{"id":69061,"date":"2022-06-27T09:17:55","date_gmt":"2022-06-27T08:17:55","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=69061"},"modified":"2022-06-27T09:26:30","modified_gmt":"2022-06-27T08:26:30","slug":"xasuuqii-james-jones-xagjirkii-mareykanka-ahaa-ee-dilay-900-oo-qof-kaddibna-isdiley","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/xasuuqii-james-jones-xagjirkii-mareykanka-ahaa-ee-dilay-900-oo-qof-kaddibna-isdiley\/","title":{"rendered":"Xasuuqii James Jones;  Xagjirkii Mareykanka ahaa ee dilay  900+; oo qof! kaddibna isdiley!"},"content":{"rendered":"<p>November-1978, <strong>James Warren Jones; <\/strong>oo ahaa xagjir Kirishtaan ah una dhashay Mareykanka \u00a0ayaa magaalada Indianapolis ee gobolka Indiana ee Mareykanka waxa uu ka furtay xero lagu magacaabi jiray Jonestown, taas oo raacsanayd Kaniisadiisa Peoples Tample ama Kaniisadda Shacabka.<\/p>\n<p>Jones; oo hoggaamiye ka ahaa urur uu ku magacaabay dhaqdhaqaaqa wadaadada cusub ee Diinta loona yiqiin <strong>Cult<\/strong>\u00a0ayaa sheegan jiray magacyo iyo xilal \u00a0kala duwan sida hoggaamiyaha la jecel yahay, Ergeyga Kalgacalka iyo Nabadda iyo Saaxiibka Saboolka!\u00a0Waxa kale oo Jones sheegan jiray in uu yahay \u00a0Nabi markii dambana waxa uu sheegtay in uu yahay Ciise Masiix! waxyar kahor xausuuqii uu geystayna waxa uu \u00a0isugu yeeri jiray in uu yahay <strong>Vladimir Ilyich Lenin<\/strong> oo ah asaasaha aragtida Hanti-wadaagga.<\/p>\n<p>Jones; oo ahaa nin maskax ahaan isku dhexyaacsan waagii dambe aad ayuu aad u sii wareeray waxa uu gaaray heer uu sheegto in uu yahay Rabbi.<\/p>\n<p>Warbaahinta ayaa aad uga hadashay waxna uga qortay, isaga oo aad uga carooday sida uusan jecleysan ee Saxaafaddu uga hadasho dhaqnakiisa iyo aragtidiidsa, taasina waxa ay ku qasabtay horraantii 1978-dii in uu ka guuro ama ka huleelo Mareykanka isaga oo u waareegay dalka <strong>Guyana<\/strong> oo dhaca ama ku yaal Koofurta Ameerika, halkaas ayuuna ka billaabay baaqyo isdabayaal kuwaas oo taageerayaashiisu ugu yeeraya diinta.<\/p>\n<p>Xerta ama taageerayaasha James Warren Jones<strong>; <\/strong>ee<strong> Cult;\u00a0<\/strong>waxa ay ka koobnaayeen guud ahaan dadka kala jinsiyadaha duwan ee Mareykanka, waxa uu si gaar ah u aruurin jiray ciyaalka aan kahayn dad daryeela ama Waakid, daka dayacan iyo dadka aan waxba aaminsanayn ama aan diinta lahayn.<\/p>\n<p>18-Nov-1978-dii ayuu dadkii raacsanaa ama xertiisii ku booriyey in ay halmar is dilaan oo nafta iska qaadan, sidaas awgeed waxa uu horseeday is-qarxin wadareed ay ku dhinteen 912; qof, 256, kamid ah dadkaas waxa ay ahaayeen carruur iyo ilmo yar,\u00a0James Warren Jones; markii ay dhinteen dhammaan 911; qof oo ahaa dadkii ogolaaday baaqiisa isqarxinta ayuu dhowr xabbodood madaxa isaga dhuftay.<\/p>\n<p>Maanta daal uu Mareykanku kamid yahay \u00a0oo 1978; \u00a0ay kajirtay isqarxin-wadareed heerkaas gaartay ayaa ku wiirsanaya Waddamada dhibkaasu u cusub yahay.<\/p>\n<p>Waxa aan aqriyey qayb kamid ah qoraal ay Jaamacadda San Diego iyo Wargeyska The Los Angeles Times, ay ka qoreen musiibadaas, sidaas awgeed mar walba oo xagjirku ka Sara-maro ama ka xoog bato awoodda dowladda dhaqaale ahaan iyo awood ahaanba oo ah marka garaadku lumo, dhaqanka iyo diintuna ay noqdaan habda sida qofku u arko waxaa soo kordho Musiibooyin waaweyn oo ay adag tahay in dadweynuhu aqriyo ama Fasiro sababta ay u dhacayaan.<\/p>\n<pre>WQ: Avv: <strong>Ahmed Isse Gutale<\/strong>\r\nQoraa dersa <strong>Shareecada<\/strong>, <strong>Qaanuunka<\/strong> iyo <strong>Saxaafadda <\/strong><\/pre>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>November-1978, James Warren Jones; oo ahaa xagjir Kirishtaan ah una dhashay Mareykanka \u00a0ayaa magaalada Indianapolis ee gobolka Indiana ee Mareykanka waxa uu ka furtay xero lagu magacaabi jiray Jonestown, taas oo raacsanayd Kaniisadiisa Peoples Tample ama Kaniisadda Shacabka. Jones; oo hoggaamiye ka ahaa urur uu ku magacaabay dhaqdhaqaaqa wadaadada cusub ee Diinta loona yiqiin Cult\u00a0ayaa&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":69067,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,72],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/69061"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=69061"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/69061\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":69070,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/69061\/revisions\/69070"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/69067"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=69061"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=69061"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=69061"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}