadib markii fadeexado dhowr ah oo cusub ay jebiyeen rajadoodii aheyd inay taageeraan.<\/p>\n<p><strong><em>\u201cIs-casilaaddiisa waxay aheyd mid aan la huri doonin,\u201d<\/em><\/strong> waxaa sidaas yiri Justin Tomlinson oo ah guddoomiye ku-xigeenka xisbiga Conservative-ka oo qoraal soo dhigay twitter-ka.<\/p>\n<p>Xisbiga Conservative-ka ayaa hadda dooran doono hoggaamiye cusub, hanaankaas oo qaadan kara laba bilood. Ma cadda haddii Johnson oo sii hayn doono xilka illaa laga dooranayo qofka noqonaya ra\u2019iisul wasaaraha.<\/p>\n<p><strong><em>\u201cInuu iska casilo xilka hoggaamiyaha xisbiga ka sokow, ra\u2019iisul wasaaraha waa inuu sidoo kale xafiiska ka tagaa,\u201d<\/em><\/strong> waxaa sidsaas yiri Nick Gibs oo ah xildhibaan ka tirsan Conservative-ka.<\/p>\n<p>Taageerada Johnson ayaa baaba\u2019day intii lugu guda jiray mid ka mid ah 24-kii saac ee ugu qalaalasaha badnaa taariikhda siyaasadda Britain, taasi oo uu tusaale u yahay wasiirka maaliyadda Nadhim Zahawi, oo xilkaas loo magacaabay Talaadadii un, kaasi oo ra\u2019iisul wasaaraha ugu baaqay inuu is-casilo.<\/p>\n<p>Zahawi iyo xubno kale oo ka tirsan golaha wasiirada ayaa xalay tegay xafiiska Downing Street si ay ugu sheegaan Johnson in watqigiisa uu yimid.<\/p>\n<p><strong>REUTERS<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Boris Johnson ayaa maanta ku dhowaaqi doona inuu iska casilay xilka Ra\u2019iisul wasaraaha Britain kadib markii ay ka kala tageen wasiiradiisa iyo xildhibaanada xisbigiisa Conservative-ka, kuwaasi oo sheegay inuusan u qalmin inuu wax sii maamulo. Ayada oo sided wasiir ay is-casileen labadii saac ee u dambeysay, Johnson oo tabar beelay, islamarkaana cidloobay, ayaa u hoggaansami&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":69335,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[83],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/69334"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=69334"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/69334\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":69336,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/69334\/revisions\/69336"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/69335"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=69334"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=69334"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=69334"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}